(ERGO) – Labo boqol iyo labaatan qoys oo deggenaa tuulada Hilo-keliyo ee gobolka Hiiraan ayaa ka guuray deegaankooda bishii toddobaad ee sanadkan, kaddib markii uu deegaankoodu u nuglaaday fatahaadaha.
Dadkan oo degey dhul-bannaan oo taag ah oo ku yaalla xaafadda Bannaaney, waxaa saddexdii xilli-roobaad ee u dambeeyay saameyn ku hayay biyaha ka soo rogmada carro-tuurka lagu sameeyay wabiga si looga hortago fatahaad saameysa magaalada Beledweyne.
Fardowso Xuseen Guuleed waxay ka mid tahay dadka ka guursay deegaankooda, iyadoo Bannaaney ka dhisatay daash dhinacyada ka bannaan oo dusha ay ka saartay bacda roobka.
Wuxuu gabbaad u yahay toddobo carruur ah oo ay dhashay iyo aabbahood oo muddo sanad ah dhul-yaal uu ka dhigay xanuun uga dhacay neerfaha. Waxay ka warrantay xaaladda ku haysata goobta cusub ee ay u soo guureen.
“Saddex marka loo baro dadka, labo bar waa hoy-la’aan. Aniga nafteyda hoy wanaagsan ayaan dhisan lahaa balse ma haysto agabkii. Gurigii Hilo-keliyo oo aan ka guurayna wax rajo ah malaha, haddii xitaa aad soo fujisan lahayd,” ayay tiri Fardowsa.
Fardowso ayaa tilmaantay in daadkii ugu dambeeyay ee bishii May ay ku waysay guri muddul ah, 20 neef oo ido ah iyo dameer ay biyaha uga soo dhaansan jirtay webiga.
Hooyadan ayaa nolosha qoyskeeda ku maarayn jirtay dhaqaale ay ka heleysay meherad ay shaah ku iibin jirtay balse taa ayaa meesha ka baxday bishii May ee sanadkan kaddib markii uu daadka ka burburiyay goobtii ay shaaha ku iibinaysay.
Waxay sheegtay in hadda ay subax kasta u lugeyso beero ku yaalla duleedka Beledweyne oo meesha ay joogto 8 km u jira si ay u soo hesho shaqo aan joogto ahayn oo xoogsi ah.
“Nin beer uu tacbaday yaanyo iiga gur ku dhahaya iyo nin liin ii gur ku yiraahda, waxaa la raadinayaa nolol-maalmeedka, mar baa waxba soo waynaysaa oo soo hoyanaysaa. Marna $5 ama $6 baad iska soo heli oo waxay kuu gooyaan baad kala bixi, sidaas baan nolosha qoyska ku maareeyaa,” ayay tiri.
Fardowso, muddo labo sano ku dhow ma aysan tacban beer hal hiktar ah oo ay ku leedahay duleedka tuulada Hilo-keliyo. Waxay xustay in halka ay beerta ku taallo ay isu beddeshay meel ay xilli-roobaad kasta fadhiistaan biyaha daadadka.
Hooyadan ayaa sheegtay in biyaha ay hadda cabbaan ay carruurteedu uga soo dhaamiyaan wabiga oo 6 km u jira gurigooda, maaddaama deegaanka Bannaaney uusan lahayn ilo biyaha laga soo dhaansado.
Deegaanka ayaan sidoo kale lahayn adeegyada waxbarashada, ganacsiga iyo korontada, taasi oo ku kallifta dadka deegaanka u soo guuray inay adeegyada aasaasiga ah u doontaan magaalada Beledweyne oo 10 km u jirta.
Fardowso ayaa xustay in labo ka tirsan carruurteeda ay waxbarasho-la’aan yihiin tan iyo sanadkii hore ee 2020, xilligaas oo ay biyuhu dumiyeen dhismaha dugsigii hoose dhexe ee deegaanka Hilo-keliyo.
Go’aanka looga guuray tuulada Hilo-keliyo waxaa qoyska Fardowso iyo kuwa la midka ah ku qanciyay guddi odayaal ah oo ay dadka deegaanku leeyihiin.
Xasan Hurway Caddow oo ka mid ah odayaasha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in go’aanka ay qaateen markii ay qiimayn saddex-geesood ah sameeyeen. Qiimaynta waxaa wada sameeyay odayaasha deegaanka, guddiga ka hortagga fatahaadda Beledweyne iyo maamulka magaalada. Waxay u arkeen in xalku uu yahay keliya in dadka xaafadda ku nool la raro si magaalada fatahaadda looga badbaadiyo.
Wuxuu intaa ku daray in guddiga ka hortagga fatahaadda iyo maamulka Baladwayne ay u sameeyeen dadka degey dhulka cusub ballan-qaad ah in guryo cusub ay u dhisi doonaan waqti aysan cayimin.
Dadka soo guuray ilaa hadda ma jirto cid u gurmatay, sida uu sheegay oday Xasan.
Maxamed Tahliil Maxamuud oo ah xubin ka tirsan guddiga ka hortagga fatahaadda Baladweyne ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay xal-waara u raadin doonaan dadka nolsohooda uu saameeyay mashruuca ay biyaha fatahaadda uga xirayaan Beledweyne.










