Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysaska ugu nugul ee ku barakacay Gedo oo helay raashin gargaar ah

Radio Ergo by Radio Ergo
September 17, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia, Gar gaar

Qoysas barakac ku ah Luuq iyo Doolow oo helay raashin gargaar ah/Maxamuud Cabdirashiid Cabdi/Ergo

38
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ruqiya Sheekh Yuusuf oo ah hooyada lix carruur ah oo agoon ah waxaa u suurtagashay in maalintii ay labo waqti dabka u shiddo carruurteeda, kaddib markii ay heshay gargaar raashin ah oo hay’ad maxalli ah ay ka qaybisay xerada Wadajir ee degmada Luuq ee gobolka Gedo.

“Markii hore hal waqti uun baan wax karsanaynay, hadda waan noolaannay oo raashinkii baan qaadannay haba yaraadee. Intii aan raashinkaan qaadannay dabka waan shidannaa, aad buu wax nooga beddelay,” ayay tiri Ruqiya.

Ruqiya ayuu qoyskeedu ka mid yahay 950 qoys oo bartamihii sanadkan ka soo barakacay abaaro iyo colaado ka jira gobollada Gado iyo Bakool. Gargaarka waxaa siisay hay’adda Somali Humanitarian Relief Action (SHRA).

Wuxuu socon doonaa muddo saddex bil ah, iyadoo qoys kasta bishiiba la siinayo 30 kiilo oo bariis ah, 20 kiilo oo bur ah, 15 kiilo oo sonkor ah, 10 kiilo oo digir ah iyo 3 liitar oo saliid ah.

Hooyadaan ayaa carruurteeda ula soo barakacday degmada Luuq kaddib markii ay abaar uga leysay 70 neef oo ari ah iyo 20 lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen tuulada Miro-dhoobow oo 25 km u jirta Luuq.

Labadii bil ee u horreysay waxay nolol-maalmeedka carruurteeda ka heli jirtay shaqo aan joogta ahayn oo ay ka qaban jirtay beero ku yaalla Luuq.

Hase yeshee, roob-yari ka jirta degmada ayaa mar kale saameysay noloshooda, markii beerihii ay ka shaqaynaysay ay biyo-la’aantu qallajisay.

Carruurteeda oo ay aabbahood kala tageen waxaa hoy u ah aqal cooshad ka samaysan oo ay ka dhex-dhisatay xerada Wadajir. Waa mid ciriiri ah oo gabbaad fiican aan uga ahayn qabowga iyo qorraxda.

Dadka deggen xeryaha lagu barakacay ee Luuq muddo sanad ah ma helin gargaar cunno, taasi oo nolosha ku adkaysay qoysaska cusub ee xeryaha ku biiray, maaddaama kuwii horay ugu jiray oo ay xaaladdooda iska liidato ay caawinaad u awoodi waayeen.

Ruqiyo oo la siiyay kaar aqoonsi ah oo ay ku qaadanayso raashinka ayaa sheegtay inay qaadatay raashinkeeda koowaad 26-kii Agoosto.

Madaxa kaydka cunnada ee hay’adda SHRA, Cabdifataax Hire Cali ayaa sheegay in ka hor inta aysan billaabin qaybinta raashinka ay sahmiyeen nolosha qoysaskan sidaasna ay ku ogaadeen inay jiraan dad ku cusub xeryaha oo aan helin karin nolol-maalmeedka.

Waxay Luuq ka soo xusheen 450 qoys halka Doolow ay ka soo xusheen 500 oo qoys oo ah kuwo aan nolol ahaan isbixin karin. Labada degmo ayaa guud ahaan waxaa ku nool in ka badan 10,000 oo qoys oo barakac ah.

Dadka raashinka helay qaar ayaa qeyb raashinka la siiyay ah suuqa u iib geeyay si ay u helaan iidaan.

Abshiro Xuseen Jaamac, oo ah hooyo korsaneysa shan carruur ah oo agoon ah waxay min shan kiilo oo bariis iyo bur ah ku iibisay $10, taasi oo ay ku soo iibsatay khudaar ay ka dhigtaan iidaan.

“Raashinkii iidaan ma laheyn, wax lagu daro ma laheyn oo khudaar ma laheyn, raashinkii qeyb inaan suuqa geeyo ayay igu noqotay oo aan ku raadsado khudaar, khudaar-la’aan ileen lama cunni karo oo wuu kaa hor imaani. Intaasna Allaa naga siiyay haddana noloshii in ay kor u soo kacayso baad mooddaa,” ayay tiri.

Abshiro waxay Luuq u soo barakacday bishii Maarso kaddib markii ay abaar ka laysay 100 ari ah oo ay ku dhaqanaysay deegaanka Quracle ee gobolka Bakool.

Waxay nolosha ku riixday inay hareeraha waddooyinka magaalada ka dawarsato maaddaama ehel caawiya aysan ku lahayn degmada Luuq.

Haweeneydaan ayaa sheegtay inay rajeynayso in waqtiga uu gargaarka soconayo loo kordhiyo.

Previous Post

Haween barakac ku ah Caabudwaaq oo deymo ay qaateen ku maalgashaday ganacsiyo yaryar

Next Post

Dad barakac ah oo shaqooyin ka helay saxarada lo’da oo loo beddelo gaas dabiici ah

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Gaas dabiici ah, Somalia

Dad barakac ah oo shaqooyin ka helay saxarada lo’da oo loo beddelo gaas dabiici ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo