Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dugsiga sare ee ugu horreeyay oo laga hirgeliyay Hobyo oo bixinaya waxbarasho lacag-la’aan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
August 31, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dugsi sare, Waxbarasho, Somalia

Arday dhigata dugsiga sare oo xiisad ku jira/Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Duraan Cabdullaahi Xasan oo 22 jir ah wuxuu 15-kii Agoosto dib u billaabay waxbarashada dugsiga sare, afar sano oo uu dib u dhac ku yimid kaddib.

Wuxuu ka mid yahay 55 arday oo ka soo jeeda qoysas danyar ah, kuwaasi oo noqday ardaydii ugu horreysay ee laga diiwaangeliyo iskuul cusub oo Hobyo laga furay. Iskuulkaan oo ah dugsigii sare ee ugu horreeyay ee magaaladaas ay yeelato ayay waxbarashadiisu tahay lacag-la’aan.

Ka hor inta aan iskuulkan laga hirgelinin degmada waalidiinta ayaa carruurtooda u diri jiray dugsiyada sare ee ku yaalla magaalooyin kale sida Muqdisho, Gaalkacyo iyo Cadaado. Balse Duraan walidiintiisa uma aysan awoodin inay wiilkooda diraan si uu wax u soo barto maaddaama ay danyar iska yihiin.

Ardaygan ayaa gelinka hore taga iskuulka, gelinka dambena wuxuu ku shaqeystaa kalluumeysiga oo uu xirfad ka dhigtay tan iyo sanadkii 2018, markaas oo uu dugsiga dhexe dhameeyay. Dhaqaalaha uu shaqadan ka helo wuxuu ku caawiyaa qoyskiisa.

Inkastoo hadda lagu jiro xilli bad-xiran ah, haddana Duraan iyo dhallinyaro kale waxay la shaqeeyaan ganacsade leh doon kalluumeysi. Shaqadan wuxuu toddobaadkii ka helaa qiyaas ahaan $30. Wuxuu xusay in hadda uu ku tiirsan yahay qoyskiisa raashin uu ka soo daynto baqaaradda maaddaama ay shaqadiisa kalluumeysiga ay hakad ku jirto.

Qoysaska ku nool deegaanka ayaa wiilasha kaliya u diri jiray waxbarashada haddii aysan jirin qaraabo dhow oo magaalooyinkaas ay ku leeyihiin. Waxay aaminsanayeen in ay baylah noqon karaan gabdhaha yaryar haddii laga fogeeyo waalidka ama cidda kale ee mas’uul ka noqon karta.

Fartuun Salaad Xaashi oo ka mid ah ardayda iskuulkan cusub waxbarashadooda dib uga billaabay ayaa sheegtay in rajo badan aysan ka qabin inay sii wadato waxbarashadeeda.

Fartuun oo 21-jir ah waxay xustay in qoyskeedu ay ka diideen in ay u diraan deegaan aysan ku lahayn qaraabo u dhow kaddib markii ay dhameysay dugsiga dhexe sanadkii la soo dhaafay.

“Horta markii hore annaga ka gabdho ahaan waaliddiinteena culays faro badan bay ku haysay in deegaanka aan deggennahay deegaan aan ahayn ay waxbarasho noogu diraan. Taasna ma ahayn mid suurtagal noqon karta sababtoo ah way noo cabsanaayeen, middeeda kale awoodna maysan u lahayn,” ayay tiri.

“Keliya aniga waxaa ii qorshaysnayd in aan dugsiga dhexe dhameeyo. Ma qabin rajada ah in dugsi sare uu imaanayo waliba dhowaanahan uu deegaankeenna noogu imaanayo,” ayay intaa ku dartay.

Fartuun ayaa tilmaantay inay ku faraxday markii ay maqashay in dugsi sare laga hirgalin rabo degmadooda. Waxay sheegtay in iyada iyo Sihaam oo ah walaasheed ka yar oo 19 jir ah, ay waalidiintooda u oggolaadeen kuna dhiirigaliyeen ku biiridda iskuulka iyagoo ka caawiyay agabka ay wax ku bartaan.

“Markan maqlay in deegaankeenna dugsi sare laga furayo aad baan ugu farxay run ahaantii. Waxbarashadana waxaan ka yeeshay hammi iyo rajo aanan awal ka lahayn waxaana igu dhalatay in aan dhamaystirto dugsi sare,” ayay tiri.

Aqoonyahanno, qurbajoog iyo siyaasiyiin ka soo jeedda Hobyo ayaa hirgaliyay iskuulkan oo ka kooban lix qol. Waxay bixiyeen kharashka macallimiinta si ay dadka deegaanka ugu fududeeyaan in carruurtooda ay waxbarasho u helaan.

Maamulaha iskuulka sare ee dagmada Hobyo, Mukhtaar Cabullaahi Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lagama maarmaan ay noqotay in xal loo helo carruurta ay waxbarashadooda uga hagatay dugsi sare la’aanta degmada.

“Waa xaqiiqo in dadka qaarkiis balwadaha ay isticmaalayaan maaddaama ay camal-la’aantu ka badatay,” ayuu yiri.

Maamulaha ayaa sheegay inay jiraan arday badan oo horay u dhammeeyay dugsiga dhexe oo aan xilligaan niyad u hayn waxbarashada. Wuxuu tilmaamay in kuwaas iyo waalidkood ay u sameeyaan wacyigelin si ay uga fa’iideystaan waxbarashada dugsiga sare ee bilaashka ah.

Iskuulka ayuu xusay in dhismihiisa la ballaarin doono maaddaama uu udub-dhexaad u noqon karo arday badan oo ku nool Hobyo iyo deegaanno badan oo hoostaga.

Maamulaha wuxuu xusay in dhismaha iskuulka iyo qalabayntiisa ay ku baxday $36,900 oo ay ku tabarruceen dadka isku xilqaamay hirgelinta iskuulka.

Previous Post

Tuulo looga guuray daadad ka dhashay fatahaad ka xirista Beledweyne

Next Post

Farsamooyin loo tababaray oo shaqo-helis ka caawiyay dhallinyaradii ay qoysaskooda abaaraha ku ceyroobeen

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
Next Post
Biyo, Somalia

Farsamooyin loo tababaray oo shaqo-helis ka caawiyay dhallinyaradii ay qoysaskooda abaaraha ku ceyroobeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18 MAY 2026

IDAACADDA 18 MAY 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18 MAY 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo