(ERGO) – Nuuro Cabdullaahi Maxamed, oo ah hooyo haysata sagaal carruur ah, waxay 14-kii Agoosto u qaxday deegaanka Shilanwayne, oo 10 km u jira halka ay ku nooleyd. Haweeneydaan ayaa ka barakacday deegaanka Cadakibir ee gobolka Galguduud, kaddib markii uu dagaal ka qarxay meel u dhow gurigeeda.
“Maryo aan sidanno ayaan ku dhagsanay geedo aan caleen lahayn. Maalinkiina mid ayaan harsanaa habeenkiina kuwaan dugsannaa. Markii aan qarqaryo la joogi wayno meesha gadaale ayaan maro uga dhagsannaa,” ayay tiri.
Nuuro waxay subax walba u kallahdaa dawarsi raashin bisil oo ay ka soo barido dadkii horay u deggenaa deegaanka, inkastoo ay mararka qaar guriga ku soo laabato iyadoo gacmo-maran.
Qoyska Nuuro waxay Cadakibir ku lahaayeen guri labo qol ka kooban iyo 19 neef oo ari ah oo ay subax walbo caanahooda marka ay gadaan ka heli jireen $2. Lacagtaan ayaa lagu kabi jiray inta yar ee uu soo helo aabbaha caruurta oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha.
“[Guryaheenna] waan ka soo kacnay. Biyo ma haysanno, badar ma haysanno, hoy ma haysanno oo waxaan harsanno ma haysanno. Tol, ehel iyo islaanba waan u baahannahay.”
Dad lagu qiyaasay 2,500 oo qoys oo ka soo barakacay Cadakibir, oo 65 km dhanka bari kaga beegan magaalada Cadaado ayaa dhibaato la mid ah tan Nuuro ay ku haysataa deegaannada Shilanwayne, Dhagaxdheer, Quraar iyo Ardo.
Dadkaan ayaa ka barakacay dagaal deegaanka ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Ku dhowaad 1,500 oo qoys ayaa u barakacay Shilanwayne, badankood waxaa quudiyay dadka deegaanka, iyadoo qoys walba uu cuntadiisa wax ka wadaajiyo afar ilaa iyo shan qoys oo soo barakacay.
Dadkan barakaca ah waxay biyaha ka cabaan barkado ku yaalla deegaanka Shilanwayne, kuwaas oo biyaha iibiya lacag dhan $4, halkii jeerikaan.
Ayaan Maxamuud Aadan oo ah hooyada toddobbo carruur ah, waxay sheegtay in intii ay halkan joogeen lagu yeeshay $74 oo ay biyo ku soo qaateen. Aabbaha reerka ayaa maalin kasta garabka ugu soo qaada hal jeerikaan oo biyo dayn ah.
Qoyskaan ayaa damcay in uu carruurta la aado deegaanno ay biyo raqiis ah ka heli karaan, balse waxay lug ku gaareen deegaanka Shilanwayne.
“Waxaan damacnay in aan gaarno halkaas iyo Cadaado, baabuurkii aan iri ‘ilmaha ii qaad’ waxa uu yiri ‘boqol iyo konton doollar oo lacag ah ayaan kaa rabaa’. Boqol iyo konton doollarna ma awoodo. Haddii aan haysan lahaa carruurta ayaan dabka ugu shidi lahaa. Meeshaan dhibaato aad iyo aad u baahsan ayaa ka jirta,” ayay tiri Ayaan.
Ayaan ayaa nolosha ka raadsan jirtay shaah ay karin jirtay. Waxay xustay in carruurta aabbahood uusan shaqeyn oo iyada keliya ay reerka ku tiirsanaayeen.
Qoyskaan ayaa hadda ku tiirsan raashiin karsan oo ay habeenkii ka soo qataan reer ay la derseen oo horay deegaanka u joogay.
Waxay sheegeen in aysan ku dhiirran karin in ay deegaankoodii u laabtaan, waxayna ka baqayaan in uu mar kale dagaal ku qabsado, inkastoo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha Shilanwayne Xasan Jaamac Yuusuf ayaa Raadiyow Ergo uu sheegay in 700 oo qoys oo horay u deggenaaa deegaanka ay isku xilqaameen taageeridda qoysaskaan ku soo barakacay.
“Dadkii markii ay na soo gaareen oo ay soo barakeceen wax allaale wixii aan awoodnay ayaan u qabannay. Guryihii iyo meelihii ay reer Shilanwayne ku noolaayeen waan la dejinnay. Laakiin dadkii waa la qaadi waayay, marka bannanka ayay daadsan yihiin geedaha hoostooda ayay baco ugu dheggen yihiin. Wixii aan salli u heli karnay iyo wixii aan cunto markaas u heli karnay waan ugu deeqnay. Balse, baahidooda waa mid tankeenna ka badan,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa xusay in aysan jirin wax caawimaad ah oo ka soo gaartay dhan maamul iyo dhan bulsho midna.










