(ERGO) – Saaqo Cali Ibraahim waxay culeys weyn ku qabtay helidda nolol-maalmeedka reerkeeda kaddib markii ay hay’adaha gargaarka joojiyeen raashinkii ay ku taageeri jireen qoysaska barakaca ku ah magaalada Luuq. Waxay isku howshay inay ku biirto shaqada gaadleyda oo ay inta badan qabtaan ragga iyo dumarka deegaanka ah si ay carruurteeda ugu hesho cunto.
Waxay ganacsigeeda ku billowday hal neef oo ari ah oo ay ku soo iibsatay lacag ay deymiyeen qaraabadeeda bishii Abriil ee sanadkaan. Lacagta deynta ayay iska caddeysay markii ay neefka iibisay.
“Qofkii iska fadhiya wax ma helo sow ma ahan? Haddii aad oroddo waad iska biyeysani. Hadda roorkeenna ayaan ku nool nahay oo isaga biyo-biyeysannaa,” ayay tiri.
Tobaneeyo haween barakac ah oo ku nool magaalada Luuq ayaa sidoo kale ku biiray shaqada gaadleyda. Haweenkaan ayaa ku tiirsanaa gargaar raashiin ah oo ay ka heli jireen hay’adaha World Vision iyo Trócaire oo u soo marin jiray hay’adda maxalliga ah ee Somali Humanitarian Relief Action (SHRA). Hay’adaha ayaa joojiyay gargaarkooda sanadkii 2020-kii, saameyn la xiriirta xayiraadda COVID-19 awgeed.
Saaqo oo ah hooyada lix carruur ah ayaa sheegtay inay ku qasbanaatay in carruurteeda ay nolol-maalmeedkooda u raadiso maaddaama seygeeda oo waayeel ah uusan shaqeyn karin.
Waxay sheegtay in maalinkii ay hesho lacag u dhaxeysa 40,000 ilaa 70,000 oo shillin Soomaali ah ($1.48 – $2.5) taas oo u fududeysay inay carruurteeda dabka u shiddo labo waqti.
Shaqada gaadleyda ee ay haweenkan qabtaan waa in neefka ay ka iibsadaan reer miyiga isla marka ay suuqa soo galaan, kaddibna ay faa’iido saartaan, kana sii iibiyaan macaamiisha seyladda ku xiran.
“Ariga gawaarida lagu keeno ayaan gadannaa. Ariga markaan gadanno geed ayaa la isaga xiraa, afartankoo ayaad saaran ama labaatan. Neefka hadduu bixi waayo ciddaan geeyaa oo maalinta xigta ayaan soo celiyaa,” ayay tiri.
Saaqo oo ku nool xerada barakaca Kulmiye oo 2 km u jirta Luuq, waxay subax walba lug ku aaddaa seyladda xoolaha. Waxay sheegtay inay ku qaadato muddo hal saac ka badan si ay u gaarto seyladda.
Waxay tilmaantay in shaqada la qabsigeeda aysan wax dhib ah ka marin, maaddaama ay xoolo ku dhaqan jirtay baaddiyaha maagalada Dheeka ee dowlad-deegaanka Soomaalida. Waxay ka soo barakacday dagaalka Oromada iyo Soomaalida.
Dhaqdhaqaaqa wax kala iibsiga ee seyladda Luuq ayuu labadii bil ee u dambeysay hoos-u-dhac ku yimid maaddaama biyo-yarida iyo abaarta ka jirta degmada ay aad u saameysay xoolaha.
Si ay suuqa ugu sii jirto, Saaqo ayaa ka deynsatay 1.4 milyan oo shilin Soomaali ah ($51.8) Dubbad Xasan oo seyladda ka ah dallaal muddo todobbo sano ah. Dubbad wuxuu deyn ay wadarteedu tahay 7,573,500 oo Soomaali shillin deymiyay afar haween ah oo ay ku jirto Saaqo si ay suuqa ugu sii jiraan oo aysan uga bixin dhaqaalo-yarida awgeeda.
Mid ka mid ah afarta haweenka ah ayuu xusay inay u soo celisay 1,620,000 ($60) oo ay ka deynsatay, halka saddexda kale uu wali ka sugayo.
“Haweenkan waxay isugu jiraan dad masaakiin ah oo aanan wax dhaqaalo ah haysan, shaqooyinkii baa ka istaagay, kaddib suuqa xoolaha ayay noogu yimaadeen si ay shaqo u helaan. Waan soo dhoweynay dhaqaalaan ku taageernay sida gabadha aad i weydiinaysid oo kale. Lacagihii aan siiyay waqti xaddidan uma aanan qaban maaddaama ay suuqa ku jiraan oo wali ay sii shaqeynayaan,” ayuu yiri.
Xaliimo Cali oo sidoo kale ah haweenay barakac ah oo ku biirtay shaqada gaadleyda ayaa tilmaantay in maalinkii ay la wareegto saddex neef oo ari ah, kuwaas oo ay dib u iibiso iyada oo saarata hal doollar oo fa’ido ah halkii neef. Waxay hadda dabka u shiddaa carruurteeda labo waqti maalinkii.
Sidoo kale waxay afar ka tirsan carruurteeda ku dartay dugsi Quraan, iyadoo ka bixisa bishii $16.
“Gargaarkii aan ayaantii hore heleynay markii uu naga go’ay, culeys ayaa nasoo food saaray. Waxaa waxyaabo badan naga beddelay shaqadan aan hadda wadno. Wax karsiga dadka xeryaha nagula nool waan kaga beddelannahay,” ayay tiri.
Xaliimo oo ay carruurteeda yihiin agoomo ayaa sheegtay in shaqadaan iska joojin doonto haddii uu raashinka gargaarka ah dib u billowdo maaddaama aysan haysan qof ay carruurteeda uga tagto.
“Hadda waad dareemi kartaa suuqa aan ku jiro carruurta inay ku rafaadsan yihiin. Carruur kale ayay la dagaalaan, ama iyaga ay dhibaato gaarsiiyaan ama iyaga dhibaato ay ka soo gaarto. Daruufta ayaa igu kallifeysa inaan suuqa ku jiro,” ayay tiri.










