Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Daweyn lacag-la’aan ah oo loo sameynayo qoysas deggan xeryo barakac oo ku yaalla Beledweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
September 8, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Volunteer Doctors, Somali

Kooxda caafimaadka oo dhiig ka cabbireysa haweeney ku nool xerada Kaxarre/Cabdirisaaq Axmed Xuseen/Ergo

31
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shariifo Haaruun Mahdi oo ah 70 sano jir waxay ka mahadcelisay daaweyn lacag-la’aan ah oo iyada iyo saddex carruur oo ay ayeeyo u tahay ay ka heleen koox dhaqaatiir ah. Waxaa laga daaweeyay duumo (malaariyo) ay muddo la qandhanayeen.

Ayeeyadan iyo carruurteeda waxay qeyb ka yihiin 113 qof oo ku nool xerada lagu barakacay ee Kaxarre oo ku taalla duleedka waqooyi ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo ka faa’ideystay daaweynta oo lacag-la’aan ah. Kooxda gurmadka caafimaad fulisay oo mutadawaciin ah waxay isugu jirtaa dhaqaatiir iyo arday barata caafimaadka.

“Kaniiniyaal qandho-jabin ah ayaa la i siiyay. Sidoo kale ilmaha malaariyo ayaa iga haysay oo si fiican u dhul-dhigatay. Anigoo xanuunsan, ilmihii oo yaal yaallo, dhibaatada hayso aad yaabi, subixii dambe maalin cad ayaa naloo yimid. Aniga farxad [darteed] ayaan la ooyay, maxaa yeelay ma filaneynin,” ayay tiri Shariifo oo farxad ay ka muuqatay.

“Daryeel-la’aan ayaa na haysay. Wax aan wax ku soo gadanno ma aan laheyn, oo dhuuniga xaggiisa ayaan ka xumeyn.”

Shariifo ayaa korisa afar gabdho ah iyo wiil ay ayeeyo u tahay oo hooyadood ay dhimatay. Wiilkeeda oo ah carruurta aabbahood oo danyar ah ayaa gobolka Bakool ku xannaaneeya aabbihiis oo xanuunsan.

Haweeneydaan iyo carruurta ay hayso ayaa ku tiirsan shaqo dhardhaqis ah oo ay ka soo qabato xaafadaha Beledweyne, taasoo ugu badnaan maalinka ay shaqeyso ay ka hesho $5, lacagtaas oo sida ay tilmaantay aan ka badneyn biilka reerka.

Shariifo ayaa ka soo barakacday gobolka Bakool oo lix bil ka hor ay abaar uga leysay 80 neef oo ari ah. Waxay fileysay in caawimaad ay ka hesho xerada Kaxarre oo ay u soo barakacday.

Waxay noo sharraxday isbeddelka xaladdeeda caafimaad daaweynta kaddib.

“Xanuun aad u kulul ayaa na hayay kolkii hore waan isku dhex darsamay. Laakiin habeenkii dambe wax hurdo iga kiciya waa la waayay… caafimaad ayaa i soo galay. Ilaahey ayaa mahad iska leh, laakiin waxaan u mahadineynaa dhaqaatiirta noo imaatay ee gacanta na siisay.”

Cali Cabdi Muxumed oo isaguna deggen xerada Kaxarre ayaa sheegay in dhaqaatiirtu ay u daaweeyeen labo ka tirsan carruurtiisa iyo adeerkiis oo aragga naafo ka ah oo la xanuunsanaa tiifoow iyo maleeriya. Mid ka mid ah labada carruurta ah ayaa lug dhaawac ka ahaa oo tolliin loogu sameeyay, halka midka kale oo nafaqo-darro ay haysay ay dhaqatiirtu siiyeen malmalaaddo nafaqo leh.

Xerada ay deggan yihiin oo afar kilomitir ka durugsan magaalada ayaan laheyn xarun caafimaad, taas oo caqabad ku noqota dadka ay soo wajahaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Cali ayaa sheegay in xerada aysan habeenkii ka shaqeyn wax gaadiid ah, taasina ay sababtay in bukaanno ay la soo darseen xaalado caafimaad oo degdeg ah loo waayo gaadiid lagu geeyo xarumaha caafimaad ee magaalada dhexdeeda ah.

Wuxuu tilmaamay in labo isbuuc ka hor uu ku qaaday gaari-dameer uu leeyahay labo bukaan oo xaalad degdeg ah ay la soo daristay.

“…Wiil yar oo laamayeere lugta ka gooyey habeen saddex saac ayaan gaari-dameer ku qaadnay oo aan ku geynay isbitaal weyn oo ku yaalla xaafadda Nuur-xawaad,” ayuu yiri.

“Hooyo foolatay habeen labo saac ayaan meeshan ka qaadnay gaari-dameer ayaan ku qaadnay oo isbitaalka weyn geynay.”

Cali ayaa toddobo bil deggan xerada Kaxarre kaddib markii ay colaad ka soo barakicisay gobolka Shabeelle ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku lahaa beer 11 hektar ah oo wax-soo-saarkeeda ay qoys ahaan ku tiirsanaayeen. Wuxuu hadda qoyska ku biilaa shaqo xoogsi ah oo uu magaalada ka qabto.

Dr. Beddel Cali Xaanshi oo ah hormuudka kooxda fulisay daaweyntaan bilaashka ah ayaa sheegay in xeradan ay ka mid tahay shan xero oo ku yaalla Beledweyne oo ay ku nool yihiiin ku dhowaad kun qoys, kuwaas oo ay qorsheeyeen in mid walba ay isbuuc ka fuliyaan adeeg caafimaad oo la mid ah kan ay ka qabteen Kaxarre. Shanta xero ayaan xarumo caafimaad lahayn.

Dhaqtarka iyo kooxdiisa ayaa tababar toddobaad socday siiyay 15 qof oo saddex ay dumar yihiin.

Dhaqaalaha ku baxaya fulinta howshan waxaa iska soo uruuriyay kooxda shaqada wadda oo ka kooban 20 qof oo isugu jira dhaqaatiir iyo arday barata caafimaadka oo ka socda machadka horumarinta caafimaadka Ileys ee magaalada Baledweyne.

Previous Post

Ganacsi teknoolajiyadeed oo fursado shaqo u abuuray dhallinyarada jaamacadaha ka baxay

Next Post

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Galgaduud oo hoy ka dhigtay geedo hoostood

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
IDPs, Somalia

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Galgaduud oo hoy ka dhigtay geedo hoostood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo