Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dadka deegaanka oo bacaad-celin ka sameynaya magaalo-xeebeedda Goobweyn

Radio Ergo by Radio Ergo
September 2, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Sand, Somalia, Beledweyne

Dad bacaad qodaya/File Photo/Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aamina Xasan Geeddi oo ah beeraley ay abaartu saameysay waxay ku faraxsan tahay mushaar ay ka hesho shaqo xoogsi ah oo bacaad-celin loogu sameynayo xaafadaha deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose.

Saddex boqol iyo toddobaatan qof oo beeralay iyo kallumeysato isugu jira oo ay ka mid tahay ayaa dadaalkooda u weeciyay bacaad-celinta magaalada oo khatar ugu jirta in bacaadka uu aaso.

Goobweyn oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada dekedda leh ee Kismaayo, waxay ku taallaa halka webiga Jubba uu biyaha uga daro Bedweynta Hindiya.

Dabeylo xoog leh ayaa bacaadka xeebta u soo qaada dhanka magaalada. Bacaadkaan ayaa sababaya halis ah inuu xiro waddooyinka waaweyn ee magaalada soo gala. Dadka qaar ayaa ku khasbanaaday inay ka guuraan guryahooda maaddaama ay ciiddu qabsatay.

Aamina oo horjooge u ah 24 qof waxay xustay in siddeeda subaxnimo ay howsha billaabaan 12-ka duhurnimana ay ka baxaan, iyaga oo qabta bacaad-celin iyo inay beeraan geedka tiin-tiinka oo loogu talagalay in uu difaac u noqodo bacaadka ku soo fidaya xaafadaha Goobweyn qaarkood.

“Badiil iyo sakeelooyin ayaan u haysannaa. Meelaha muhiimka ah ee khaaska ee baabuurta iyo kareetooyinka noo maraan oo dhan ayaan ka qaadnaa bacaadka,” ayay tiri.

Waxay shaqeeyaan bishii 15 maalin oo keliya, iyagoo qaata $58.

Nolosha qoyskeeda wuxuu ku tiirsanaa beer 10 hiktar ah oo ay uga bixi jireen dalagyo kala duwan. Balse xilli-roobaadkii la soo dhaafay oo yaraa awgeed wax dalag ah uma soo bixin. Hooyadaan ayaa isku dayday inay iibiso dhar ay qaab deyn ah uga soo qaadatay ganacsato ay qaraabo yihiin oo deggen magaalada Kismaayo ka hor shaqadaan, hase yeeshee, waxba way uga soo bixi waayeen, taasi oo keentay inay iska dhaafto.

“Meesha waxaan ka qaadanayno wax wayn ayay ii taraysaa sida ilmaha oo aan dugsiga uga bixiyo, arrad-baxooda iyo raashinkooda,” ayay tiri Aamina.

Dadka ku nool magaalada Goobweyn ayaa codsaday in loo sameeyo bacaad-celin kaddib markii bacaadka uu dumiyay 37 guri, uuna xiray saddex waddo oo ay mari jireen dadka, gawaarida iyo gaari-dameerrada.

Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi, ayaa sheegay in uu qorshuhu yahay in bacaadka laga banneeyo magaalada oo loo celiyo dhanka xeebta, halkaasi oo lagu kor beerayo tiitiinka si uu ciidda uga difaaco dabeysha inay soo qaaddo. Mashruucaan waxaa maalgelinaysa hay’adda USAID, waxaana fulineysa hay’adda SADO oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, beeraha iyo horumarinta.

Cumar ayaa sidoo kale sheegay in far ka timaadda webiga Jubba oo labada xilli ee gu’ga iyo deyrta ay ka barakacaan qoysaska ku nool xaafadda Towfiiq ee Goobweyn ay hadda ku xireen darbi jooggiisu yahay labo mitir halka uu ballaciisu yahay 250 mitir si looga hortago fatahaadaha uu sameeyo.

“Darbi dhagax oo aan dhaqaaqaynin oo awoow ka awoow ah ayaa la sameeyay oo aysan biyuhu soo dhaafi karin. Biyaha fatahaadda kanaalkaan waxay kala goyn jireen xaafadda iyo magaalada, laakiin hadda way dhamaatay cabsidaasi, biyo soo galaya waaxdaasi ma jiraan,” ayuu yiri.

Cabdi Cali Ibraahim oo sidoo kale ka mid ah xoogsatada ka shaqeysa mashruucaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaalaha uu ka helo shaqadaan ay wax ka beddeshay nolol-maalmeedka qoyskiisa oo danyar ah.

Aabbahaan ayaa ka hor shaqadaan nolosha qoyskiisa ka mareyn jiray xaabo oo ku soo raro gaari-dameer taasi oo uu u iibgayn jiray magaalada Kismaayo. Wuxuu tilmaamay in halkii mar uu shaqadaas ka heli jiray ShSo150,000 ($7.5). Lacagtaan ayuu xusay in qoyskiisa oo ka kooban 12 qof aysan u goyn jirin wax ay saddexda waqti karsadaan.

Cabdi ayaa sheegay in bakhaarrada raashinka iibiya ay siiyaan deyn, maaddaama ay ogyihiin in uu mushaar ku tiirsan yahay, iskana bixin karo deynta.

“Qofka bani’adanka ah marka ugu horreysa noloshiisa waxa maareeya waa cunno sow ma ahan? Habeenkii marka la gaaro, waxaan ku xisaabtamaynay berri intee la aadi doonaa, balse hadda nolosheenna sidii hore wax badan ayaa iska beddelay,” ayuu yiri.

Previous Post

Farsamooyin loo tababaray oo shaqo-helis ka caawiyay dhallinyaradii ay qoysaskooda abaaraha ku ceyroobeen

Next Post

Ganacsi teknoolajiyadeed oo fursado shaqo u abuuray dhallinyarada jaamacadaha ka baxay

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Entrepreneur, Somalia

Ganacsi teknoolajiyadeed oo fursado shaqo u abuuray dhallinyarada jaamacadaha ka baxay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo