(ERGO) – Barre Aadan Cabdulle wuxuu kala bar lo’diisa ku waayay daaq-la’aan iyo biyo-yari baahsan oo ka jirta tuulada Eyrib oo hoostagta degmada Wajeer. Siddeetan neef oo u hartay ayuu hadda ku quudiyaa raashin gelley u badan oo toddobaadkii ba mar uu siiyo. Raashinka ayuu deyn uga soo qaataa dukaamada deegaanka.
“Boosho [gelley] waxaan ugu soo gadannaan hayninba, waxaan booyad ugu keeno iska dhaafee. Haddii aad dareerisid waxay duurka ka soo cunayaan ma lahan bas xeradaas uun baad wax ku siini. Xoolaha mid suuq leh kuma jiraan,” ayuu yiri.
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in abaarta ay tahay musiibo qaran 8-dii Sebtembar. Barre waxaa ka dhimatay Toddobaatan lo’ ah afartii bil ee la soo dhaafay.
Lo’da u hartay oo liidata waxay u aroori waysay ceel-biyoodka deegaanka Eyrib oo qiyaastii 18 km u jira miyiga uu deggen yahay. Wuxuu xusay in toban fuusto (2,000 litir) oo biyo ah uu horraantii Oktoobar dayn ku shubtay ay hadda gabaabsi ka sii tahay. Wuxuu ka cabsi qabaa in biyo iyo raashin-la’aan ay ku dhacdo maaddaama uu qiyaasayo in booyadaha biyaha iibiya iyo dukaankii uu raashinka ka soo qaadan jiray oo $200 ku leh aysan deyn kale siin doonin ilaa uu bixiyo deyntii hore.
Barre oo 48 jir ah waxaa xerada uu ku xannaaneeyo xoolaha doonka ah ku weheliya wiil uu dhalay.
Qoyska intiisa kale waxay dulsaar ku noqdeen ehelkood oo deggen tuulada Eyrib oo 80 km u jirta degmada Wajeer. Wuxuu rajo-xumo ka muujiyay sii noolaashaha xoolihiisa.
Abaarta ka jirta waqooyiga dalka Kenya ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay Aadan Cabdow Cumar oo deegaanka Buur-dheer ee magaalada Wajeer ku dhaqanayay 75 neef oo lo’ ah. Waxaa tan iyo bishii Sebtember ee sanadkaan ka dhimatay 54 lo’ ah.
“Boosho la soo gaday ma ogiyee wax kale oo ay cunto ma leh. Afar biloodna waxaan ku waraabinayay gaari. Deynta la igu leeyahay igama baxeyso, waxaan ku bixiyana ma haayo, 376,800 ayaa la igu leeyahay oo lacagta Kenya ah ($3,456),” ayuu yiri.
Ka hor roob-yarida wax-soo-saarka lo’diisa ayuu ku dabbari jiray nolosha qoyskiisa oo ka kooban 10 carruur ah iyo hooyadood. Waxay ku tiirsan yihiin raashin ay hal waqti maalintii karsadaan, taasi oo uu Aadan ka soo deynsado dukaamada deegaanka.
“Maanta war ma iska carartaa ayaa talo ah, waayo xoolihii aan lacagta u soo deynsaday waa kuwaa oo wax la gado ma leh. Wiil iima shaqeynaynin, gabar iima shaqeynaynin, ummadda badideedna aniga oo kale waaye, keligay ma ahan,” ayuu yiri Aadan.
Dhaqaale-xumada soo food-saartay Aadan waxay sidoo kale saameysay waxbarashada gabadhiisa oo ku jirta sanadkeeda koowaad ee kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Kreston College ee Nayroobi.
Aadan ayaa saddexdii bil ee ugu horreysay ka bixiyay kharashka waxbarashada oo ah $1,250. Wuxuu tilmaamay in semester-kii labaad ay lacagta waxbarashada ka caawiyeen dadka ehelkiisa ah. Wuxuu ka walwalsan yahay in gabadhiisa ay waxbarashada ka joogsato maaddaama uusan weli bixinin laagta semester-ka socda.
Deegaannda ay abaartu ka jirto ayay qaar maamulladoodu billaabeen dedaallo loogu gurmanaayo dadka ay biyo-yarida iyo daaq la’aantu saameysay.
Guddoomiyaha tuulada Eyrib Ciise Bilow ayaa sheegay in masuuliyiinta ismaamulka Wajeer uu la wadaagay xogta xaaladaha ay wajahayaan reer-guuraaga iyo sida ay ugu baahan yihiin gurmad-cunno iyo mid biyo.
Wuxuu sheegay in ismaamulka Wajeer ay ka sugayaan dhaqaale ay ku caawiyaan dadka dhibaysan iyo booyado ay biyo dhaamin ugu sameeyaan.










