(ERGO) – Aadan Oyow Ibraahim, oo ah aabbaha 17 carruur, waxaa isaga iyo qoyskiisa la soo darsay xaalad adag oo dhanka cunnada iyo hoyga ah. Aabbahan ayay fatahaadda webiga Shabeelle ka soo barakicisay deegaanka Boodaale oo qiyaastii 22 km koonfur uga beegan magaalada Jowhar 11-kii bishaan Agoosto.
Waxay u barakaceen dhul taag ah oo 5 km u jira gurigoodii.
Aadan ayaa sheegay in naftooda un ay soo badbaadsadeen, oo aysan horay u soo qaadan wax raashiin ah maaddaama biyaha oo xilli gabbal-dhac ah, si xoogan oo kedis ah ugu fatahay aysan u suurtagelin inay wax kale soo qaataan.
Aadan ayaa xusay in maalinkii ay halmar karsadaan raashin yar oo gargaar ah. Waxaa siiyay beeraley uga soo gurmaday tuulooyin u dhow oo aysan biyuhu gaaarin.
“Dadka dariska ah ee biyaha ka ceyntay ayaa noo soo kaalmeeya. Badarkana dadka aysan u biyuhu u galin ayaa noo soo ururiya, kaddib ayaan qeybsannaa. Alxamdulillaah waxaan ku hoyannaa laamo la isku xir-xiray, hoostooda ayaan ku jirnaa. Xagaa’ ayaa da’aya, korkeenna ayuu ku baxayaa, mana haysanno baco iyo bustayaal,” ayuu yiri Aadan.
Dad gaaraya 783 qoys ayaa ka barakacay fatahaadda deegaanka Boodaale.
Aadan wuxuu tilmaamay in ay fatahaaddu ka burburisay guri cariish ah oo lix qol ka koobnaa iyo beer toddobo hektar ah.
Beerta waxaa ugu abuurnaa dalagyo isugu jira galley, digir, sisin, bocor, yaanyo, cambe iyo liin, kuwaas oo uu sheegay in dhammaan ay ahaayeen dalagyo gurashadooda ay ka harsaneyd wax ka yar afartan cesho, balse ay biyuhu la tageen. Wuxuu ku han weynaa inuu iska baxsho deyn $1,400 ah oo qayb uu qaatay xilligii abuurka.
“Lacagta deynta … haddii beerta fatahaad aysan iga gasheen oo amar Ilaahey uusan dhici laheyn waan iska bixin lahaa … Caawa haddii aan dhinto waa deyn igu maqan,” ayuu yiri.
Sidoo kale, waxay fatahaddu saameysay Xuseen Yuusuf Cabdi oo qoyskiisu uu ka mid yahay 480 qoys oo ka barakacay tuulada Halgan.
Xuseen ayaa nolol-maalmeedka qoyskiisa ka maareyn jiray dalagga uga baxa beer labo hektar ah oo ay biyaha fatahaadda ka galeen. Beerta waxaa ugu abuurnaa galley iyo yaanyo ay labo isbuuc ka dhinneyd inay soo go’aan.
Wuxuu sheegay in afar iyo toban maalin oo ay barakac yihiin uu reerkiisu raashin ahaan ugu dabbaro kalluun uu ka soo dabto biyaha soo fatahay.
“Haddaad kalluun soo weyso ciyaalkii ayaa kuu fadhiya. Malaaygii ayaaba ciriiri ah oo wax lagu soo dabo ayuu rabaa, marka waxaan raadinnaa rah iyo mid kaloo la yiraahdo ‘af been beene’, isagii ayaaba ciriiri ah oo sida lagu helo ay adag tahay,” ayuu yiri.
Halmar oo keliyay ayay saddex kiilo oo galley ah ku caawiyeen qoys la deris ah, taasoo labo cesho kaddib ka dhammaatay, sida uu noo sheegay.
Xuseen oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa tilmaamay in lagu leeyahay deyn $400 oo uu galiyay beerta ay biyuhu ka gooyeen.
Wuxuu intaa ku darya in sidoo kale ay waxbarashada ka habsaantay afar carruurtiisa ah oo u dhigan jiray dugsiga hoose ee tuulada ay ka soo barakaceen.
Rajada qoysaskan barakaca ah ayaa ku xiran dib u noqoshada biyaha wabiga, hase yeeshee, heerka biyihiisu way sarreeyaan xilligaan.
Maamulka deegaannada Boodaale iyo Halgan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaaddu ay saameysay dhul-beereed lagu qiyaasay in ka badan 1,500 oo higtar oo ay ku beernaayeen dalagyo kala duwan, sidoo kalena ay waxbarasho-la’aan ku noqdeen 437 arday oo dhiganayay labo dugsi hoose oo ku yaalla labada deegaan ee laga barakacay.










