Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeraley ku sugan Awdal oo carro-tuur ay sameysteen uga hortagaya daadad ku fatihi jiray

Radio Ergo by Radio Ergo
September 14, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somalia live news, Humanitarian news

Koox beeraley ah oo beertooda falanaya/Kaydka sawirada/Ergo

13
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Beeraleyda ku nool tuulooyinka godka ku jira ee gobolka Awdal ee Somaliland ayaa isku tashi ay sameeyeen xal ugu helay carro-guur iyo biyo uga soo rogmi jiray togagga iyo dhulka taagga ah oo caqabad ku noqotay wax-soo-saarkooda iyo nolol-maalmeedkooda muddo ku dhow labo sano.

Axmed Maxamed Rooble wuxuu beertiisa oo shan hektar ah oo ku taalla deegaanka Jarahoroto ku beertay salar, basbaas, iyo basal markii ugu horreysay muddo sanad ah, kaddib markii ururka beeraleyda degeaanka ay fulisay carro-tuur biyaha fatahaadda looga celinayo beeraha.

Roobab da’ay shan jeer, tan iyo intii uu beertay 25-kii Luulyo ayaan wax dhib ah u geysan, biyihii ku soo rogmi jiray beerta ayuu sheegay inay soo dhaafi waayeen carro-tuurki ay sameeyeen.

“Aniga way iga tabar weyneyd, markaan iskaashi sameysanay way noo fududaatay, dalaggii wuu baxay, faa’iidadii way noo badatay. … Si fiican bay isku beddeshay beertu,” ayuu ku yiri Raadiyow Ergo.

“Shaqadaan la qabtay waxay soo celineysaa nabaadkii, biyihiina way joogsanayaan. Khasaarahaasi mid nagu wada socday ayuu ahaa. Maanta waxaan xal u helnay dhibaato in muddo ah na haysatay,” ayuu yiri.

Axmed oo ah aabbaha 10 carruur ah ayaa rajaynaya in uu beertiisa goosto bisha Oktoobar, uuna iska bixiyo $40 oo uu amaahday.

Beeraleyda kale ee haatan ku howlan tacabka beerahooda waxaa ka mid ah Cali Cabdi Odawaa oo sanad iyo lix bil aan tacban beertiisa. Wuxuu sheegay in beerta oo afar hektar ah uu dib u abuurtay bishii Agoosto kaddib markii uu hubsaday in carro-tuurka la sameeyay uu beerta ka leexinayo biyihii ku soo fatahi jiray.

Cali oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa sugaya inuu goosto galley, digir iyo hadhuudh uu beeray si uu uga kaaftoomo qoys ay qaraabo yihiin oo hadda uu dulsaar ku yahay.

Guddoomiyaha ururka beeraleyda ee deegaanka, Cali Xasan Aadan, ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in daadad soo noqnoqday ay ku qasbeen beeraleyda in ay ka guuraan dhul beereed gaaraya 1,500 oo hektar, kuwaasi oo ku kala yaalla deegaanada Jarahoroto, Cadmadooni iyo Geed-diqsi.

“Markii hore uma maleynaynin in carro-tuurka ay wax ka tari karto fatahaadda, laakiin markii aan aragnay sida ay waxtar u leedahay runtii waxaan go’aansannay inaan sameyno carro-tuur badan. Ma joojineyno waqti dhow carro-tuurka, ilaa aan fatahaadda ka xirno dhamaan beeraha,” ayuu yiri.

Beeraha ku yaalla saddexdaan deegaan ayaa inta badan ah kuwo ku baxa biyaha roobka. Qoysaska ku nool tuuloyinkaan ayaa badi ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha.

Cali Xasan Aadan wuxuu sheegay in carro-tuurka ay soo billaabeen bishii May ee sanadkaan, waxayna ilaa iyo hadda ku guuleysteen inay ka sameeyaan 4,500 oo carro-tuur ah saddexda tuulo.

Qaar ka tirsan beeraha ayaa lagu qasbanaaday in carro-tuurka looga wareejiyo dhowr dhinac oo ay biyaha fatahaaddu ka soo galayeen.

Beeraleydaan ayaa toddobaadkiiba saddex maalin ka shaqeeya carro-tuurka iyagoo maalinkiiba sameeya carro-tuur uu dhirirkiisu yahay hal mitir. Waxay shaqada ku qabtaan badeello iyo yaambooyin, waxayna beeraha ka xiraan meelaha ay daadadku ka soo gali jireen.

Previous Post

Qoysas barakac ku ahaa Boosaaso oo la siiyay guryo si ay deegaan u noqdaan

Next Post

Haween barakac ku ah Caabudwaaq oo deymo ay qaateen ku maalgashaday ganacsiyo yaryar

Related Posts

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 14, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 13, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Haween barakac ku ah Caabudwaaq oo deymo ay qaateen ku maalgashaday ganacsiyo yaryar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-AUG-2026

IDAACADDA 15-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-AUG-2026
August 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-AUG-2026
August 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo