Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Somaliland: Soolar lagu xiray oo wax ka beddelay nolosha tuulooyin mugdi ahaa

Radio Ergo by Radio Ergo
October 29, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia news Live, Somali news, Mogadishu news live, Latest news

Ugaas madow oo uu ka ifayo leyr cadceedda ku shaqeeya

16
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – “Dadka haddaan wareysanno, nin walba waxbaa ka soo maray mugdigii aan ku nooleen,” ayuu yiri Saleebaan Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Diri-maraa ee magaalada Ugaas Madow ee Somaliland oo dhowaan loo sameeyay nalalka jidka.

Sanadkii hore labo jeer ayuu waraabe jidka ku soo weeraray isagoo ku sii socda gurigiisa xilli uu ka soo baxay dukaan xaafaddiisa ku yaalla oo mugdi ah. Sanadkii 2018-kii, wuxuu isbitaalka u jiifay muddo labo bil ah qaniinyo uu mas ku dhuftay goor habeen ah.

“Waddo madow ayuu jiifay maska i qaniinay,” ayuu ku yiri Raadiyow Ergo. “Bahallada waxa ay noo soo raacayeen waxay ahayd madowga [mugdiga].”

Tuuladaan iyo shan kale oo ku xeeran magaalada Ugaas Madow oo 95 km dhanka galbeed ka xigta Berbera ayaa markii ugu horreysay waddooyinkooda lagu xiray leyrarka cadceedda ku shaqeeya. Ka hor mugdi ayay ahaayeen xilliyada habeenkii, taas oo ay dhibaato weyn ay ku qabeen dadka deegaanka, oo ay u badan xoolo-dhaqato beeraley ah.

Waxay tan iyo intii naleynta loo sameeyey ka nabad galeen weerarkii ay dugaagtu ku soo qaadi jirtay iyaga iyo xoolahooda.

Mashruuca naleynta ah waxaa fuliyay Maxamed Xasan Dirir oo horay u ahaa shaqaale dowladeed, haddana raba inuu noqdo siyaasi xil ka haya dowladda Somaliland.

Maxamed oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa u sheegay in mar u qaraabadiisa ku booqday magaalada Ugaas Madow 2018-kii uu soo arkay in magaaladu ay mugdi tahay. Wuxuu isu xilqaamay in uu arrintaa wax ka qabto oo uu magaalada iftiimiyo.

“Waxaa igu soo dhacday inaan magaalada madow ka dhigi karo iftiin, Soolarka kama haysan wax khibrad ah, laakiin markii aan Hargeysa ku noqday ayaan baadhay sida magaalo miyi ah loo iftiimin karo,” ayuu yiri.

Maxamed oo 35 jir ah, wuxuu agaasime ka ahaa wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ilaa bishii Sebtembar ee sanadkaan. Wuxuu mashruucaan billaabay intii uu agaasimaha ahaa, waxaana u suurtagashay in uu 50 nal ka taago shanta tuulo billowgii bishaan. Lacagta ku baxday hirgelinta mashruucaan oo uusan caddadkeeda nala wadaagin ayuu sheegay inuu ka bixiyay jeebkiisa.

Tuulada Diri-maraa ayaa hadda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xilliyada habeenkii. Odayaasha tuulada ayaa mararka qaar isugu yimaada shirar ay kaga tashanayaan arrimaha deegaanka.

Saleebaan oo ah aabbaha lix carruur ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markii hore arrintaasi aanay suurtagal ahayn maaddaama ay duunyada ka ilaashan jireen dugaagta.

“Waxaanu ku aragnay tuuladii bahalladii oo markii iftiinkii ay arkeen ka yaacay oo gartay inay meeshu magaalo noqotay kana baqay laydhkii. Wixii la doono ayaa la iibsanayaa, meheraddii ayaad laydhka hoostiisa la tagaysaa, shaxda ayay odayadii iskaga ciyaaraan, qur’aankii ayaa lagu akhrisanayaa qaar baa laadhuuda ku hoos ciyaara,” ayuu yiri.

Cabdi Sugulle Cigaal oo ku nool tuulada Go’da yar ayaa sidoo kale soo dhoweeyay naleynta loo sameeyay jidadka tuulada. Wuxuu sheegay in nalalka ay yareeyeen shilalka baabuurta xamuulka ah oo inta badan ka dhici jiray halkaas.

Cabdi oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa ah xoolo-dhaqde haysta 84 neef oo ari ah iyo todobbo lo’ ah. Wuxuu aaminsan yahay in xoolihiisa ay ka nabad helayaan dugaagtii soo weerari jirtay. Wuxuu xusay in xoolihiisa ay soo weerareen dugaagta shan mar sanadkaan oo ay ka dileen afar neef oo ari ah. Wuxuu intaa ku daray in hadda uu si nabad ah ku seexdo isagoo aan ka walwaleyn xoolihiisa inay dugaag soo weerarto.

Dadka ku nool deegaanada Go’da Weyn, Biyo-fadhiisanka, Il-carmo iyo Cillaan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay nalalkii loogu xiray jidadka.

Previous Post

Dhallinyaro online-ka loogu ururiyay lacag ay ganacsiyo ku abuurtaan

Next Post

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee xilligan ka taagan Soomaaliya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Gargaarka, Soomaaliya, Wararka, Barakac, Caasimadda, Caasimada, Abaaraha, Roobabka, COVID19, Ayaxa, Dagaalo, Colaad, Bani'aadanimo

Taxanaha Gargaarka: Xaaladda bani’aadannimo ee xilligan ka taagan Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo