Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Abaarta gobolka Waqooyi-bari Kenya oo si daran u saameysay xoolo-dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
October 29, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news

Keydka sawirrada/Ergo

2
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Barre Aadan Cabdulle wuxuu kala bar lo’diisa ku waayay daaq-la’aan iyo biyo-yari baahsan oo ka jirta tuulada Eyrib oo hoostagta degmada Wajeer. Siddeetan neef oo u hartay ayuu hadda ku quudiyaa raashin gelley u badan oo toddobaadkii ba mar uu siiyo. Raashinka ayuu deyn uga soo qaataa dukaamada deegaanka.

“Boosho [gelley] waxaan ugu soo gadannaan hayninba, waxaan booyad ugu keeno iska dhaafee. Haddii aad dareerisid waxay duurka ka soo cunayaan ma lahan bas xeradaas uun baad wax ku siini. Xoolaha mid suuq leh kuma jiraan,” ayuu yiri.

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in abaarta ay tahay musiibo qaran 8-dii Sebtembar. Barre waxaa ka dhimatay Toddobaatan lo’ ah afartii bil ee la soo dhaafay.

Lo’da u hartay oo liidata waxay u aroori waysay ceel-biyoodka deegaanka Eyrib oo qiyaastii 18 km u jira miyiga uu deggen yahay. Wuxuu xusay in toban fuusto (2,000 litir) oo biyo ah uu horraantii Oktoobar dayn ku shubtay ay hadda gabaabsi ka sii tahay. Wuxuu ka cabsi qabaa in biyo iyo raashin-la’aan ay ku dhacdo maaddaama uu qiyaasayo in booyadaha biyaha iibiya iyo dukaankii uu raashinka ka soo qaadan jiray oo $200 ku leh aysan deyn kale siin doonin ilaa uu bixiyo deyntii hore.

Barre oo 48 jir ah waxaa xerada uu ku xannaaneeyo xoolaha doonka ah ku weheliya wiil uu dhalay.

Qoyska intiisa kale waxay dulsaar ku noqdeen ehelkood oo deggen tuulada Eyrib oo 80 km u jirta degmada Wajeer. Wuxuu rajo-xumo ka muujiyay sii noolaashaha xoolihiisa.

Abaarta ka jirta waqooyiga dalka Kenya ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay Aadan Cabdow Cumar oo deegaanka Buur-dheer ee magaalada Wajeer ku dhaqanayay 75 neef oo lo’ ah. Waxaa tan iyo bishii Sebtember ee sanadkaan ka dhimatay 54 lo’ ah.

“Boosho la soo gaday ma ogiyee wax kale oo ay cunto ma leh. Afar biloodna waxaan ku waraabinayay gaari. Deynta la igu leeyahay igama baxeyso, waxaan ku bixiyana ma haayo, 376,800 ayaa la igu leeyahay oo lacagta Kenya ah ($3,456),” ayuu yiri.

Ka hor roob-yarida wax-soo-saarka lo’diisa ayuu ku dabbari jiray nolosha qoyskiisa oo ka kooban 10 carruur ah iyo hooyadood. Waxay ku tiirsan yihiin raashin ay hal waqti maalintii karsadaan, taasi oo uu Aadan ka soo deynsado dukaamada deegaanka.

“Maanta war ma iska carartaa ayaa talo ah, waayo xoolihii aan lacagta u soo deynsaday waa kuwaa oo wax la gado ma leh. Wiil iima shaqeynaynin, gabar iima shaqeynaynin, ummadda badideedna aniga oo kale waaye, keligay ma ahan,” ayuu yiri Aadan.

Dhaqaale-xumada soo food-saartay Aadan waxay sidoo kale saameysay waxbarashada gabadhiisa oo ku jirta sanadkeeda koowaad ee kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Kreston College ee Nayroobi.

Aadan ayaa saddexdii bil ee ugu horreysay ka bixiyay kharashka waxbarashada oo ah $1,250. Wuxuu tilmaamay in semester-kii labaad ay lacagta waxbarashada ka caawiyeen dadka ehelkiisa ah. Wuxuu ka walwalsan yahay in gabadhiisa ay waxbarashada ka joogsato maaddaama uusan weli bixinin laagta semester-ka socda.

Deegaannda ay abaartu ka jirto ayay qaar maamulladoodu billaabeen dedaallo loogu gurmanaayo dadka ay biyo-yarida iyo daaq la’aantu saameysay.

Guddoomiyaha tuulada Eyrib Ciise Bilow ayaa sheegay in masuuliyiinta ismaamulka Wajeer uu la wadaagay xogta xaaladaha ay wajahayaan reer-guuraaga iyo sida ay ugu baahan yihiin gurmad-cunno iyo mid biyo.

Wuxuu sheegay in ismaamulka Wajeer ay ka sugayaan dhaqaale ay ku caawiyaan dadka dhibaysan iyo booyado ay biyo dhaamin ugu sameeyaan.

Previous Post

Dugsi sare oo bilaash ah oo gabdhaha xerada Xagardheer u sahlay inay waxbarashada ku noqdaan

Next Post

Dhallinyaro online-ka loogu ururiyay lacag ay ganacsiyo ku abuurtaan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Somalia, latest Somalia news, Mogadishu live news, Radio Ergo News

Dhallinyaro online-ka loogu ururiyay lacag ay ganacsiyo ku abuurtaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo