Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeraley ay saameysay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo abuur lagu caawiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 12, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
IDPS become farm laborers

File Photo/Ergo

3
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan labo kun oo qof oo beeraley ah oo deggan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha
dhexe ayaa dib u abuurtay beerahooda kaddib markii ay dalagyo isugu jira masaggo, digir iyo khudaar ay ka heleen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo beeraha (FAO) bartamihii bishii hore.

Beeralaydan oo labadii xilli-roobaad ee u dambeysay ay saameysay fatahaadda webiga Shabeelle ayaa qaarkood barakac ku ah deegaanno kale.

Faadumo Kuulow Maxamed oo dadka abuurka la siiyay ka mid ah, waxay markii ugu horreysay muddo shan bil ah ku laabatay tuuladeeda Xanlay oo ay beer labo hektar ah ku leedahay si ay ugu soo abuurato dalagyadii la siiyay.

Faadumo ayaa abuurka beerta kaddib qooyskeeda dib ula soo noqotay xerada Gargaar ee magaaalada Balcad halkaasi oo ay deggenaayeen tan iyo markii ay soo barakaceen bishii Maarso ee sanadkaan 2021-da. Waxay nooga warrantay waxa abuurka la siiyay uu uga dhigan yahay, iyadoo xustay inay filanayaan lacag ay hay’addu u ballan-qaadday.

“Hay’addan gargaarka nagu saaciday kheyr Alle ha siiyo waan soo abuurannay beertii laakiin meesha tuulada ma joogi karno maaddaama guryihii naga dudumeen. Baahidii wali waa taagan tahay, biyihii inay soo noqdaan waan ka baqeeynaa,” ayay tiri.

Hooyadaan oo qoyskeedu uu 11 qof ka kooban yahay ayaa sheegtay in nolosha magaalada ay wali la qabsan la’yihiin maaddaama ay ahaayeen beeraley aan aqoon shaqo magaalo.

Carruurteeda ayay sheegtay inay gaysay iskuul, hase yeeshee, ay ka bixin weysay lacagta bisha taas oo kalliftay inay ka saarto iskuulka.

Faadumo ayaa xustay in si ay nolol-maalmeed u helaan ay ku qasbanaadeen inay shaqo wada aadaan
iyada iyo aabbaha caruurteeda.

“Dhar ayaan cidaha u soo dhaqaa marka la ii yeerto waxaan kasoo helaa $3 marka ay ugu badan tahay. Aabbaha dhalay carruurta ayaa isna gaari-dameer uu nin leeyahay ku shaqeeya. Qoryo ayuu soo guraa kuwaasi oo uu marka uu suuqa geeyo lacag u dhaxeeyso 120,000 ilaa 180,000 oo shilin Soomaali ah ku soo iibiyo, sidaas ayay nolosheennu tahay,” ayay raacisay.

Aweys Cali Xaaji iyo qoyskiisa oo sagaal ah waxay ka mid yihiin qoysaska ku barakacay gudaha xaafaddooda.

Aweys oo ku nool tuulada Bajiino, oo 28 km dhanka koonfur-bari kaga beegan degmada Balcad ayaa reerkiisa aqal cooshad oo ka sameysan ulo iyo baco uga dhisay dhul taag ah oo aanay fatahaaddu gaarin. Aabbahaan ayaa noo sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo ay heleen marka laga reebo abuurka ay hay’addu siisay.

Wuxuu noo sheegay in abuurkii loogu deeqay uu ku abuurtay beertiisa oo saddex hektar aheyd.

“Hal hektar galley iyo digir gaduud ayaan ku abuuray, hal hektar yaanyo halka kalena salbuko si goor hore ay ilmaha iigu cunaan oo uu u soo bislaato,” ayuu yiri Aweys.

Aweys ayaa ka codsaday hay’adaha inay guryahooda dib ugu dhisaan maaddaama ay carruurtooda waxbarashada ka habsaameen.

Aweys iyo dadka kale ee la deggan tuulada oo ay biyaha ku jiraan in ka badan lix bil ayay nooloshoodu ku tiirsan tahay kalluun ay kala soo baxaan meelaha biyo-fariisadka ah. Wuxuu tilmaamay in isbuucii hal mar uu kalluun la qallajiyay u iib-geeyo magaalada Balcad halkaasi oo ay ugu gudbaan doon.

Aweys iyo kooxda ay isla jiraan ayaa marka ay biyaha ka gudbaan raaca hoomeey, taasi oo ka qaadata saddex ilaa afar doollar.

Kalluunka ayuu sheegay in marka ay suuqa geeyaan looga iibsado shan kun ilaa iyo toddobo kun oo shilin Soomaali ah halkii xabo.

Waxaa uu sidoo kale xusay in marka ay ugu badato looga iibsado jawaanka oo dhan 150,000 oo shilin Soomaali ah.

Lacagtaan ayuu isaga bixiyaa qeyb gaariga halka inta soo hartay uu qoyskiisa ugu adeego 10 madaal oo xaniin ah, liitar saliid caddey ah iyo nuskiilo sokor ah.

Bashiir Maxamd Xaaji oo ah madaxa Hay’adda Horumarinta Banaadir, oo ay u soo wakiilatay FAO qeybinta dalagga ayaa sheegay in dadka abuurka helay ay u arkeen inay ahaayeen kuwii ugu mudnaa kaddib markii ay la tashadeen odoyaasha deegaannada.

Wuxuu intaa ku daray in lacag hal mar oo kaalmo ah oo dhan $150 ilaa $160 ay siin doonaan qoyskiiba saddex bil kaddib.

Bashiir ayaa sheegay in lacagta ay bixin doonaan kaddib marka ay dhameeyaan xaqiijinta lambarada teleefoonnada ee ay ka soo qoreen beeraleyda.

Previous Post

Daadad ka dhashay roobka oo barakac kale geliyay qoysas deggenaa xeryaha xaafadda Siigaale, Muqdisho

Next Post

Qoysas cusub oo barakac ah oo gaaray Baydhabo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Barakac

Qoysas cusub oo barakac ah oo gaaray Baydhabo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo