(ERGO) – Beeraleyda ku nool tuulooyinka godka ku jira ee gobolka Awdal ee Somaliland ayaa isku tashi ay sameeyeen xal ugu helay carro-guur iyo biyo uga soo rogmi jiray togagga iyo dhulka taagga ah oo caqabad ku noqotay wax-soo-saarkooda iyo nolol-maalmeedkooda muddo ku dhow labo sano.
Axmed Maxamed Rooble wuxuu beertiisa oo shan hektar ah oo ku taalla deegaanka Jarahoroto ku beertay salar, basbaas, iyo basal markii ugu horreysay muddo sanad ah, kaddib markii ururka beeraleyda degeaanka ay fulisay carro-tuur biyaha fatahaadda looga celinayo beeraha.
Roobab da’ay shan jeer, tan iyo intii uu beertay 25-kii Luulyo ayaan wax dhib ah u geysan, biyihii ku soo rogmi jiray beerta ayuu sheegay inay soo dhaafi waayeen carro-tuurki ay sameeyeen.
“Aniga way iga tabar weyneyd, markaan iskaashi sameysanay way noo fududaatay, dalaggii wuu baxay, faa’iidadii way noo badatay. … Si fiican bay isku beddeshay beertu,” ayuu ku yiri Raadiyow Ergo.
“Shaqadaan la qabtay waxay soo celineysaa nabaadkii, biyihiina way joogsanayaan. Khasaarahaasi mid nagu wada socday ayuu ahaa. Maanta waxaan xal u helnay dhibaato in muddo ah na haysatay,” ayuu yiri.
Axmed oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa rajaynaya in uu beertiisa goosto bisha Oktoobar, uuna iska bixiyo $40 oo uu amaahday.
Beeraleyda kale ee haatan ku howlan tacabka beerahooda waxaa ka mid ah Cali Cabdi Odawaa oo sanad iyo lix bil aan tacban beertiisa. Wuxuu sheegay in beerta oo afar hektar ah uu dib u abuurtay bishii Agoosto kaddib markii uu hubsaday in carro-tuurka la sameeyay uu beerta ka leexinayo biyihii ku soo fatahi jiray.
Cali oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa sugaya inuu goosto galley, digir iyo hadhuudh uu beeray si uu uga kaaftoomo qoys ay qaraabo yihiin oo hadda uu dulsaar ku yahay.
Guddoomiyaha ururka beeraleyda ee deegaanka, Cali Xasan Aadan, ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in daadad soo noqnoqday ay ku qasbeen beeraleyda in ay ka guuraan dhul beereed gaaraya 1,500 oo hektar, kuwaasi oo ku kala yaalla deegaanada Jarahoroto, Cadmadooni iyo Geed-diqsi.
“Markii hore uma maleynaynin in carro-tuurka ay wax ka tari karto fatahaadda, laakiin markii aan aragnay sida ay waxtar u leedahay runtii waxaan go’aansannay inaan sameyno carro-tuur badan. Ma joojineyno waqti dhow carro-tuurka, ilaa aan fatahaadda ka xirno dhamaan beeraha,” ayuu yiri.
Beeraha ku yaalla saddexdaan deegaan ayaa inta badan ah kuwo ku baxa biyaha roobka. Qoysaska ku nool tuuloyinkaan ayaa badi ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha.
Cali Xasan Aadan wuxuu sheegay in carro-tuurka ay soo billaabeen bishii May ee sanadkaan, waxayna ilaa iyo hadda ku guuleysteen inay ka sameeyaan 4,500 oo carro-tuur ah saddexda tuulo.
Qaar ka tirsan beeraha ayaa lagu qasbanaaday in carro-tuurka looga wareejiyo dhowr dhinac oo ay biyaha fatahaaddu ka soo galayeen.
Beeraleydaan ayaa toddobaadkiiba saddex maalin ka shaqeeya carro-tuurka iyagoo maalinkiiba sameeya carro-tuur uu dhirirkiisu yahay hal mitir. Waxay shaqada ku qabtaan badeello iyo yaambooyin, waxayna beeraha ka xiraan meelaha ay daadadku ka soo gali jireen.









