Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ku ah Caabudwaaq oo deymo ay qaateen ku maalgashaday ganacsiyo yaryar

Radio Ergo by Radio Ergo
September 16, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Keydka sawirrada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Soddon haween ah oo ku nool xerada barakaca Salaama ee duleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ganacsi yar oo ay samaysteen wax uga beddelay nolol-maalmeedkooda. Haweenkan ayaa si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda waxay lacag deyn ah ka soo qaateen ganacsato ay qaraabo yihiin oo ku sugan Caabudwaaq.

Sahro Cabdi Samatar oo ah hooyada toddobo carruur ah waxay bishii Juun 150 doollar ka soo deynsatay haweenay ay qaraabo yihiin oo dukaan ku leh magaalada. Waxay lacagtaas ku billowday ganacsi yar oo ah dubista sambuuska, kaasi oo ay ku wareejin jirtay waddooyinka magaalada.

Waxay maalinkii ka heli jirtay lacag dhan $5 ilaa $6, taasi oo ay labo doollar meel ka dhigi jirtay maalin walba si ay isaga bixiso daynteeda oo ay sheegtay inay caddeysay bishii Agoosto.

Sahro waxay lacagtii ay ka heshay shaqadii sambuuska ku furatay miis yar oo ay dhigatay albaabka aqalkeeda, kaasi oo ay ku iibiso caleenta, cuntada, cillaanka, baatiyada iyo go’yaasha.

“Maalmaha qaar markaan waayo wax iga iibsada, magaaladaan u qaadaa waan wareejiyaa. Subixii ayaan qaadaa cillaanka, baatiga, diracyada, gorgorodaha iyo go’yaasha. Waa ii soo baxaan, dadka kii lacagta markaas ii tuurayana waan ka soo qaataa kii kalana waqti ayuu igu ballamiyaa,” ayay tiri.

Ka hor inta aysan billaabin ganacsigaan, Sahro ayaa carruurteeda u karin jirtay habeenkii raashin yar oo ay ka soo dawarsato dukaamada magaalada iyo qaraabadeeda.

“Markaan iyo markii hore wax badan ayaa u dhexeya wax isku dhowna ma ahan. Hadda waxaan nahay dad xirfad leh oo nolol-maalmeedkooda helaya. Balse markii hore waxaan ahayn dad masaakiin ah oo aan xitaa awoodin inay iibsadaan koonbo sonkor ah. Dadkaas Islaamka ah ayaan isaga dhex nooleyn oo aan baryi jirnay.”

Qoyska Sahro ayaa ku soo biiray xerada barakaca ee Salaama markii ay abaartii 2017 ku wayeen 250 neef oo ari ah iyo 15 neef oo geel ah.

Sahro ayaa sheegtay in saygeeda uu naxdinta xoolihii dhamaaday darteed uu ku dhacay xanuunka dhimirka oo weli uu la dhibtoonayo.

Haweeneydaan ayaa xustay in iyada iyo haweenka kale ee ganacsiga billaabay uu fikirkaan ku dhashay markii ay ka dhagaysteen Raadiyow Ergo warbixin ku saabsanayd haween ku nool degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo sameystay ganacsiyo kaddib markii ay caawinaad lacag ah ka heleen mashruuc samafal heer qaran ah.

“Shaqo-abuurkaan waxay nagu dhalatay kaddib markii aan idaacadda ka dhageysannay sheekada gabdhahaas ganaacsiyada yaryar furtay oo noloshadooda isbeddel ku sameeyay. Waxaan ku mahadinayaa Ilaahay, waan ku guuleystay oo hadda naftayda ayaan ku maareeyaa iyo tan qoyskeyga,” ayay tiri.

Faadumo Saleebaan Jaamac oo 65 jir ah, waxay ka mid tahay haweenkan soddonka ah ee shaqooyinka kala duwan billaabay bishii Juun. Waxay hadda lacagta iskuulka ka bixisaa labo wiil oo ay ayeeyo u tahay oo dhigta fasalka 10-aad iyo gabar dhigata fasalka siddeedaad. Carruurtaan waxaa dhashay gabadheeda oo danyar ah, kuna nool miyiga.

Faadumo, oo seygeedu uu yahay 73 jir aragga-la’, ayaa ganacsigaan ku billowday neef ari ah oo uu u soo amaahday nin dallaal ka ah seyladda xoolaha kaasi oo ay qaraabo yihiin ninkeeda. Waxay iibisay hilibkii neefka, waxayna ku guulaysatay inay dib isaga celiso lacagtii neefka labo maalmood gudahood.

“Markii hore ninkii dallaalka ahaa baa iga wakiilay oo ariga soo furiddiisa isagaan u tagi jiray isaga ayaa ii soo dhiibi jiray. Balse hadda, ganacsigayga waa ballaartay neefka layguma yeesho maalintii labo neef ayaan soo iibsadaa,” ayay tiri.

Guddoomiyaha xerada Salaama, Indiriis Aadan Cabdulle ayaa sheegay in ganacsiyada yar ee ay sameysteen haweenkaan ay wax badan ka beddeleen nolosha dadka xerada deggan.

“Labada qoys ama saddexda qoys ee u dhow qofkaan ganacsiga leh markuu arko in uu dabku ka dansan yahay, wuxuu awoodo ayuu ku caawini si ay u helaan wax ay karsadaan oo ayna calool eber ah ugu seexan. Taasina waa isbeddel oo waan ku faraxsannahay in dadku ay is caawinayaan,” ayuu yiri.

Previous Post

Beeraley ku sugan Awdal oo carro-tuur ay sameysteen uga hortagaya daadad ku fatihi jiray

Next Post

Qoysaska ugu nugul ee ku barakacay Gedo oo helay raashin gargaar ah

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Somalia, Gar gaar

Qoysaska ugu nugul ee ku barakacay Gedo oo helay raashin gargaar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo