Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ku ahaa Boosaaso oo la siiyay guryo si ay deegaan u noqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 10, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Houses in Somalia

Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xafido Mukul Maxamed oo ah hooyo haysata siddeed carruur ah waxay ku faraxday inay hesho warqadda lahaanshaha boos loogu dhisay guri yar oo cusub, oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaddib 20 sano oo ay ku noolayd xaalad liidata oo barakacnimo ah.

Waxay ka mid ahayd 82 qoys oo barakac ah, kuwaasi oo lagu wareejiyay warqadda lahaanshaha boosas loo dhisay oo ku yaalla deegaanka Girible, oo lix kilomitir dhanka bari ka xiga magaalada Booasaso, bishii Juun.

“Dhul nadiif ah ayaa nala keenay oo hal qol iyo hal suuli ah,” ayay tiri Xafido. “Waxaan hadda u baahanahay in na loo dhiso qol kale haddii la awoodo, haddaanse la awoodin anagga inshallah haddaan helno ku darsanayna.”

Qoyska Xafido waxay ka soo barakaceen abaar ku dhufatay magaalada Qallaafe ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, sanadkii 2000. Waxay ku noolaayeen aqal cooshaad ah oo ku yaalla deegaanka Toora-boora ee galbeedka Boosaaso, waxay bishii bixin jireen kiro toddoba doollar ah.

Qoyskaan ayay noloshooda ku tiirsanayd lacag $5 – $7 ah oo uu soo shaqayn jiray aabbahood oo xamaali ka ah bakhaarrada cuntada lagu keydiyo ee Boosaaso.

Xafido ayaa ku faraxsan inay ka soo baxday noloshii nadaafad-darada ahayd ee ay ku noolayeen iyada iyo qoyskeeda intii ay deggenaayeen xerada Toora-boora, oo aanan lahayn musqulo. Carruurta ayay sheegtay inay ku saxaroon jireen gasacadaha ay caano-booraha ka dhamaadeen, halka dadka waawayn ay aadi jireen musqulo lacag ah.

“Sidoo kale maryihii markaad mayrto meel aad isaga shubto biyihii ma lahan waa inaad hortaada ku daadiso. Nadaafad-darro ayaa na haysatay,” ayey tiri.

“Mararka qaar anagoo aan haynin lacagta kirada ayaa naloo imaan jiray, markaas ayaa nalagu dhihi jiray ‘iiga kac dhulkayga naayaa ma xoog baad ku haysataa!’. Markaan bixinnana waan iska degeynoo, qofku waa naga aamusayay.”

Xabiibo Muuse Cali oo ah hooyada 10 carruur ah ayaa sidoo kale heshay guri iyo warqadda lahaanshaha dhulka. Qoyskeeda oo ka soo barakacay magaalada Qallafe 2009-kii, ayaa dhibaato ka marayay bixinta kirada guri labo qol ah oo ay ka deggenayeen xerada Toora-boora. Kirada guriga ayaa bishii ahayd $15.

Haweeneydaan ayaa toddobaadkii labo maalin dhar soo dhaqi jirtay, waxayna halkii maalin oo shaqo heli jirtay shan doollar, halka ninkeeda uu u xamaali tagayay dekedda Boosaaso.

“Nolosheenna hadda way iska fiican tahay, kiradaan ku jirnay waan kasoo baxnay. Dhul nadiif ah ayaa nala soo dejiyay, awalna suuli ma aan qabinoo kudaafaddaas ayaan iska tagi jirnay, maaddaama suuliga lagu gali jiray lix kun oo shillin Soomaali ah,” ayay tiri.

Xabiibo ayaa xustay in qolka loo dhisay iyo dhulka la siiyay ay u arkaan in ay uga bixi karaan noloshii ciriiriga ahayd ee barakacnimada, wax badanna ay ka dhimi doonto culayskii horay u haystay.

Waxay tilmaantay in hamigeedu uu yahay inay mustaqabalka dhisato dhulka u bannaan oo sidoo kale na ay ku darto carruurteeda dugsiga Quraanka.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee degmada Boosaaso, Cali Axmed Maxamuud ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib-u-dejin u sameeyaan dhamaan dadka barakaca ah ee ku nool Boosaaso. Wuxuu xusay inay hadda dib-u-dejin u sameeyeen 282 qoys oo barakac ah saddexdii sano ee la soo dhaafay.

“Guryaha loo dhisay dabcan waxaa weeyaan markii hore dhul baa loo raadiyay, dhulkii markii la soo helay mashruuca waxaa maal-gelisay hay’adda UNHCR. Iminkana waxaa weeyaan waxay ka mid yihiin dadka reer Boosaaso oo deegaanka caadiga ah, xuquuqda ay leyihiin bayna leyihiin,” ayuu yiri.

“Xarun caafimaad, saldhig booliska iyo biyihii intuba meeshu way leedahay. Lakiin mar walba lama oran karo boqolkiiba boqol baahidoodu way dhamaystiran tahay.”

Mashruucaan dib-u-dejinta ah waxaa fulineysa hay’adda qaxootiga Noorway ee NRC.

Previous Post

Banaadir: Xarun cunno, waxbarasho iyo hoy siisa konton carruur ah oo agoon ah

Next Post

Beeraley ku sugan Awdal oo carro-tuur ay sameysteen uga hortagaya daadad ku fatihi jiray

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia live news, Radio Ergo news, Somalia live news, Humanitarian news

Beeraley ku sugan Awdal oo carro-tuur ay sameysteen uga hortagaya daadad ku fatihi jiray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo