(ERGO) – “Dadka haddaan wareysanno, nin walba waxbaa ka soo maray mugdigii aan ku nooleen,” ayuu yiri Saleebaan Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Diri-maraa ee magaalada Ugaas Madow ee Somaliland oo dhowaan loo sameeyay nalalka jidka.
Sanadkii hore labo jeer ayuu waraabe jidka ku soo weeraray isagoo ku sii socda gurigiisa xilli uu ka soo baxay dukaan xaafaddiisa ku yaalla oo mugdi ah. Sanadkii 2018-kii, wuxuu isbitaalka u jiifay muddo labo bil ah qaniinyo uu mas ku dhuftay goor habeen ah.
“Waddo madow ayuu jiifay maska i qaniinay,” ayuu ku yiri Raadiyow Ergo. “Bahallada waxa ay noo soo raacayeen waxay ahayd madowga [mugdiga].”
Tuuladaan iyo shan kale oo ku xeeran magaalada Ugaas Madow oo 95 km dhanka galbeed ka xigta Berbera ayaa markii ugu horreysay waddooyinkooda lagu xiray leyrarka cadceedda ku shaqeeya. Ka hor mugdi ayay ahaayeen xilliyada habeenkii, taas oo ay dhibaato weyn ay ku qabeen dadka deegaanka, oo ay u badan xoolo-dhaqato beeraley ah.
Waxay tan iyo intii naleynta loo sameeyey ka nabad galeen weerarkii ay dugaagtu ku soo qaadi jirtay iyaga iyo xoolahooda.
Mashruuca naleynta ah waxaa fuliyay Maxamed Xasan Dirir oo horay u ahaa shaqaale dowladeed, haddana raba inuu noqdo siyaasi xil ka haya dowladda Somaliland.
Maxamed oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa u sheegay in mar u qaraabadiisa ku booqday magaalada Ugaas Madow 2018-kii uu soo arkay in magaaladu ay mugdi tahay. Wuxuu isu xilqaamay in uu arrintaa wax ka qabto oo uu magaalada iftiimiyo.
“Waxaa igu soo dhacday inaan magaalada madow ka dhigi karo iftiin, Soolarka kama haysan wax khibrad ah, laakiin markii aan Hargeysa ku noqday ayaan baadhay sida magaalo miyi ah loo iftiimin karo,” ayuu yiri.
Maxamed oo 35 jir ah, wuxuu agaasime ka ahaa wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ilaa bishii Sebtembar ee sanadkaan. Wuxuu mashruucaan billaabay intii uu agaasimaha ahaa, waxaana u suurtagashay in uu 50 nal ka taago shanta tuulo billowgii bishaan. Lacagta ku baxday hirgelinta mashruucaan oo uusan caddadkeeda nala wadaagin ayuu sheegay inuu ka bixiyay jeebkiisa.
Tuulada Diri-maraa ayaa hadda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xilliyada habeenkii. Odayaasha tuulada ayaa mararka qaar isugu yimaada shirar ay kaga tashanayaan arrimaha deegaanka.
Saleebaan oo ah aabbaha lix carruur ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markii hore arrintaasi aanay suurtagal ahayn maaddaama ay duunyada ka ilaashan jireen dugaagta.
“Waxaanu ku aragnay tuuladii bahalladii oo markii iftiinkii ay arkeen ka yaacay oo gartay inay meeshu magaalo noqotay kana baqay laydhkii. Wixii la doono ayaa la iibsanayaa, meheraddii ayaad laydhka hoostiisa la tagaysaa, shaxda ayay odayadii iskaga ciyaaraan, qur’aankii ayaa lagu akhrisanayaa qaar baa laadhuuda ku hoos ciyaara,” ayuu yiri.
Cabdi Sugulle Cigaal oo ku nool tuulada Go’da yar ayaa sidoo kale soo dhoweeyay naleynta loo sameeyay jidadka tuulada. Wuxuu sheegay in nalalka ay yareeyeen shilalka baabuurta xamuulka ah oo inta badan ka dhici jiray halkaas.
Cabdi oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa ah xoolo-dhaqde haysta 84 neef oo ari ah iyo todobbo lo’ ah. Wuxuu aaminsan yahay in xoolihiisa ay ka nabad helayaan dugaagtii soo weerari jirtay. Wuxuu xusay in xoolihiisa ay soo weerareen dugaagta shan mar sanadkaan oo ay ka dileen afar neef oo ari ah. Wuxuu intaa ku daray in hadda uu si nabad ah ku seexdo isagoo aan ka walwaleyn xoolihiisa inay dugaag soo weerarto.
Dadka ku nool deegaanada Go’da Weyn, Biyo-fadhiisanka, Il-carmo iyo Cillaan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay nalalkii loogu xiray jidadka.