Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dugsi sare oo bilaash ah oo gabdhaha xerada Xagardheer u sahlay inay waxbarashada ku noqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
October 25, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Somali news, Somali live news

Gabdhaha qaxootiga ah ee ka haray dugsiyada sare oo dib u helay fursad ay waxbarashadooda ku sii wadan karaan/Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

5
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fartuun Maxamuud Maxamed waxaa u suurtagashay inay dib u billowdo waxbarashadeeda dugsiga sare bishii Abriil ee sanadkaan kaddib markii iskuul lacag-la’aan ah laga hirgeliyay xerada qaxootiga ee Xagardheer.

Waxay sanadkii 2019-kii ka baxday dugsiga dhexe ee Upendo. Balse ma aysan u suurtagalin inay waxbarashadeeda sii wadato maaddaama dugsiyada sare ee lacag-la’aanta lagu dhigto ay ka fog yihiin xerada ay ku nooshahay.

Fatuun oo 19 jir ah, waxay waalidkeed oo danyar ah u awoodi waayeen inay ka bixiyaan lacagta bisha ee iskuullada u dhow oo aan bilaash ahayn.

Balse waxay hadda ka mid tahay 73 gabdho ah oo ku nool xerada Xagardheer, kuwaasi oo wax ka barta iskuulka sare ee Northern Cambridge oo si lacag-la’aan ah wax ku bara ardayda gabdhaha ah ee ku nool xerada.

“Iskuulkan waxaa uu soo celiyay rajadeydii waxbarasho, waayo waxaan helay iskuul free [lacag la’aan] ah iyo buugaag free ah. Anigu uniform-ka (dharka iskuulka) keliya ayaan soo gatay,” ayay tiri.

Gabdho badan oo ku nool xerada Xagardheer ayaa waxbarashada ka hara marka ay dugsiga dhexe soo dhameeyaan maaddaama aysan waalidiintooda awoodin lacagta bisha ee iskuullada xerada u dhow.

Iskuulka Northern Cambridge waxaa hirgelisay ururka Help Dhadhaab bishii Abriil ee sanadkaan si wax looga qabto gabdhaha iskuulka uga haraya dugsiga sare, dhaqaalo-xumo awgeed.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku yaalla 13 iskuul, balse labo keliya oo ay hay’adaha gargaarka gacanta ku hayaan ayaa lacag-la’aan ah. Labadaba way ka fog yihiin xerada Xagardheer.

Fartuun waxay tilmaantay inay meelaha ka maaqashay in iskuul cusub oo lacag-la’aan ah laga furay xerada, sidaana ay isku diiwaangelisay. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in riyadeedu ay tahay inay keento natiijo aad u sarreysa imtixaanka kama dambeysta ah ee dugsiga sare, taasi oo sida ay xustay u sahli doonta inay ka mid noqoto ardayda qaxootiga ah ee jaamacadaha dibadda loo qaado.

Raxma Aadan Cismaan oo ka mid ah hooyooyinka ku nool xerada ayaa ku faraxsan inay iskuulkaan ka diiwaangelisay gabadheeda oo 18 jir ah bishii Juun.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in weligeedba ay rajeyneysay inay mar un aragto gabadheeda oo waxbarashadeeda dib u billowday. Balse waxay awoodi weysay lacagta iskuullada xerada u dhow lagu dhigto oo ah 4,000 – 4,500 oo shilinka Kenya ah.

“Annagu waxaan deggenahay xaafado dhexe, kaa suuqa ku yaallana saa’id ayuu nooga fog yahay oo cabsidiisuu iska leeyahay oo waddadii haddii uusan qof kula socon dhibkiisuu leeyahayba. Laakiin wiilashu waa aadi karaan oo waa wiilal, wayna iska adkeysan karaan, laakiin gabadh waa ku adag tahay sidaa darteed ayaan gabadheyda uga reebay. Kan markii la furay, dhowaanshihii iyo bilaashka sidaa ayaan ku keenay oo hadda ay ku dhigataa,” ayay tiri.

Cabdiraxmaan Faarax Barkhadle oo ah maamulaha iskuulka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in iskuulkan loo hirgeliyay si gabdhaha loogu boorriyo inay waxbarashadooda dugsiga sare sii wataan. Iskuulkaan oo ay dhigtaan wiilal iyo gabdho ayaa wiilasha ka qaada lacag, halka gabdhaha ay ku dhigtaan lacag-la’aan.

Cabdiraxmaan wuxuu tilmaamay inay hiigsanayaan sidii ay iskuulka waxbarashadiisa uga dhigi lahaayeen mid ay tayadeedu fiican tahay oo aysan keliya noqon iskuul lacag-la’aan ah oo aan waxbarasho fiican lahayn.

Wuxuu xusay inay sanad-dugsiyeedka 2022-ka ay isu diyaarinayaan inay qaabilaan gabdho badan oo ka imaan doona dugsiyada dhexe ee xerada.

“Waxaa noo qorshaysan in aan iskuulka aad u sii ballaarino oo aan cid walba oo fursadda inay ka faa’iideysato diyaar u ah aan soo dhoweyno,” ayuu yiri.

Iskuulkaan ayaa ah midkii ugu horreyay ee ay gabdhuhu bilaash ku dhigtaan ee laga furo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Previous Post

Nin beeraley ah oo agab uu isku keenay ka sameystay cagaf uu beerta ku fasho

Next Post

Abaarta gobolka Waqooyi-bari Kenya oo si daran u saameysay xoolo-dhaqatada

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news

Abaarta gobolka Waqooyi-bari Kenya oo si daran u saameysay xoolo-dhaqatada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo