Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas cusub oo barakac ah oo gaaray Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 13, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Barakac

Wariyaha Radiyow Ergo Muxyadiin Xusni oo wareeysi ka qaadayo Isxaaq Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar boqol iyo konton qoys oo ka soo barakacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qoysaskaan oo ka soo barakacay deegaanka Daynuunaay oo 25 km u jira Baydhabo ayaa qaarkood ku  biiray xeryaha barakaca, halka kuwa kalena ay la degeen qoysas ay qaraabo yihiin oo deegaan ku ah magaalada.

Isxaaq Maxamed Ibraahin oo ka mid ah barakaca cusub, wuxuu dulsaar ku yahay qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Baydhabo.

Isxaaq oo ah aabbaha labo qoys oo mid uu ka kooban yahay 7 qof, kan kalena uu saddex yahay ayaa sheegay in dhibaato ay ka haysato dhanka cuntada oo aysan saddexda waqti wada helin.

“Dagaallada waxaa noogu daran hubka culus oo guryaha lagu soo ridayo. Rayidka ayaa dhamaanaya mar kasta. Meeshii waxaa ku taalla xero ciidan, habeen madow ayaa la weeraraa si joogta ah, maalintii sidoo kale,” ayuu yiri Isxaaq.

Wuxuu intaa ku daray “dhibaato nooma yara, halkaanna guryo nooguma dhisna, carruurtii reero ayaan dulsaarnay, bannaanka dhaxanta ah ayaan seexanaa, cunto nasiibka ayaa loo qabaa.”

Isxaaq Ibraahin ayaa tilmaamay in nolosha qoyskiisa uu ka maareyn jiray beer saddex hektar ah oo ay dalagyo uga baxayeen, taasi oo ay colaaddu ka soo fogeysay.

Colaaddaan oo ah mid soo noqnoqotay ayaa sidoo kale ku qasabtay Faaduma Maxamed Birkaan inay la soo barakacdo lixdeeda carruurta ah, iyadoo faro maran.

Hooyadan ayaa xustay in iyada iyo seygeeda oo waayeel ah uu si lacag-la’aan ah ku soo qaaday gaari ka soo baxaayay degaanka Daynuunaay, halka carruurteeda oo kan ugu yar uu 15 jir yahay ay u soo lugeeyeen magaalada.

Qoyskaan ayaa ku biiray xerada Towfiiq1 ee magaalada Baydhabo.

Faaduma ayaa tilmaamtay inaysan haysan hoy iyo cunno midna, balse ay ku tiirsan yihiin caawinaadda dadka dariska la ah.

“Anigoo xanuunsan iyo aabbaha carruurta oo sariir fuul ah ayaa halmar ka war helnay carruurta oo na leh waa la cararayaa soo baxa. Cabsi ayaanba isaga joognay horey. Marka dhaxanta habeenka iyo dabeysha aqal laga galo malahan. Bannaankaan kaam ah ayaa kusoo degnay. Saaka afkaas wax cunto ah ma saarin,” ayay tiri Faaduma.

Masuuliyiinta maamulka deegaanka Daynuunaay ayaa booqday magaalada Baydhabo si ay u qiimeeyaan xaaladda qoysaska soo barakacay.

Guddoomiyaha Daynuunaay, Ibraahin Sheekh Isxaaq ayaa Raadiyow Ergo u sheegay isagoo ku sugan Baydhabo inuu la kulmay maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala magaalada, kuwaas oo uu sheegay inay u ballan-qaadeen inay gargaar gaarsiin doonaan qoysaska cusub ee barakaca ah.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Deynuunaay ay ku noolaayeen shan boqol iyo toddobaatan qoys, balse ay Baydhabo ku soo barakaceen 450 ka mid ah, halka boqol qoys oo kalena ay u barakaceen tuulooyin u dhow Daynuunaay.

Ibraahim ayaa sheegay in degaanka oo dhan ay ku soo hareen 20 qoys oo keliya, kuwaas oo u haray inay ilaashadaan guryahooda.

“Maaddaama dadkii deegaanka ee aan masuulka u ahaa ay soo barakaceen, maalmo halkan ayaa joogaa, maalmaha qaarna deegaankii, si  aan labada dhinacba xaalkooda ula socdo,” ayuu yiri Ibraahim.

Ma cadda goorta ay qoysaskan ku noqon doonaan deegaanka ay ka soo barakaceen oo wali aan la isku halleyn karin amnigiisa, walow ay hadda gacanta ku hayaan ciidanka dowladda.

Maxamed Cabdirisaaq Xasan oo ka socda hay’adda qoxootiga iyo barakaca ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee dadkaan barakaca ah haysata ay tahay in laga caawiyo dhanka hoyga, biyaha iyo cuntada.

Baydhabo waxaa horay u joogay in ka badan 60,000 oo qoys oo soo barakacay, sida lagu muujiyay tirakoobkii ugu dambeeyay oo uu bishii Abriil ee sanadkan soo saaray ururka ay ku midoobeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakaca (CCCM cluster), kaasoo ka shaqeeya taageeridda dadka ay barakiciyaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada.

 

 

 

Previous Post

Beeraley ay saameysay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo abuur lagu caawiyay

Next Post

Jigjiga: Barakacayaasha abaarta oo shaqo ka helay xarun dhirta lagu bacrimiyo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Dhir abuur

Jigjiga: Barakacayaasha abaarta oo shaqo ka helay xarun dhirta lagu bacrimiyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo