Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Beledweyne oo laga caawiyay inay dhistaan guryo cariish ah

Radio Ergo by Radio Ergo
October 15, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Houses in Somalia

Kaydka sawirada/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cadar Axmed Macoow oo ah 72 jir muddo sanado ah ku nool xerada barakaca Shareeco ee magaalada Beledweyne kuma aysan fikirin inay ku noolaan doonto guri cariish ah oo ay iyadu leedahay.

Waxay kowdii bishan Oktoober ka mid ahayd 25 haween ah oo lagu wareejiyay guryo cariish ah oo laga dhisay xerada Shareeco. Guryaha waxaa lagu dhisay lacag ay iska ururiyeen dadka ku nool xerada.

“Weligey isma laheyn gurigan ayaad heli. Waan ku faraxsanahay. Inaan iskaashato isku qorno ayay noqotay. Mid walba gaar wuu u dhisan waayay laakiin inaan mid walba u dhisno ayay noqotay,” ayay tiri.

Boqolka qoys ee ku nool xerada Shareeco ayaa ku dhaqaaqay qorshe ay isaga uruurinayaan maalin walba oo jimco ah $3, taasi oo ay soo billaabeen bishii Abriil ee sanadkaan. Arrintaan ayay sheegeen in ay ku dhalatay markii ay dabeylo ka dumiyeen aqalladooda oo cooshado ahaa bishii koowaad ee sanadkan. Bishii Agoosto ee sanadkaan ayay bilaabeen dhisida guryaha cariishka ah.

Dhulka ay qoysaskan barakaca ah ka dhisteen guryaha ayaa ah dhul lagu sadaqeystay.

“Alxamdullaahi mid alaabta aan gashanno aan ugu imaaneyno ayaan sameysannay. Asal waxa uu ahaa dabeyl, rafaad, dan-darro. Meel aan dab ku shito ma lahayn ciid ayaa indhaha iga galeysay. Hadda waa meel daboolan,” ayay tiri Cadar, oo korisa afar gabdhood oo rajo ah oo ay ayeeyo u tahay.

Cadar ayaa ku soo biirtay xeradaan kaddib markii 50 neef oo ari ah oo ay ku dhaqaneysay deegaanka Buq-aqable ay ku wayday abaartii 2015-2016-kii.

Waxay nolosha qoyska ku maareysaa khudaar aan badneyn oo ay ku iibiso suuqa Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne. Khudaarta ayay sheegtay in ay deyn ku soo qaadato subaxa hore, galabkii marka laga iibsadana ay lacagteeda dib u celiso.

Dhaqaalaha ay ka hesho khudaarta ayay tilmaantay in qeyb ay reerka ku biisho, qeybta kalena ay ku bixiso qaaraanka guryaha lagu dhisayo.

Cadar ayaa bil walba ka bixiso $25 gabdhaha ay koriso oo labo ka tirsan ay dhigtaan iskuul deegaanka ku yaalla halka labada kale ay dhigtaan dugsi.

Cadar ayaa xustay inay ku faraxsan tahay in guriga cariishka ah ay hesho roobka deyrta ah ka hor.

Qamar Daahir Guuleed oo ah 58 jir ku shaqeysata iibinta dharka dumarka ee ‘ha-i-wareerinta’ loo yaqaan ayaa sidoo kale ka mid ah dadka guryaha helay.        Waxay maalintii shaqeysaa $5 ilaa iyo $8. Waxay ka timid magaalada Qallaafe ee Dowlad-deegaanka Soomaalida si ay carruurta ula koriso wiilkeeda oo ku nool xerada Shareeco, kaas oo ku shaqeeya muruq-maal.

Qamar ayaa labo ka tirsan carruurta wiilkeeda ka bixisa lacagta waxbarashada, taasi oo ay awoodi weysay saddexdii bil ee u dambeysay, maaddaama ay bixineysay lacagta dhismaha guriga.

Cabdullahi Xasan Cabdi oo ah ninka ugu deeqay dhulka dadkaan barakaca ah ayaa uga soo deymiya dukaamada magaalada qalabka guryahaan lagu dhisayo, maaddaama dadka barakaca ah aan la siineyn deyn. Lacagta deynta ayuu bixiyaa dhaqaalaha ay dadkan isku keenaan Jimco kasta.

“Qof kasto inta ku qoran iyo inta lagu leeyahay aniga ayaa haya. Bil walba waxaan helno ayaan dukaanka geynaa waana kasoo qaadannaa wixii aan u baahannahay. Bishii la soo dhaafay $180 oo xerada laga uruuriyay ayaan u geynay,” ayuu yiri.

Toban guri oo kale ayaa hadda u qabyo ah qoysaskan sida uu sheegay Cabdullaahi. Ka hor inta uusan roobka imaan ayaa la qorsheynayaa in la soo gabagabeeyo.

Previous Post

Raashinka mar kale la dhimay ee xeryaha Dhadhaab oo sii adkeeyay xaaladda qaxootiga

Next Post

Haweenka ku barakacay Luuq oo gargaarkii ay heli jireen uu saameeyay Koofid-19 oo ku biiraya ganacsiga seyladda

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Somalia news, Somali latest news, Somali live news

Haweenka ku barakacay Luuq oo gargaarkii ay heli jireen uu saameeyay Koofid-19 oo ku biiraya ganacsiga seyladda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo