(ERGO) – Dadka ka shaqeysta dhismaha ayay qoysaskoodu cunto-yari ku haysataa xeryaha qaxootiga Dhadhaab, maaddaama ay dadku joojiyeen dayactirka iyo dhismeyaasha guryaha tan iyo markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inay xireyso xeryaha bisha Juun ee sanadka 2022. Waxaa taas u dheer in raashinka gargaarka ee la siiyo labadii bilba mar uusan gaarsiin karin raashinka xiga.
Bashiir Maxamed Abuukar oo ah 45-jir waxaa uu ka mid yahay dadka nolol-maalmeedka qoysaskooda uu ciriiriga galay sababahaas dartood. Wuxuu qoyskiisa oo ka kooban 22 carruur iyo afar xaas ka biili jiray shaqada dhismaha iyo dayactirka guryaha. Balse labadii bil ee la soo dhaafay wax shaqo ah ma uusan qaban. Nolosha qoyskiisa ayuu isbeddel weyn ku yimid sida uu sharraxayo.
“Hal jeer ayaa hadda carruurta wax loo kariyaa, balse markii hore saddex jeer ayaa wax la cuni jiray, hadda duhurkii uun baa la isu yimaadaa. Marka rajadu way xun tahay, aad iyo aad ayay u xun tahay,” ayuu yiri.
“Shacabkii loo shaqeynayay isaga laftiisa rajo-xumo ayaa haysa, guryahoodii dumay ayay iska hoos fadhiyaan.”
Bashiir oo horjooge u ah 10 qof oo ay guryaha isla dhisaan ayaa sheegay in markii uu shaqeynayay uu xaasaskiisa biil ahaan u siin jiray middiiba 500 oo shillinka Kenya ah ($4.5) maalintii. Lacagtaan ayaa ka soo gali jirtay shaqada dhismaha guryaha.
Aabbahaan oo hadda guri joog iska noqday ayaa sheegay in culeyska soo food-saaray uu xitaa saameeyay waxbarashada carruurtiisa.
Wuxuu xusay in macallinka carruurtiisa u dhiga Qur’aanka iyo mid maaddooyin dheeraad ah guriga ugu dhigayay ay ku yeesheen lacagta bisha, taas oo uusan awoodin in uu iska bixiyo.
“Inta hadda la igu leeyahay waa 8,500 oo shillinka Kenya ah [$77.49], mana bixin karo oo hadda maanta ayaan isu tagnay aniga iyo macallinkii. Waxaan ku dhahay ‘ninyahow anigu nin fuundi ah baa iska ahaa, haddaba sidaa bay xaaladdu tahay, dibaddana na looma jiro meeshan baan iska qaraabanaynay, meeshiina dee saan bay noqotey bal dee talo keen’,” ayuu yiri.
Hay’adda Cunnada ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab u qeybisa qoondo raashin ah labadii bilba mar. Qofkiiba waxaa la siiyaa 7 kiilo oo moordi ama bariis ah, 2 kiilo oo misir ah, 2 kiilo oo saliid ah iyo 2 xabbo oo sabuunta dharka lagu dhaqdo ah.
Maxamed Cabdullaahi Arbow oo ah aabbaha toddobo carruur ah oo ku nool xeryaha qaxootiga wuxuu isaguna reerkiisa ka maareyn jiray shaqada dhismaha guryaha.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in raashinka labadii bilba mar la siiyo qoyskiisa ay karsadaan muddo bil ka yar. Taas ayuu xusay inay markii horeba ku khasbeysay shaqada dhismaha si dhaqaalaha ka soo gala uu uga dhigto kabniin.
“Xaaladdii oo dhan waa isku cakiran tahay. Waan rafaadnay, wareer! Wax UN hadda, degdeg dad ay u qaadeyso ah ma jirto oo labo bil iyo saddex bil baa dadka lagu qaadi doonaa baa nala dhahay. Soomaaliduna iyada ayaa isku dhex nooleed markii horeba,” ayuu yiri.
Maxamed wuxuu sheegay in 14 sano oo uu ka shaqeynayay dhismaha guryaha ay tahay markii ugu horreysay oo uu soo food-saaray culays intaan la eg oo shaqo-la’aan ah, taas oo ku riixday inuu gacanta u hoorsado ehel kore oo ku nool dibadaha.
Wuxuu xusey inuu aad uga welwelsan yahay sida ay noqon doonto xaaladda qoyskiisa haddii ay sii socoto hubaal-la’aanta ku aadan inta ay sii jiri doonaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay dowladda Kenya dhowr jeer ku celcelisay in ay xiri doonto.
Bishaar Xuseen Calas oo ah guddoomiyaha guud ee xerada qaxootiga Xagardheer ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu maqlay in dowladda Kenya iyo hay’adda UNHCR ay ka wadahadalayaan arrimaha qaxootiga. Wuxuu ku booriyay dadka qaxootiga ah inay noloshadooda si caadi ah isaga wataan.










