Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyarada ka soo baxay jaamacadaha oo farsamada gacanta baranaya si ay shaqooyin u helaan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Arday, Farsamo, Somali

Keydka sawirada/Ergo

5
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Kaafi Cali oo ka qalin-jebiyay heerka koowaad ee jaamacadda Soomaaliya waxuu shaqadiisii ugu horreysay helay dhamaadkii 2019-kii, kaddib markii uu bartay xirfadda farsamada gacanta.

Shahaadadiisa maamulka ganacsiga, oo uu sanadkii 2017 ka kasbaday Jaamacadda Soomaaliya, wax albaab ah uma furin. Wuxuu iska diwaangeliyay dugsiga tababarka xirfadda ee Buruuj halkaasi oo uu ka bartay farsamada korontada, cilladbixinta qaboojiyeyaasha, dabka baabuurta iyo makaanikada. Wuxuu hadda bishii helaa lacag dhan $300 oo uu ku dabbaro nolosha qoyskiisa.

Sababta ku qasabtay in uu ku dhiirrado barashada farsamada gacanta waa inuu arkay in loo-shaqeeyayaashu ay doorbidaan dadka isku darsaday xirfadda iyo aqoonta jaamacadda.

“Markii aan dhameeyay jaamacadda, shahaadadii jaamacadda dhowr meel ayaan la tagay waana ii suurtagali weysay in aan shaqo helo. Dhanka wasaaradaha waad ogtahay waxay noqdeen garab, shaqada ay qaban karaan dadka waxbartay waxay iska noqotay wax yar oo tiris ah, taasina waxay igu qabsatay in aan noqdo qof xooggiisa maalaya,” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sheegay in waalidiintiisa ay ku dhiirigaliyeen in uu ku biiro iskuulka la isku baro farsamada gacanta, ayna ka bixiyeen lacagta lagu dhiginaayay oo bishii ahayd 20 doollar muddo toddobbo bil ah.

Maxamed ayaa kula taliyay dhallinyarada waxbaratay ee jaamiciyiinta ah in ay ku biiraan dugsiyada farsamada gacanta si shirkadaha wax-soo-saarka ay shaqo uga helaan ama ay xooggooda ugu shaqeystaan oo meel ay furtaan, intii ay sugi lahaayeen shaqo aqoontooda u aqalanta.

“Dadka jaamiciga ah ee farsamada gacanta yaqaanna ma badna, haddii uu jirana cidda uu u shaqeeyo ayaa ilaashata. Aniga naftayda anigoo aan wali qalin jabin ayaa shaqo la ii soo bandhigay.”

Qaar ka tirsan ardayda baratay farsamada gacanta ee jaamiciyiinta ah ayaa furtay xarumo u gaar ah oo ay ku shaqeystaan taasi oo ay shaqo kasii heleen dhalinyaro kale oo muruqmaal ah.

Maxamed Cabdiraxmaan Muuse oo bartay cilmiga dhaqaalaha wuxuu furtay xarun u gaar ah oo lagu cillad-bixiyo korontada, diishashka iyo qaboojiyeyaasha, kaddib markii ay waalidkiis siiyeen $1,000. Waxaa hadda la shaqeysa toddobbo dhallinyaro ah oo uu isaga shaqada ku tababaray.

Maxamed oo ah aabbaha labo carruur ah waxaa uu ku biiray dugsiga farsamada gacanta ee Buruuj sanadkii 2018-kii, labo sano kaddib markii uu ka qalin-jebiyay jaamacadda Muqdisho.

“Xafiis walba oo aan tagay shaqo waan ka soo waayay, kaddib ayaan go’aansaday in aan xooggeyga ku shaqeysto, taasina waxay igu qasabtay in aan barto farsamada gacanta,” ayuu yiri.

Wuxuu aaminsan yahay in uusan gaari lahayn halka uu maanta joogo haddii uu ku mashquuli lahaa raadinta shaqo u qalanta cilmigiisa jaamacadeed.

Maxamed ayaa xusay in uu ogaa in xirfadda uu soo bartay uu ka heli karo lacag fiican haddii meel u gaar ah uu furto.

“Hadda aniga biil wanaagsan ayaan ka helaa oo aan ku maareeyo noloshayda iyo tan qoyskeygaba. Sidoo kale dhallinyarta ila shaqeysa naftooda biil wanaagsan ayay ka helaan.”

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla dhowr dugsi oo farsamada gacanta lagu baro dadka aan weligood wax baran iyo ardayda ka soo baxa dugsiyada dhexe iyo sare ee doonaya inay xooggooda ku shaqeystaan. Balse, Buruuj ayaa diyaariyay fasallo u gaar ah ardeyda jaamacadaha dhigta iyo kuwa soo dhameeyay.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdirashiid, madaxa arrimaha ardeyda ee Buruuj ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sababta ay u sameeyeen qeybta u gaarka ah ardayda jaamacadaha in ay tahay inay daboolaan baahida kuwa doonaya inay bartaan xirfadaha farsamada si ay shaqooyin u helaan.

Wuxuu xusay in 314 arday oo wax ka baratay iskuulka afartii sano ee la soo dhaafay ay hadda shaqeynayaan. Iskuulka ayaa ku xiran shirkado kala duwan oo dalka gudihiisa ku yaalla, kuwaasi oo soo dalbada ardayda qaar iyagoo wali dhiganaya iskuulka.

Previous Post

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Galgaduud oo hoy ka dhigtay geedo hoostood

Next Post

Banaadir: Xarun cunno, waxbarasho iyo hoy siisa konton carruur ah oo agoon ah

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Arday, Somali, Waxbarasho

Banaadir: Xarun cunno, waxbarasho iyo hoy siisa konton carruur ah oo agoon ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo