(ERGO) – Sahro Cabdi Axmed oo ah 41 jir waxay u bareertay inay noqoto wade mooto-bajaaj kaddib markii lagu yeeshay kirada saddex bil ee guriga ay ku nooshahay oo ku yaalla magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Hooyadaan oo ah haweeneyda keliya ee wedista bajaajta uga dhex shaqeysata Beledwayne ayaa labo bil ka hor billowday shaqadan si ay u soo saarto nolol-maalmeedka siddeeddeeda carruurta ah oo agoon ah. Bajaajta oo ay xilligaas ka hor iibsatay ayay kala soo wareegtay nin ugu shaqeyn jiray, kaddib markii uu lacag fiican uga soo saari waayay.
Sahro oo maalintii soo xareysa dhaqaale dhan $10 ilaa iyo $20 ayaa muddo labo isbuuc ah ku baratay sida loo wado bajaajta.
“Wax badan ayaa noloshayda iska beddelay, haddii ay ahaan lahayd duruuftii i haysatay. Ciyaalkayga murugtii waxbarashada oo nalaga soo raacdeynayay, daruuftii oo aad iskaga xumayd oo hadda aan ku filnaaday maashaa Allaah. Boqolkiiba boqol, aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaana rajaynayaa inaan baabuur weyn sii gato,” ayay tiri Sahro, oo ay wajigeeda ka muuqatay ku faraxsanaanta iyo ku qanacsanaanta shaqadaan.
Mid ka mid ah labadeeda lug ayay ku beeshay cudur ku dhacay xilligii carruurnimadeeda, laakiin taasi caqabad kuma aha wadista bajaajta oo iyadoo celis ah ay ku soo iibsatay $1,400 saddex bil ka hor. Lix boqol konton iyo lix doollar waxay ka heshay dukaan ay bagaashka ku iibin jirtay oo ay iska gadday, kaddib markii sida ay noo sheegtay wax-soo-saarkiisa uu yaraaday.
Lacagta inteeda kale waxaa u dhameystiray ehelkeeda. Shaqadan ayay sheegtay in dhaqaalaha ay ka hesho uu yahay mid ka fiican kii ay ka heli jirtay shaqadeedii hore ee ganacsiga. Waxay sidoo kale u aragtaa bajaaj-wadistu inay ka wanaagsan tahay shaqooyinka kale ee ay dumarku qabtaan sida iibinta khudaarta iyo dharka.
Waxay noo sharraxeysaa sida ay isugu waddo korinta carruurteeda, oo ay hooyo iyo aabbo u tahay, iyo shaqadaan.
“Carruurta maalintii waan u shaqeeyaa, habeenkiina sidii aan dharkooda u dhaqi lahaa iyo guriga u kala
maareyn lahaa ayaan galaa,” ayay tiri hooyadan oo wadda bajaajta toddobada maalin ee isbuuca.
“Sagaalka saac oo habeennimo ayaan ka kacaa oo quraacda ayaan u kariyaa, qadada ayaan ugu xijiyaa. Labada waawayn ayaan dhahaa ciyaalka sii-siiya, qabowba ha u ahaatee, haddii la helo sidaas ayaan ku maareeyaa dariskana aad ayay ii caawiyaan.”
Sahro ayaa xustay in shaqadeeda cusub ay tahay mid aad u adag oo u baahan go’aan qaadasho.
Afar kamid ah carruurteeda oo iskuul u dhigta waxay bil kasta ku bixisaa waxbarashadooda $40, halka kirada guriga uu yahay $35. Lacagtaan ayay sheegtay in qeyb ay ka soo saarto ayuuto ay kula jirto koox haween ah maaddaama dhaqaalaha bajaajta aysan ku wada bixin karin dhammaan waxyaabaha daruuriga ah ee uu reerku u baahan yahay.
Waxay tilmaantay in dadka ay qaaddo qaar ay ku dhego-hadlaan iyagoo leh ‘amey bajaajta nala geddisaa qoftaan dumarka ah.’
Meelaha qaar markii ay mareyso waxay sheegtay in ay dareento cabsi aad u weyn oo ay muujiso taxaddar dheeraad ah.
Hooyadaan oo aan wali kala baranin jidadka magaalada ayaa xustay inay dhowr jeer ku dhex luntay xaafadaha magaalada Beledweyne.
“Caqabad weyn ayaa iga qabsatay wadooyinkii oo aanan kala aqoon. Afarta xaafadood waxii oo wada luuq ah oo aanan fahmeyn. Waxaan arkay saddex saac aniga oo xaafad lee dhax socday oo meel aan ka baxo garan waayey. Meel walba albaab lee I soo qabanaa oo aan ku rafaaday,” ayay tiri.
Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay inay dooneyso in tusaale ay u noqoto haweenka la midka ah ee ay haystaan dhibaatoyin soo-saarista nolol-maalmeedka qoysaskooda.
Waxaa jira dumar badan oo shaqadeeda cusub wax ka soo waydiiyay, kuwaas oo ay ku dhiirrigelisay, dhowaanna ay fileyso inay suuqa kula soo biiraan.
“Gabar ilmo agoon ah haysata ayaan hadda u gadnay mid celis ah. Muddo lix maalmood ah ayaa bannaanka lagu barayay. Wixii hadda ka dambeeya waxaan rajeyneynaa in ay suuqa ku soo biiri doonto,” ayay tiri.










