Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsi teknoolajiyadeed oo fursado shaqo u abuuray dhallinyarada jaamacadaha ka baxay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 3, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Entrepreneur, Somalia

Niman dhalinyaro ah oo baranaya komputer-ka/Kaydka Sawirada/Ergo

6
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaasim Seeraar oo ah 20 jir ku nool magaalada Garowe ayaa soo saaray software xisaabaha ganacsiga loogu talagalay, taas oo uu aaminsan yahay inay saameyn wanaagsan ku yeelan karto bulshada, shaqo-abuurna ay u noqon karto dhallinyarada.

Shirkaddiisa oo lagu magacaabo Hub IT oo uu aasaasay 2019 waxaa ka howlgala 19 dhallinyaro ah oo jaamacado ka soo baxay.

“Teknoolojiyada waxay gashay qof kasta baahidiisa. Waxaan isku dayaa mar kasta inaan dhallinyarada ku dhiirigaliyo in aynaan ka harin waddamada ku hormaray teknoolojiyada,” ayuu yiri Qaasim oo sanadkii 2017 ka baxay kulliyadda cilmiga kumbiyuutarka ee jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso.

Mid ka mid ah waxyaabaha uu ku guuleystay waa inuu sanadkii hore ee 2020 soo-saaray Software far-Soomaali ku qoran oo ganacsatada ka caawinaya inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsigooda, dakhligooda iyo deymaha ka maqan. Barnaamijka oo uu u bixiyay Keydiye ayaa sidoo kale ganacsatada u sahlaya inay qaan-sheegad u diri karaan dadka ay deymaha, iyagoo qoraal xusuusin ah ugu sheegaya inay deymaha iska bixiyaan.

Ganacsatada isticmaaleysa barnaamijka ayaa bil kasta iska bixinaya khidmad si uu ugu sii socdo adeegsiga software-ka.

Isaga iyo dhallinyarada la shaqeysa ayaa beegsanaya inay xalliyaan dhibaatooyinka bulshada ka haysta adeegsiga teknoolajiyada.

Faadumo Maxamed Cali oo  ah 23 jir ka qalin-jibisay 2020-kii kulliyadda maamulka guud ee jamacadda Bariga Afrika ee Boosaso waxay ka mid tahay dhallinyarada ka shaqaysa xarunta Hub IT, iyadoo dhanka suuqgeynta kala shaqeysa barnaamijka Keydiye.

Afar bil oo ay la shaqeyneysay shirkadda waxaa lagu abaal-mariyay in mushaarka loo kordhiyo, kaddib markii ay muujisay shaqo-wanaag iyo howlkarnimo, waxayna bishii qaadataa $450. Lacagtaas waxay isaga bixisaa kirada guriga ay deggan tahay. Waxay sidoo kale xustay inay nolol-maalmeedka qoyskeeda ku kabto ayna ay ku bixiso bishii waxabaraashada afar walaalaheeda oo ka yar oo bishii dhan $90.

“Anigu waxaan u arkaa horseedka guulahayga inaan gaaray maaddaama awal aan shaqo-la’aan ahaa. Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta shaqeeyo oo familkayga caawiyo,” ayay tiri Faadumo.

Waxay tilmaantay in intii ay jaamacadda dhigaynaysay in ay shaqo-raadis ku jirtay iyadoo dhowr xafiis shaqo ka dalbatay balse aysan ku guuleysan in la qaato. Taasi marnaba ma aysan niyad-jebin maaddaama ay hiigsanaysay inay dhabarka u ridato masuuliyadda waxbarashada walaalaheeda iyo kaalmeynta hooyadeed.

Cabdikhaaliq Maxamed oo isagana ka soo baxay kulliyadda culuumta kumbiyuutarka ee jamacadda Bariga Afrika sanadkii 2020-kii ayaa sheegay la-shaqeyntiisa Hub IT inay kordhisay xiriirradiisa iyo la macaamilkiisa dadka kale.

Wuxuu maalin kasta la kulmaa macaamiil cusub, taas oo qeyb ka ah shaqadiisa oo ah tababarista dadka ku xiran adeegyada shirkadda iyo bixinta caawimaadaha farsamo.

“Marka koowaad xirfad ayaan ka faa’iday waayo tababar ayaa la I siiyay. Tababarkaas ayaan ku shaqeeyaa,” ayuu yiri.

Previous Post

Dadka deegaanka oo bacaad-celin ka sameynaya magaalo-xeebeedda Goobweyn

Next Post

Daweyn lacag-la’aan ah oo loo sameynayo qoysas deggan xeryo barakac oo ku yaalla Beledweyne

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Volunteer Doctors, Somali

Daweyn lacag-la’aan ah oo loo sameynayo qoysas deggan xeryo barakac oo ku yaalla Beledweyne

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo