Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Galgaduud oo hoy ka dhigtay geedo hoostood

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
IDPs, Somalia

Qoys barakac ah oo dul taagan gurigoodi oo dumay/Kaydka sawirrada/Ergo

3
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuuro Cabdullaahi Maxamed, oo ah hooyo haysata sagaal carruur ah, waxay 14-kii Agoosto u qaxday deegaanka Shilanwayne, oo 10 km u jira halka ay ku nooleyd. Haweeneydaan ayaa ka barakacday deegaanka Cadakibir ee gobolka Galguduud, kaddib markii uu dagaal ka qarxay meel u dhow gurigeeda.

“Maryo aan sidanno ayaan ku dhagsanay geedo aan caleen lahayn. Maalinkiina mid ayaan harsanaa habeenkiina kuwaan dugsannaa. Markii aan qarqaryo la joogi wayno meesha gadaale ayaan maro uga dhagsannaa,” ayay tiri.

Nuuro waxay subax walba u kallahdaa dawarsi raashin bisil oo ay ka soo barido dadkii horay u deggenaa deegaanka, inkastoo ay mararka qaar guriga ku soo laabato iyadoo gacmo-maran.

Qoyska Nuuro waxay Cadakibir ku lahaayeen guri labo qol ka kooban iyo 19 neef oo ari ah oo ay subax walbo caanahooda marka ay gadaan ka heli jireen $2. Lacagtaan ayaa lagu kabi jiray inta yar ee uu soo helo aabbaha caruurta oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha.

“[Guryaheenna] waan ka soo kacnay. Biyo ma haysanno, badar ma haysanno, hoy ma haysanno oo waxaan harsanno ma haysanno. Tol, ehel iyo islaanba waan u baahannahay.”

Dad lagu qiyaasay 2,500 oo qoys oo ka soo barakacay Cadakibir, oo 65 km dhanka bari kaga beegan magaalada Cadaado ayaa dhibaato la mid ah tan Nuuro ay ku haysataa deegaannada Shilanwayne, Dhagaxdheer, Quraar iyo Ardo.

Dadkaan ayaa ka barakacay dagaal deegaanka ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Ku dhowaad ​​1,500 oo qoys ayaa u barakacay Shilanwayne, badankood waxaa quudiyay dadka deegaanka, iyadoo qoys walba uu cuntadiisa wax ka wadaajiyo afar ilaa iyo shan qoys oo soo barakacay.

Dadkan barakaca ah waxay biyaha ka cabaan barkado ku yaalla deegaanka Shilanwayne, kuwaas oo biyaha iibiya lacag dhan $4, halkii jeerikaan.

Ayaan Maxamuud Aadan oo ah hooyada toddobbo carruur ah, waxay sheegtay in intii ay halkan joogeen lagu yeeshay $74 oo ay biyo ku soo qaateen. Aabbaha reerka ayaa maalin kasta garabka ugu soo qaada hal jeerikaan oo biyo dayn ah.

Qoyskaan ayaa damcay in uu carruurta la aado deegaanno ay biyo raqiis ah ka heli karaan, balse waxay lug ku gaareen deegaanka Shilanwayne.

“Waxaan damacnay in aan gaarno halkaas iyo Cadaado, baabuurkii aan iri ‘ilmaha ii qaad’ waxa uu yiri ‘boqol iyo konton doollar oo lacag ah ayaan kaa rabaa’. Boqol iyo konton doollarna ma awoodo. Haddii aan haysan lahaa carruurta ayaan dabka ugu shidi lahaa. Meeshaan dhibaato aad iyo aad u baahsan ayaa ka jirta,” ayay tiri Ayaan.

Ayaan ayaa nolosha ka raadsan jirtay shaah ay karin jirtay. Waxay xustay in carruurta aabbahood uusan shaqeyn oo iyada keliya ay reerka ku tiirsanaayeen.

Qoyskaan ayaa hadda ku tiirsan raashiin karsan oo ay habeenkii ka soo qataan reer ay la derseen oo horay deegaanka u joogay.

Waxay sheegeen in aysan ku dhiirran karin in ay deegaankoodii u laabtaan, waxayna ka baqayaan in uu mar kale dagaal ku qabsado, inkastoo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha Shilanwayne Xasan Jaamac Yuusuf ayaa Raadiyow Ergo uu sheegay in 700 oo qoys oo horay u deggenaaa deegaanka ay isku xilqaameen taageeridda qoysaskaan ku soo barakacay.

“Dadkii markii ay na soo gaareen oo ay soo barakeceen wax allaale wixii aan awoodnay ayaan u qabannay. Guryihii iyo meelihii ay reer Shilanwayne ku noolaayeen waan la dejinnay. Laakiin dadkii waa la qaadi waayay, marka bannanka ayay daadsan yihiin geedaha hoostooda ayay baco ugu dheggen yihiin. Wixii aan salli u heli karnay iyo wixii aan cunto markaas u heli karnay waan ugu deeqnay. Balse, baahidooda waa mid tankeenna ka badan,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa xusay in aysan jirin wax caawimaad ah oo ka soo gaartay dhan maamul iyo dhan bulsho midna.

Previous Post

Daweyn lacag-la’aan ah oo loo sameynayo qoysas deggan xeryo barakac oo ku yaalla Beledweyne

Next Post

Dhallinyarada ka soo baxay jaamacadaha oo farsamada gacanta baranaya si ay shaqooyin u helaan

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Arday, Farsamo, Somali

Dhallinyarada ka soo baxay jaamacadaha oo farsamada gacanta baranaya si ay shaqooyin u helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo