Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Haweenka ku barakacay Luuq oo gargaarkii ay heli jireen uu saameeyay Koofid-19 oo ku biiraya ganacsiga seyladda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali latest news, Somali live news

Haweenka barakaca ku ah Luuq oo ku biiray shaqada gaadleyda si ay carruurtooda nolol-maalmeed ugu helaan/Maxamuud Cabdirashiid/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saaqo Cali Ibraahim waxay culeys weyn ku qabtay helidda nolol-maalmeedka reerkeeda kaddib markii ay hay’adaha gargaarka joojiyeen raashinkii ay ku taageeri jireen qoysaska barakaca ku ah magaalada Luuq. Waxay isku howshay inay ku biirto shaqada gaadleyda oo ay inta badan qabtaan ragga iyo dumarka deegaanka ah si ay carruurteeda ugu hesho cunto.

Waxay ganacsigeeda ku billowday hal neef oo ari ah oo ay ku soo iibsatay lacag ay deymiyeen qaraabadeeda bishii Abriil ee sanadkaan. Lacagta deynta ayay iska caddeysay markii ay neefka iibisay.

“Qofkii iska fadhiya wax ma helo sow ma ahan? Haddii aad oroddo waad iska biyeysani. Hadda roorkeenna ayaan ku nool nahay oo isaga biyo-biyeysannaa,” ayay tiri.

Tobaneeyo haween barakac ah oo ku nool magaalada Luuq ayaa sidoo kale ku biiray shaqada gaadleyda. Haweenkaan ayaa ku tiirsanaa gargaar raashiin ah oo ay ka heli jireen hay’adaha World Vision iyo Trócaire oo u soo marin jiray hay’adda maxalliga ah ee Somali Humanitarian Relief Action (SHRA). Hay’adaha ayaa joojiyay gargaarkooda sanadkii 2020-kii, saameyn la xiriirta xayiraadda COVID-19 awgeed.

Saaqo oo ah hooyada lix carruur ah ayaa sheegtay inay ku qasbanaatay in carruurteeda ay nolol-maalmeedkooda u raadiso maaddaama seygeeda oo waayeel ah uusan shaqeyn karin.

Waxay sheegtay in maalinkii ay hesho lacag u dhaxeysa 40,000 ilaa 70,000 oo shillin Soomaali ah ($1.48 – $2.5) taas oo u fududeysay inay carruurteeda dabka u shiddo labo waqti.

Shaqada gaadleyda ee ay haweenkan qabtaan waa in neefka ay ka iibsadaan reer miyiga isla marka ay suuqa soo galaan, kaddibna ay faa’iido saartaan, kana sii iibiyaan macaamiisha seyladda ku xiran.

“Ariga gawaarida lagu keeno ayaan gadannaa. Ariga markaan gadanno geed ayaa la isaga xiraa, afartankoo ayaad saaran ama labaatan. Neefka hadduu bixi waayo ciddaan geeyaa oo maalinta xigta ayaan soo celiyaa,” ayay tiri.

Saaqo oo ku nool xerada barakaca Kulmiye oo 2 km u jirta Luuq, waxay subax walba lug ku aaddaa seyladda xoolaha. Waxay sheegtay inay ku qaadato muddo hal saac ka badan si ay u gaarto seyladda.

Waxay tilmaantay in shaqada la qabsigeeda aysan wax dhib ah ka marin, maaddaama ay xoolo ku dhaqan jirtay baaddiyaha maagalada Dheeka ee dowlad-deegaanka Soomaalida. Waxay ka soo barakacday dagaalka Oromada iyo Soomaalida.

Dhaqdhaqaaqa wax kala iibsiga ee seyladda Luuq ayuu labadii bil ee u dambeysay hoos-u-dhac ku yimid maaddaama biyo-yarida iyo abaarta ka jirta degmada ay aad u saameysay xoolaha.

Si ay suuqa ugu sii jirto, Saaqo ayaa ka deynsatay 1.4 milyan oo shilin Soomaali ah ($51.8) Dubbad Xasan oo seyladda ka ah dallaal muddo todobbo sano ah. Dubbad wuxuu deyn ay wadarteedu tahay 7,573,500 oo Soomaali shillin deymiyay afar haween ah oo ay ku jirto Saaqo si ay suuqa ugu sii jiraan oo aysan uga bixin dhaqaalo-yarida awgeeda.

Mid ka mid ah afarta haweenka ah ayuu xusay inay u soo celisay 1,620,000 ($60) oo ay ka deynsatay, halka saddexda kale uu wali ka sugayo.

“Haweenkan waxay isugu jiraan dad masaakiin ah oo aanan wax dhaqaalo ah haysan, shaqooyinkii baa ka istaagay, kaddib suuqa xoolaha ayay noogu yimaadeen si ay shaqo u helaan. Waan soo dhoweynay dhaqaalaan ku taageernay sida gabadha aad i weydiinaysid oo kale. Lacagihii aan siiyay waqti xaddidan uma aanan qaban maaddaama ay suuqa ku jiraan oo wali ay sii shaqeynayaan,” ayuu yiri.

Xaliimo Cali oo sidoo kale ah haweenay barakac ah oo ku biirtay shaqada gaadleyda ayaa tilmaantay in maalinkii ay la wareegto saddex neef oo ari ah, kuwaas oo ay dib u iibiso iyada oo saarata hal doollar oo fa’ido ah halkii neef. Waxay hadda dabka u shiddaa carruurteeda labo waqti maalinkii.

Sidoo kale waxay afar ka tirsan carruurteeda ku dartay dugsi Quraan, iyadoo ka bixisa bishii $16.

“Gargaarkii aan ayaantii hore heleynay markii uu naga go’ay, culeys ayaa nasoo food saaray. Waxaa waxyaabo badan naga beddelay shaqadan aan hadda wadno. Wax karsiga dadka xeryaha nagula nool waan kaga beddelannahay,” ayay tiri.

Xaliimo oo ay carruurteeda yihiin agoomo ayaa sheegtay in shaqadaan iska joojin doonto haddii uu raashinka gargaarka ah dib u billowdo maaddaama aysan haysan qof ay carruurteeda uga tagto.

“Hadda waad dareemi kartaa suuqa aan ku jiro carruurta inay ku rafaadsan yihiin. Carruur kale ayay la dagaalaan, ama iyaga ay dhibaato gaarsiiyaan ama iyaga dhibaato ay ka soo gaarto. Daruufta ayaa igu kallifeysa inaan suuqa ku jiro,” ayay tiri.

Previous Post

Qoysas ku barakacay Beledweyne oo laga caawiyay inay dhistaan guryo cariish ah

Next Post

Nin beeraley ah oo agab uu isku keenay ka sameystay cagaf uu beerta ku fasho

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somali News, Somalia News, Radio Ergo News

Nin beeraley ah oo agab uu isku keenay ka sameystay cagaf uu beerta ku fasho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo