Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Farsamooyin loo tababaray oo shaqo-helis ka caawiyay dhallinyaradii ay qoysaskooda abaaraha ku ceyroobeen

Radio Ergo by Radio Ergo
September 1, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo, Somalia

Tubbo goordhaw la hirgaliyay/Kaydka Sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysaskii ku cayrtoobay abaarihii 2016-2017-kii ayaa noloshooda iyo tan qoysaskoodaba uu isbeddel ku yimid kaddib markii ay barteen xirfadda biyo-gelinta, taas oo ay uga shaqeystaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ah dhallinyaradaas wuxuu bil walba qoyskiisa oo ku nool deegaanka Huluul ee miyiga Laascaanood u diraa $100 oo ay biishaan.

Cabdiraxmaan oo 20 jir ah wuxuu xaafadaha magaalada u xiriiriyaa tubboyinka biyaha. Maalintii wuxuu helaa lacag u dhexaysa 7 ilaa 14 doollar.

“Aniga xitaa noloshaydii wax wayn ayaa iska beddelay, oo ay shaqadu sabab u tahay. Markaad tahay ruux shaqaysanaya wixii aad u baahato waad helaysaa, hadii ay tahay caafimaad ahaan, arrad-beel, iyo inaad deggen tahay hoy fiican,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo aad ula dhacsan shaqada uu hayo.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu qorshaynayo in uu xoolo u gado qoyskiisa. Wuxuu hadda ku jiraa ayuuto $4 ah oo uu maalin kasta ku darsado koox 30 qof ka kooban oo isugu jira dhallinyaro ay biyo-gelinta ka wada shaqeeyaan iyo kuwo ku xoogsada xirfado kale. Maalinba qof ka mid ah kooxdaas ayaa qaata $120.

Lacag gaareysa $480 oo uu qaabkaas ku helay ayuu qorsheynayaa marka ay u badato in qoyskiisa uu ugu iibiyo xoolo ay dhaqdaan.

Farsamada uu ku shaqeynayo wuxuu sanadkii hore ee 2020 ka bartay iskuulka farsamada gacanta ee Adhicaddeeye. Iskuulkaan oo lacag-la’aan lagu dhigto ayaa loo furay si xirfado ay ku shaqeystaan loogu baro dhallinyarada ku nool xeryaha barakaca ee tuuladaas.

Qoyska Cabdiraxmaan waxay ku noolaayeen deegaanka Abeesalay ee miyiga Laascaanood, halkaas oo ay abaartii 2017-kii uga dishay 25 neef oo geel ahaa iyo 300 oo ari ahaa. Tani ayaa ku qasabtay inay u soo barakacaan Adhicaddeeye oo 32 km galbeed ka xigta Laascaanood halkaasi oo ay noloshoodu ku tiirsanayd gargaarka hay’adaha samafalka iyo dad eheladooda ah oo mar mar caawinaad siin jiray.

Hase yeeshee 2020-kii waxay qoyskaan u soo barakaceen magaalada Laascaanood kaddib markii ay waayeen caawinaaddii ay hay’adaha ka heli jireen.

Muddo yar oo ay halkaas barakac ku ahaayeen kadib, waxay go’aansadeen inay dib ugu noqdaan nolosha miyiga si ay u dhaqdaan 50 neef oo ari ah oo ay isugu soo dareen dad ay qaraabo yihiin. Waxay sidaa ku degeen tuulada Huluul.

“Qoyskayagu inay ku negaadaan miyiga waxaa qayb ka ah, lacagta aan u diro ee ay biishaan, waayo haddii aysan heli lahayn lacagtan 50-kaas neef ayay masaariifan lahaayeen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxaa sidoo kale shaqadaan xoogsiga ah wax uga baddelay noloshiisa iyo tan qoyskiisa Saciid Jaamac Maxamed oo 24 jir ah.

Saciid wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in uu mararka qaar baahi ku seexan jiray inta uusan shaqadaan billaabin.

“Aniga noloshayda wax wayn ayay ku soo kordhisay, waayo markii hore waxaan ka welweli jiray, waxaan ku noolaan lahaa. Mararka qaar waxaan waayi jiray quraac, qado iyo casho, waayo cidna iima joogin magaalada,” ayuu yiri.

“Maanta waxaa ahay qof isku filan nolol ahaan. Waxaan doonayaa markay lacag badan ii aruurto in aan samaysto ganacsi aan aniga leeyahay. Hadda $500 ayaan meel dhigtay,” ayuu yiri.

Saciid ayaa sheegay in lixda aroornimo ilaa iyo 12-ka duhurnimo uu shaqeeyo. Wuxuu qodaa dhulka si loo geliyo tubbooyinka biyaha guryaha gaarsiinaya. Shaqada ayuu sheegay in aysan fududeyn balse uu ku faraxsan yahay maaddaama ay baahidiisa kaafiso.

Saciid wuxuu tilmaamay in qoyskiisa oo ku nool deegaanka Adhicaddeeye uu bishii u diro $100 ilaa $150.

Qoyskiisa waxay abaartii ku waayeen 500 oo neef oo ari ah. Hadda waxay haystaan 40 neef oo ah taranka 7 neef oo uga hartay xoolihii ay abaartu ka laysay.

Maxamed Farxaan oo 19 jir ah, wuxuu ka mid yahay dhallinyarada xoogmaalka ah oo xirfaddooda ku shaqeysanaya. Wuxuu ka soo qalin jabiyay iskuulka Adhicadeye. Wuxuu xusay in labo ka tirsan walaalihiis oo saddex bil ka hor iskuulka deegaanka ku biiray uu lacagta waxbarashadooda ka bixiyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qoyskiisa oo ay abaartii 2017-ka uga laysasay 150 ari ah degaanka Geed-xamaray oo hataan ku nool xerada barakaca ee Canjiid uu bil walbo u diro $100.

Maxamed ayaa isaga naftiisa ku biiray iskuul uu ka barto Ingriiska iyo xisaabta xilliga uusan shaqada haynin ee habeenkii.

Previous Post

Dugsiga sare ee ugu horreeyay oo laga hirgeliyay Hobyo oo bixinaya waxbarasho lacag-la’aan ah

Next Post

Dadka deegaanka oo bacaad-celin ka sameynaya magaalo-xeebeedda Goobweyn

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Sand, Somalia, Beledweyne

Dadka deegaanka oo bacaad-celin ka sameynaya magaalo-xeebeedda Goobweyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-APR-2026

IDAACADDA 25-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo