(ERGO) – Ilyaas Cabdiqaadir Aadan, oo 12 jir ah iyo walaalkiis Cabdimannaan oo sagaal jir ah waxay walwal ka qabi jireen halka ay cuntadooda xigta ka imaanayso, maaddaama ay hooyadooda danyar iska tahay.
Tan iyo markii aabbahood oo ahaa bajaajle ay ciidamada dowladda ku dileen dhacdo toogasho ah, isaga oo maraya isgoyska Sanca ee magaaada Muqdisho, Ilyaas wuxuu la shaqayn jiray hooyadiis oo khudaar ku iibisa magalada si ay carruurta ugu hesho wax ay dabka u saarto hal waqti maalintii.
Labada wiil ayaa hadda ka mid ah 50 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso toddobbo ilaa iyo 13 jir oo ay taageerto xarunta Iftin oo ku taalla Tareedisho, duleedka koonfureed ee Muqdisho. Xaruunta ayaa ah mid samafal ah oo si lacag bilaash ah loogu xanaaneyo carruurta agoonta ah. Wuxuu Ilyaas ka warramay noloshiisa iyo waxbarashada uu ka helay xarunta oo ay joogeen tan iyo bishii tobonaad ee sanadkii hore.
“Iskuulkayga si wanaagsan ayuu igu socdaa iyo dugsigayga. Halkaas markaan joogay iskuul ma dhigan jirin, dugsi kaliya ayaan dhigan jiray. Dugsiga xitaa lacag la’aan ayaan ku dhigan jiray. Xaaladdeena way isku cakirnayd,” ayuu yiri Ilyaas.
“Marmar qaar xitaa dugsiga quraac la’aan baan ku tagi jirnay. Casho bas ayaa la karin jiray, laakiin inta markii la i keenay waxbarashadayda si ficaan bay igu socota, hooyo-na way igu faraxsan tahay wax iga maqan ma jiraan.”
Carruurta ku jirta xaruntan ayaa badankood waaliddiintooda ku waayay colaado. Qoysaska ay ka soo jeedaan ayaa ka soo barakacay deegaanno ku yaalla gobollada Shabeellooyinka, Bay, Bakool iyo Hiiraan.
Aasaasaha iyo agaasimaha xaruntan Sayid Cali Cumar ayaa ah ganacsade dukaankiisa u dhiibay dad kale oo uga shaqeeya si uu waqtigiisa oo dhan u galiyo maamulidda xarunta Iftin. Wuxuu bil walba jeebkiisa ka bixiyaa $300 oo uu ku daro xarunta. Iftin ayaa sidoo kale ku tiirsan tabarucaad ay ugu deeqaan ganacsato dalka gudahiisa ku nool iyo qurbo-joog Soomaaliyeed.
“Raashiinka deyn ayaan ku soo qaadaa. Hay’ad haddaan heli lahayn ilmahan cunto ficaan ayay heli lahaayeen. Waxaan deynta gudnaa markaan caawinaad helno. Saas ayaan howsha ku wadnaa,” ayuu yiri.
Toban ka mid ah carruurta ku jirta xarunta ayaa kafaala qaad ka helay dad qurba joog ah, kuwaas oo bil walba u soo dira dhaqaale dhan $50. Sayid wuxuu rajeynayaa in uu helo dad sida qurba joogtan oo kale u taageera carruurta agoonta ah ee uu gacanta ku hayo. Biyaha iyo korontada xaruunta waxaa bixiya ganacsato ku nool gudaha dalka.
Sayid ayaa ku soo koray agoonnimo, wuxuuna wax ku soo bartay xarun middan oo kale Ah. Wuxuu sheegay inay ku dhiirigelisay inuu xaruntan furo, maaddaama carruur badan oo dan yar ah ay u baahan yihiin daryeel iyo waxbarasho.
Haaruun Salaad Xalane oo ka mid ah saddex macallin ee si mutadawacnimo wax u bara ardayda xarunta ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay ardayda, uuna baro Carabiga, Ingiriiska iyo Xisaabta.
Xarunta ayaa hdda diwangelisa wiilasha keliya, balse waxaa u qorsheysan in la ballaariyo si gabdhaha agoonta ah ay sidoo kale boos uga helaan.
“Xaruntaan waxaa i qorsheysan in aan ballaarino oo boqol arday ilaa saddex boqol oo arday aan ku soo xareeyno. Wilaal kaliya ayaa hadda ku xaraysan. Gabdho haddii la dhaho masuuliyaddooda waa adag tahay. Haddaan garab ka helno Soomaalida wiilashan intan garab qabano ayaan gabdhahana meel u dhisayna,” ayuu yiri Sayid Cali.










