Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Tuulo looga guuray daadad ka dhashay fatahaad ka xirista Beledweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
August 30, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali news

Xaafad kamid ah xaafadaha Beledweyne oo ay biyaha fatahaadda dhex fadhiyaan/Kaydka Sawirada/Ergo

15
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol iyo labaatan qoys oo deggenaa tuulada Hilo-keliyo ee gobolka Hiiraan ayaa ka guuray deegaankooda bishii toddobaad ee sanadkan, kaddib markii uu deegaankoodu u nuglaaday fatahaadaha.

Dadkan oo degey dhul-bannaan oo taag ah oo ku yaalla xaafadda Bannaaney, waxaa saddexdii xilli-roobaad ee u dambeeyay saameyn ku hayay biyaha ka soo rogmada carro-tuurka lagu sameeyay wabiga si looga hortago fatahaad saameysa magaalada Beledweyne.

Fardowso Xuseen Guuleed waxay ka mid tahay dadka ka guursay deegaankooda, iyadoo Bannaaney ka dhisatay daash dhinacyada ka bannaan oo dusha ay ka saartay bacda roobka.

Wuxuu gabbaad u yahay toddobo carruur ah oo ay dhashay iyo aabbahood oo muddo sanad ah dhul-yaal uu ka dhigay xanuun uga dhacay neerfaha. Waxay ka warrantay xaaladda ku haysata goobta cusub ee ay u soo guureen.

“Saddex marka loo baro dadka, labo bar waa hoy-la’aan. Aniga nafteyda hoy wanaagsan ayaan dhisan lahaa balse ma haysto agabkii. Gurigii Hilo-keliyo oo aan ka guurayna wax rajo ah malaha, haddii xitaa aad soo fujisan lahayd,” ayay tiri Fardowsa.

Fardowso ayaa tilmaantay in daadkii ugu dambeeyay ee bishii May ay ku waysay guri muddul ah, 20 neef oo ido ah iyo dameer ay biyaha uga soo dhaansan jirtay webiga.

Hooyadan ayaa nolosha qoyskeeda ku maarayn jirtay dhaqaale ay ka heleysay meherad ay shaah ku iibin jirtay balse taa ayaa meesha ka baxday bishii May ee sanadkan kaddib markii uu daadka ka burburiyay goobtii ay shaaha ku iibinaysay.

Waxay sheegtay in hadda ay subax kasta u lugeyso beero ku yaalla duleedka Beledweyne oo meesha ay joogto 8 km u jira si ay u soo hesho shaqo aan joogto ahayn oo xoogsi ah.

“Nin beer uu tacbaday yaanyo iiga gur ku dhahaya iyo nin liin ii gur ku yiraahda, waxaa la raadinayaa nolol-maalmeedka, mar baa waxba soo waynaysaa oo soo hoyanaysaa. Marna $5 ama $6 baad iska soo heli oo waxay kuu gooyaan baad kala bixi, sidaas baan nolosha qoyska ku maareeyaa,” ayay tiri.

Fardowso, muddo labo sano ku dhow ma aysan tacban beer hal hiktar ah oo ay ku leedahay duleedka tuulada Hilo-keliyo. Waxay xustay in halka ay beerta ku taallo ay isu beddeshay meel ay xilli-roobaad kasta fadhiistaan biyaha daadadka.

Hooyadan ayaa sheegtay in biyaha ay hadda cabbaan ay carruurteedu uga soo dhaamiyaan wabiga oo 6 km u jira gurigooda, maaddaama deegaanka Bannaaney uusan lahayn ilo biyaha laga soo dhaansado.

Deegaanka ayaan sidoo kale lahayn adeegyada waxbarashada, ganacsiga iyo korontada, taasi oo ku kallifta dadka deegaanka u soo guuray inay adeegyada aasaasiga ah u doontaan magaalada Beledweyne oo 10 km u jirta.

Fardowso ayaa xustay in labo ka tirsan carruurteeda ay waxbarasho-la’aan yihiin tan iyo sanadkii hore ee 2020, xilligaas oo ay biyuhu dumiyeen dhismaha dugsigii hoose dhexe ee deegaanka Hilo-keliyo.

Go’aanka looga guuray tuulada Hilo-keliyo waxaa qoyska Fardowso iyo kuwa la midka ah ku qanciyay guddi odayaal ah oo ay dadka deegaanku leeyihiin.

Xasan Hurway Caddow oo ka mid ah odayaasha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in go’aanka ay qaateen markii ay qiimayn saddex-geesood ah sameeyeen. Qiimaynta waxaa wada sameeyay odayaasha deegaanka, guddiga ka hortagga fatahaadda Beledweyne iyo maamulka magaalada. Waxay u arkeen in xalku uu yahay keliya in dadka xaafadda ku nool la raro si magaalada fatahaadda looga badbaadiyo.

Wuxuu intaa ku daray in guddiga ka hortagga fatahaadda iyo maamulka Baladwayne ay u sameeyeen dadka degey dhulka cusub ballan-qaad ah in guryo cusub ay u dhisi doonaan waqti aysan cayimin.

Dadka soo guuray ilaa hadda ma jirto cid u gurmatay, sida uu sheegay oday Xasan.

Maxamed Tahliil Maxamuud oo ah xubin ka tirsan guddiga ka hortagga fatahaadda Baladweyne ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay xal-waara u raadin doonaan dadka nolsohooda uu saameeyay mashruuca ay biyaha fatahaadda uga xirayaan Beledweyne.

 

Previous Post

Fatahaadda webiga oo cunno-yari iyo hoy-la’aan bidday beeraleyda Shabeellaha dhexe

Next Post

Dugsiga sare ee ugu horreeyay oo laga hirgeliyay Hobyo oo bixinaya waxbarasho lacag-la’aan ah

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Dugsi sare, Waxbarasho, Somalia

Dugsiga sare ee ugu horreeyay oo laga hirgeliyay Hobyo oo bixinaya waxbarasho lacag-la’aan ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo