(ERGO) – Xamdi Jaamac Warsame waxaa u suurtagashay inay hirgeliso aragti ganacsi oo ka dhex guuxeysay muddo sanado ah kaddib markii ay lix bilood oo tababar lacag-la’aan ah ay ka heshay machadka hal-abuurka teknoolojiyada ee loo soo gaabiyo IITE. Waxay ka mid ahayd 35 dhallinyaro ah oo ka soo qalin-jebiyay jaamacadaha dalka oo uu machadku u tababaray hirgelinta iyo horumarinta fekradahooda ganacsi si ay u noqdaan shaqo-abuurayaal.
Xamdi, oo muddo lix sano ah shaqo-raadis ahayd, waxay ganacsigeeda Haqabtire Home Décor, oo ah qurxinta aqallada iyo qalabeynta xafiisyada, xarigga ka jartay 10-kii August 2021-kii.
“Adeegyada aan bixinno waxay isugu jiraan alaabo aan soo saarno oo aan waddanka gudihiisa ku farsameyno iyo kuwa aan dibadda ka keenno. Sidoo kale waxaan qabannaa adeegyada nashqadeynta guryaha iyo xafiisyada,” ayay tiri Xamdi oo ka soo qalin-jebisay kulliyadda xisaabta ee jaamacadda SIMAD 2014-kii.
Lacagta ay ku billowday ganacsiga waxay ka heshay bog internet oo lagu magacaabo ‘Kaal’, kaas oo uu machadku sameeyay si lacag-ururinta loogu sameeyo fikradaha ganacsi ee socon kara. Bogga ayaa lagu daabacaa aragtida ganacsi oo faahfahsan, taleefoonnadda iyo xisaabaadka banki ee lacagta loogu diri karo dadka leh fikirka. Muddo bil ah ayay socotaa lacag-arurinta. Aragtida Xamdi waxay soo arurisay lacag $7,000.
“Inaan maal-gelin u helno ganacsigeenna waxay na siineysaa dareen aad u wanaagsan, waayo qofka marka uu la yimaado fekrad ama aragti ganacsi taas oo uu u helo maal-gelin waxa uu dareemayaa inay noloshiisha iyo tan dadka ku xeeran ay wax badan iska beddeleen. Sidoo kale uu shaqaaleysiin u sameeyo ama uu horumarro u sameeyo bulshada Soomaaliyeed. Waxaan ku dhiirrinayaa dad badan oo ay aragtiyo ku jireen inay soo bandhigaan, si ay ugu guuleystaan sida qofka walaalkood oo kale,” ayay tiri Xamdi.
Xamdi waxaa ku wehelisa shaqada gabar ay qaraabo yihiin, waxayna alaabta ay soo saarto ku daabacdaa barteeda Facebook-ga, halkaasi oo ay macaamiisha kala soo xiriiraan.
Waxay lacagta ay heshay meel ka dhigatay $3,000, waxayna hadda ku rajo weyn tahay inay Muqdisho ka furato xarun loogu soo hagaagi karo bisha Nofeembar ee sanadkaan, markaasi oo uu dalabkeeda ugu horreeya uga imaan doono Dubai.
“Xaruntaas marka aan sameyno, waxaam sameyn doonaa shaqaaleysiin taas oo qeyb ka qaadan karta suuqa shaqada oo aad u yar. Waxaan xarunteenna ka shaqaaleysiin doonnaa dhallinyaro Soomaaliyeed, taas oo wax ka beddeli doonta noloshooda iyo mustaqbalkooda,” ayay tiri.
Maryama Maxamed Daleel oo ah dhaqtarad ka soo qalin-jebisay jaamacadda Banaadir ayaa sidoo kale ka mid ahayd dhallinyarada uu machadku tababaray. Waxay aragtideeda ganacsi u weecisay dhanka caafimaadka maskaxda. Waxay billowday adeeg loogu talagalay la-talinta dadka uu la soo gudboonaado walaaca iyo isla-hadalka (Som Healing and Mindful Service) si ay u buuxiso farqiga ka jira xarumaha caafimaadka maskaxda.
Waxay xustay inay jiraan dad qaba xunuunnadaas oo aan helin daryeel iyo la-talin ku aaddan baxnaanadooda.
“Fekraddan waxay igu dhalatay markaan arkay cilmi-baarista ay soo saartay WHO 2011-kii ee sheegaysa in Soomaaliya saddexdii qofba uu mid qabo xaaladaha maskaxda caafimaadka. Dadkeennu isma oga marka dad aad u badan ayaa qaba xanuunada maskaxda,” ayay tiri Maryama oo ka soo qalin-jebisay jaamacadda 2017.
Adeegyada ay qabato waxay u bixisaa hab online ah. Waxaa ilaa iyo hadda la soo xiriiray in ka badan 100 qof. Dadka danyarta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxay ugu adeegtaa si lacag-la’aan ah.
Waxaa loo ururiyay lacag dhan $858 si ay aragtideeda u hirgeliso.
“Lacagtan waxay iga caawin doontaa billowga waxyaabaha aan u baahanahay [sida] xayaysiimaha, xafiis yar iyo qalabyadii aan dadka ku baari lahayn. Inaan helo lacag aan ganacsiga ku billaabo wax fiican waaye. Waxay na siineysaa isku filnaasho, inaan horay u soconno, inaan wixii si wanaagsan u bilowno anagoo aan lacag ka fekereynin,” ayay tiri.
Maxamed Cukaash, madaxa curiska ee machadka hal-abuurka iyo teknolojiyada (IITE) oo u warramay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in ujeedka ay tababarka ka leeyihiin uu yahay inay dhallinyarada beddelkii ay shaqo-raadin lahaayeen iyaga loo shaqeeyo ama ay noqdaan kuwo xirfad sare leh oo aqoontooda loo baahan yahay.
“Dalkeenna bankiyadu shuruudo tiro badan ayay leeyihiin. Lacag badan ma bixiyaan oo qofka dhallinyarada ah ee hadda jaamacadda ka soo baxay ee raba inuu ganacsi yar abuuro waxaa ku adag inuu damiin helo, waxaa ku adag sidoo kale inay bankiyadu aaminaan,” ayuu yiri.
Maxamed ayaa aaminsan in tababarka uu machadku bixiyo uu yahay mid ka dhigaya dhallinyarada Soomaaliyeed kuwo isku filan oo shaqo-abuur sameysan kara intii ay shaqo sugi lahaayeen.