(ERGO) – Duraan Cabdullaahi Xasan oo 22 jir ah wuxuu 15-kii Agoosto dib u billaabay waxbarashada dugsiga sare, afar sano oo uu dib u dhac ku yimid kaddib.
Wuxuu ka mid yahay 55 arday oo ka soo jeeda qoysas danyar ah, kuwaasi oo noqday ardaydii ugu horreysay ee laga diiwaangeliyo iskuul cusub oo Hobyo laga furay. Iskuulkaan oo ah dugsigii sare ee ugu horreeyay ee magaaladaas ay yeelato ayay waxbarashadiisu tahay lacag-la’aan.
Ka hor inta aan iskuulkan laga hirgelinin degmada waalidiinta ayaa carruurtooda u diri jiray dugsiyada sare ee ku yaalla magaalooyin kale sida Muqdisho, Gaalkacyo iyo Cadaado. Balse Duraan walidiintiisa uma aysan awoodin inay wiilkooda diraan si uu wax u soo barto maaddaama ay danyar iska yihiin.
Ardaygan ayaa gelinka hore taga iskuulka, gelinka dambena wuxuu ku shaqeystaa kalluumeysiga oo uu xirfad ka dhigtay tan iyo sanadkii 2018, markaas oo uu dugsiga dhexe dhameeyay. Dhaqaalaha uu shaqadan ka helo wuxuu ku caawiyaa qoyskiisa.
Inkastoo hadda lagu jiro xilli bad-xiran ah, haddana Duraan iyo dhallinyaro kale waxay la shaqeeyaan ganacsade leh doon kalluumeysi. Shaqadan wuxuu toddobaadkii ka helaa qiyaas ahaan $30. Wuxuu xusay in hadda uu ku tiirsan yahay qoyskiisa raashin uu ka soo daynto baqaaradda maaddaama ay shaqadiisa kalluumeysiga ay hakad ku jirto.
Qoysaska ku nool deegaanka ayaa wiilasha kaliya u diri jiray waxbarashada haddii aysan jirin qaraabo dhow oo magaalooyinkaas ay ku leeyihiin. Waxay aaminsanayeen in ay baylah noqon karaan gabdhaha yaryar haddii laga fogeeyo waalidka ama cidda kale ee mas’uul ka noqon karta.
Fartuun Salaad Xaashi oo ka mid ah ardayda iskuulkan cusub waxbarashadooda dib uga billaabay ayaa sheegtay in rajo badan aysan ka qabin inay sii wadato waxbarashadeeda.
Fartuun oo 21-jir ah waxay xustay in qoyskeedu ay ka diideen in ay u diraan deegaan aysan ku lahayn qaraabo u dhow kaddib markii ay dhameysay dugsiga dhexe sanadkii la soo dhaafay.
“Horta markii hore annaga ka gabdho ahaan waaliddiinteena culays faro badan bay ku haysay in deegaanka aan deggennahay deegaan aan ahayn ay waxbarasho noogu diraan. Taasna ma ahayn mid suurtagal noqon karta sababtoo ah way noo cabsanaayeen, middeeda kale awoodna maysan u lahayn,” ayay tiri.
“Keliya aniga waxaa ii qorshaysnayd in aan dugsiga dhexe dhameeyo. Ma qabin rajada ah in dugsi sare uu imaanayo waliba dhowaanahan uu deegaankeenna noogu imaanayo,” ayay intaa ku dartay.
Fartuun ayaa tilmaantay inay ku faraxday markii ay maqashay in dugsi sare laga hirgalin rabo degmadooda. Waxay sheegtay in iyada iyo Sihaam oo ah walaasheed ka yar oo 19 jir ah, ay waalidiintooda u oggolaadeen kuna dhiirigaliyeen ku biiridda iskuulka iyagoo ka caawiyay agabka ay wax ku bartaan.
“Markan maqlay in deegaankeenna dugsi sare laga furayo aad baan ugu farxay run ahaantii. Waxbarashadana waxaan ka yeeshay hammi iyo rajo aanan awal ka lahayn waxaana igu dhalatay in aan dhamaystirto dugsi sare,” ayay tiri.
Aqoonyahanno, qurbajoog iyo siyaasiyiin ka soo jeedda Hobyo ayaa hirgaliyay iskuulkan oo ka kooban lix qol. Waxay bixiyeen kharashka macallimiinta si ay dadka deegaanka ugu fududeeyaan in carruurtooda ay waxbarasho u helaan.
Maamulaha iskuulka sare ee dagmada Hobyo, Mukhtaar Cabullaahi Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lagama maarmaan ay noqotay in xal loo helo carruurta ay waxbarashadooda uga hagatay dugsi sare la’aanta degmada.
“Waa xaqiiqo in dadka qaarkiis balwadaha ay isticmaalayaan maaddaama ay camal-la’aantu ka badatay,” ayuu yiri.
Maamulaha ayaa sheegay inay jiraan arday badan oo horay u dhammeeyay dugsiga dhexe oo aan xilligaan niyad u hayn waxbarashada. Wuxuu tilmaamay in kuwaas iyo waalidkood ay u sameeyaan wacyigelin si ay uga fa’iideystaan waxbarashada dugsiga sare ee bilaashka ah.
Iskuulka ayuu xusay in dhismihiisa la ballaarin doono maaddaama uu udub-dhexaad u noqon karo arday badan oo ku nool Hobyo iyo deegaanno badan oo hoostaga.
Maamulaha wuxuu xusay in dhismaha iskuulka iyo qalabayntiisa ay ku baxday $36,900 oo ay ku tabarruceen dadka isku xilqaamay hirgelinta iskuulka.










