Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Biyo-yari ka taagan miyiga gobolka Afdheer oo dhibaato ku haysa xoolo-dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
August 23, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Biyo yari

Dad biyo isku dagalaya/Keydka Sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cabdi iyo qoyskiisa waxay bishii Maarso ee sanadkaan ka soo barakaceen miyiga Bohol-caruus ee gobolka Afdheer ee Dowlad-deegaanka Soomaalida. Biyo-yari iyo baad-la’aan ka jirta deegaanka ayay uga dhinteen 75 neef oo ari iyo ido isugu jiray.

Axmed oo la soo guuray soddon neef oo u hartay ayaa hadda nolol adag waxay ku heysataa tuulada Bohol-caruus. Wuxuu sheegay in maalintii uu qoyskiisa biyo ahaan u isticmaalo 18 liitar oo ay ku caawiyaan dad ay deris yihiin oo awooda inay biyo iibsadaan.

“Dadka deegaanka maalintii oo dhan labo jiirigaan ayaa la dhaansadaa, oo lagu qadaa. Dadkaas maalintii labada jirgaan dhaansada ayaan anigana kasoo qaataa ku saddaxle I siiya iyo ku shan liitar I siiyo, ninba wixii awooddiisa uu I siiyo ayaan kasoo qaataa,” ayuu yiri.

Axmed oo xoolihiisa aysan iibgelin maaddaama aad u liitaan muuqaal ahaan ayaa sheegay in afartiisa carruurta ah iyo hooyadood uu ku biilo lacag $80 ah, taas oo uu bil kasta u soo diro walaalkiisa oo waardiye ka ah jaamacadda Muqdisho.

Ninkan iyo qoyskiisa waxay ka mid yihiin in ka badan kun qoys oo xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo ay biyo-yari ku haysato deegaanka Bohol-caruus tan iyo bishii Nofeember ee sanadkii 2020.

Dadka ku nool tuulada ay qoysaska u soo barakaceen ayaa u aroori jiray barkado ay roobabku biyo dhigi jireen, balse wax roob ah ma aysan helin xilli-roobaadkii gu’ga ee la soo dhaafay. Sidoo kale deyrtii si fiican ugama di’in, taas oo sababtay in barkadaha ay qallalaan.

Siyaad Faaqid oo ah aabbaha toddobo carruur ah wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in toddobaadki uu fuusto biyo ah kala baxo 15 doollar.

Ninkan oo tuulada Bohol-caruus ku haysta 40 ari ah iyo siddeed lo’ ah ayaa biyaha looga keenaa deegaanka Guraajo oo 25 km u jira, waxaana lagu soo gaarsiiyaa mooto saddex lugood ah.

‘‘Wabigii 50 km ayuu I noo jiraa, tabar aan baabuur ku qaadanno oo aan ku soo dhaansanno ma lihin. Ariga iyo lo’dana waan isku cama-caminnaa, labo ama saddex maalin kaddib ayaan biyo siinnaa,” ayuu yiri.

Siyaad ayaa tilmaamay in tan iyo bishii Nofeember oo uu billaabay in uu biyo iibsado uu suuqa geeyay 38 ari ah, kuwaas oo uu lacag yar ku soo iibshay si ay qoyskiisa u helaan raashin iyo biyo. Wuxuu xusay in markii ugu dambeysay uu suuqa geeyay toddobo neef bishii Luulyo saddexdeeda, waxaana isugeyn laga siiyay $140.

“Xaynta ariga ah iyo sacaha yar-yarka buu Ilaah igu irsaaqay. Iyaga unbaa lacag yar oo raqiis aan ku gadannaa, iyagaas baan ku nool nahay. Nin meel ka shaqeeyay oo dowlad kasoo shaqeeyay ma ihi, nin hay’ado ka shaqeeya ma ihi,” ayuu yiri Siyaad oo ka welwelsan in xoolaha uu hataan reerka ka maareeyo ay ka dhamaadaan sida uu u gadaayo ka hor inta uusan xaalku isbeddelin.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta tuulada, labo boqol iyo labaatan qoys oo ku noolaa tuulada iyo miyigeeda ayaa bishii Maarso ee sanadkan u hayaamay dhanka magaalooyinka Doolow-baay iyo Baarrey si ay biyo u helaan.

Cawaale Xasan Cabdullaahi oo ah madaxa arrimaha bulshada ee tuuladan oo ka tirsan gobolka Afdheer ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay jiraan qoysas badan oo biyo-la’aan awgeed uga hayaamay duunyadoodii.

Previous Post

‘Waa-la-xirayaada’ xeryaha Dhadhaab oo saameysay muruqmaalka markii ay qaxootigu joojiyeen dayactirka iyo dhismaha guryaha

Next Post

Haweeneyda keliya ee bajaaj ku dhex wadda Beledweyne oo la kulanta caqabado

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Women, Business, Taxi

Haweeneyda keliya ee bajaaj ku dhex wadda Beledweyne oo la kulanta caqabado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo