Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nin beeraley ah oo agab uu isku keenay ka sameystay cagaf uu beerta ku fasho

Radio Ergo by Radio Ergo
October 22, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somali News, Somalia News, Radio Ergo News

Xasan Cali Caddow oo saaran cagafta uu farsameeyay/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

7
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Cali Caddow oo ah makaanik ku nool magaalada Jowhar wuxuu ku dhiirraday inuu sameeyo gaari cagaf-cagaf macmal ah. Wuxuu ka sameeyay qalabka gaadiidka la soo isticmaalay iyo matoorka beeraha lagu waraabiyo.

Xasan oo 52 jir ah, oo sidoo kale ah beeraley ayaa sheegay in sababta uu u sameeyay cagafta ay tahay in uu ku fasho beertiisa uuna uga maarmo lacag badan oo uga bixi jirtay cagaf-cagaf kiro ah.

Waxay ku qaadatay sameynteeda muddo afar sano ah. Waxaa uga baxay kharash gaaraya $4,500, oo $2,000 ay tahay deyn weli lagu leeyahay oo uu ka soo qaatay dad ehelkiisa ah.

“Sida caadada ah 900,000 oo shillin Soomaali ah ayaan cagaf-cagaf ku soo kireysan jiray saddexdii saacadood. Sidoo kale 350,000 oo shillin Soomaali ah ayaan maalin walba inta aan beerta faleyno siin jiray saddex qof oo falidda iga caawisa,” ayuu yiri.

Cagaf-cagafta Xasan ayaa awood u leh inay isku qabato dhowr shaqo iyadoo ku shaqeyneysa shidaal yar. Shaqooyinkaas waxay isugu jiraan fallidda beerta, carro-gediska iyo abuurka.

“Waxay wadataa yaambooyin ay dhulka ku faleyso, iyo qalabka carro-gediska. Marka ay carro-gediska dhameyso, waa laga furaa oo waxaa loo xiraa abuur. Haddii ay abuurka dhameyso waxaa loo xiraa kawaaw,” ayuu yiri.

“Waxay wadataa labo baaldi oo galley loogu shubayo, halkaa ayay abuurka ka firdhineysaa.”

Xasan wuxuu sheegay in cagaf-cagafta uu ku tijaabiyay beer hal hektar ah oo uu leeyahay saaxibkiis uuna ku guuleystay beeristeeda, sidoo kalena uu ku beeray beertiisa.

Wuxuu hadda qorsheynayaa inuu ku beero beer afar hektar ah oo ay qoyskiisa ku leeyihiin baaddiyaha Jowhar, maaddaama uu roobka Deyrta ka da’ayo gobolka Shabeelaha dhexe.

Ninkaan ayaa sheegay in uu ku fikirayo in cagaf-cagafta uu ku kireeyo 280,000 oo shillin Soomaali ah ($11) saacadii si uu kharashka uga yareeyo beeraleyda deegaanka. Cagafta caadiga ah waxay beeraleyda ka qaadataa 300,000 oo shilin saacaddii.

Xasan oo ah aabbaha 13 carruur ah wuxuu Jowhar ku leeyahay garaash yar oo ay kala shaqeeyaan walaalkiis iyo curadkiisa. Wuxuu xusay in isaga uu labadaba u tababaray shaqada. Wuxuu farsameeyaa makiinadaha waaweyn sida kuwa galleyda lagu shiido. Wuxuu mekaanikannimada ka shaqeynayaa muddo 40 sano ah.

Previous Post

Haweenka ku barakacay Luuq oo gargaarkii ay heli jireen uu saameeyay Koofid-19 oo ku biiraya ganacsiga seyladda

Next Post

Dugsi sare oo bilaash ah oo gabdhaha xerada Xagardheer u sahlay inay waxbarashada ku noqdaan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Somalia news, Somali news, Somali live news

Dugsi sare oo bilaash ah oo gabdhaha xerada Xagardheer u sahlay inay waxbarashada ku noqdaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo