Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ayax saameyn ku yeeshay beeraleyda gobolka Maroodijeex, Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
August 26, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Locust

Maro kaneeco beerta looga badbaadinayo ayaxa/Kaydka Sawirada Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo isbuuc ka hor inta uusan beertiisa goosan, Cabduqaadir Maxamed Cali waxaa basal iyo ansalaato (saladh) u baxayay, saddexdii bilood ee la soo dhaafay, uga dagay ayax gebi ahaanba baabi’yay.

Cabduqaadir oo ay beertiisu ku taallo tuulada Caro-yaambo oo 30 km galbeed uga beegan Hargeysa ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa oo uu ka maareyn jiray beerta ay hadda culeys la soo deristay.

“Basashaasi waxay ahayd abqaal, meeshii oo dhan dhul bannaan ayuu ka dhigay,” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Ninkaan ayaa tilmaamay in dalagga uu ayaxu ka cunay uu ku beeray $510 oo $200 ay dayn aheyd. Wuxuu xusay in uu qorshihiisa uu ahaa in daynta uu iska bixiyo marka uu suuqa geeyo wax-soo-saarka.

Cabduqaadir oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ayaxaan uu ka duwan yahay kuwii hore marka loo eego badnaanshaha iyo xiliyada dhowdhow ee uu soo laabanayo.

“Haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto halisteeda [ayay leedahay], dadka oo dhan wuu cidhib beelayaa. Baqdinta na haysa ayaa noogu wayn oo nin walba wixiisii uu haystay ayuu la baqanayaa,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in ayaxa u sidoo kale uga habsaday beerta bishii Abriil ee sanadkaan, waqtigaas oo uu isu-diyaarinayay in uu goosto.

Diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ayaxa ka buufinayay deegaanka uu joogo Cabduqaadir.

Ayaxa ayaa sidoo kale nin kale oo beeraley ah oo lagu magcaabo Abaadir Maxamed Cabdullaahi uga habsaday toddobaatan geed oo liin-dhanaan ah, kuwaas oo uu ku beeranayay tuulada Xumbewayne oo 35 km bari ka xigta magaalada Hargeysa.

Abaadir ayaa sheegay in cabsida uu ka qabo ayaxa ay ku qasabtay inuu iska dhaafo abuurista khudhaarta oo uu beddelkeeda beerto basal, yaanyo, saladh, basbaas, liin iyo xabxab.

“Ilaahay ayaa awooddiisa noogu soo diray waxba kama karno oo waa imtixaan … Qof walba telefoon ayuu dhegta haystaa oo wuxuu baqdin ka qabnaa halka uu soo maraayo, prepaid-ka [lacagta karaka ku hadalka] nagaga baxay beertaba kama soo baxo runtii,” ayuu yiri.

Ayaxa ayaa ku degay ku dhowaad 250 beer, kuwaas oo intooda badan ku yaalla gobolka Maroodijeex, gaar ahaan tulooyinka Jaleelo, Daarasalaam, Horuhaadlay, Xumbeweyne, Biyo-shiinaha, Huluuq, Biyo macaan, Gogol-wanaag iyo Carro-yaambo.

Previous Post

Haweeneyda keliya ee bajaaj ku dhex wadda Beledweyne oo la kulanta caqabado

Next Post

Fatahaadda webiga oo cunno-yari iyo hoy-la’aan bidday beeraleyda Shabeellaha dhexe

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Fatahaad, Jowhar, Wabiga Shabelle

Fatahaadda webiga oo cunno-yari iyo hoy-la’aan bidday beeraleyda Shabeellaha dhexe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo