(ERGO) – Fartuun Maxamuud Maxamed waxaa u suurtagashay inay dib u billowdo waxbarashadeeda dugsiga sare bishii Abriil ee sanadkaan kaddib markii iskuul lacag-la’aan ah laga hirgeliyay xerada qaxootiga ee Xagardheer.
Waxay sanadkii 2019-kii ka baxday dugsiga dhexe ee Upendo. Balse ma aysan u suurtagalin inay waxbarashadeeda sii wadato maaddaama dugsiyada sare ee lacag-la’aanta lagu dhigto ay ka fog yihiin xerada ay ku nooshahay.
Fatuun oo 19 jir ah, waxay waalidkeed oo danyar ah u awoodi waayeen inay ka bixiyaan lacagta bisha ee iskuullada u dhow oo aan bilaash ahayn.
Balse waxay hadda ka mid tahay 73 gabdho ah oo ku nool xerada Xagardheer, kuwaasi oo wax ka barta iskuulka sare ee Northern Cambridge oo si lacag-la’aan ah wax ku bara ardayda gabdhaha ah ee ku nool xerada.
“Iskuulkan waxaa uu soo celiyay rajadeydii waxbarasho, waayo waxaan helay iskuul free [lacag la’aan] ah iyo buugaag free ah. Anigu uniform-ka (dharka iskuulka) keliya ayaan soo gatay,” ayay tiri.
Gabdho badan oo ku nool xerada Xagardheer ayaa waxbarashada ka hara marka ay dugsiga dhexe soo dhameeyaan maaddaama aysan waalidiintooda awoodin lacagta bisha ee iskuullada xerada u dhow.
Iskuulka Northern Cambridge waxaa hirgelisay ururka Help Dhadhaab bishii Abriil ee sanadkaan si wax looga qabto gabdhaha iskuulka uga haraya dugsiga sare, dhaqaalo-xumo awgeed.
Xerada qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku yaalla 13 iskuul, balse labo keliya oo ay hay’adaha gargaarka gacanta ku hayaan ayaa lacag-la’aan ah. Labadaba way ka fog yihiin xerada Xagardheer.
Fartuun waxay tilmaantay inay meelaha ka maaqashay in iskuul cusub oo lacag-la’aan ah laga furay xerada, sidaana ay isku diiwaangelisay. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in riyadeedu ay tahay inay keento natiijo aad u sarreysa imtixaanka kama dambeysta ah ee dugsiga sare, taasi oo sida ay xustay u sahli doonta inay ka mid noqoto ardayda qaxootiga ah ee jaamacadaha dibadda loo qaado.
Raxma Aadan Cismaan oo ka mid ah hooyooyinka ku nool xerada ayaa ku faraxsan inay iskuulkaan ka diiwaangelisay gabadheeda oo 18 jir ah bishii Juun.
Haweeneydaan ayaa sheegtay in weligeedba ay rajeyneysay inay mar un aragto gabadheeda oo waxbarashadeeda dib u billowday. Balse waxay awoodi weysay lacagta iskuullada xerada u dhow lagu dhigto oo ah 4,000 – 4,500 oo shilinka Kenya ah.
“Annagu waxaan deggenahay xaafado dhexe, kaa suuqa ku yaallana saa’id ayuu nooga fog yahay oo cabsidiisuu iska leeyahay oo waddadii haddii uusan qof kula socon dhibkiisuu leeyahayba. Laakiin wiilashu waa aadi karaan oo waa wiilal, wayna iska adkeysan karaan, laakiin gabadh waa ku adag tahay sidaa darteed ayaan gabadheyda uga reebay. Kan markii la furay, dhowaanshihii iyo bilaashka sidaa ayaan ku keenay oo hadda ay ku dhigataa,” ayay tiri.
Cabdiraxmaan Faarax Barkhadle oo ah maamulaha iskuulka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iskuulkan loo hirgeliyay si gabdhaha loogu boorriyo inay waxbarashadooda dugsiga sare sii wataan. Iskuulkaan oo ay dhigtaan wiilal iyo gabdho ayaa wiilasha ka qaada lacag, halka gabdhaha ay ku dhigtaan lacag-la’aan.
Cabdiraxmaan wuxuu tilmaamay inay hiigsanayaan sidii ay iskuulka waxbarashadiisa uga dhigi lahaayeen mid ay tayadeedu fiican tahay oo aysan keliya noqon iskuul lacag-la’aan ah oo aan waxbarasho fiican lahayn.
Wuxuu xusay inay sanad-dugsiyeedka 2022-ka ay isu diyaarinayaan inay qaabilaan gabdho badan oo ka imaan doona dugsiyada dhexe ee xerada.
“Waxaa noo qorshaysan in aan iskuulka aad u sii ballaarino oo aan cid walba oo fursadda inay ka faa’iideysato diyaar u ah aan soo dhoweyno,” ayuu yiri.
Iskuulkaan ayaa ah midkii ugu horreyay ee ay gabdhuhu bilaash ku dhigtaan ee laga furo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.