Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jigjiga: Barakacayaasha abaarta oo shaqo ka helay xarun dhirta lagu bacrimiyo

Radio Ergo by Radio Ergo
August 18, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhir abuur

Axmed Cabdi oo waraabinaya dhirta lagu bacriminaayo xarunta/Cabdiraxmaan Cabdullahi Cusmaan/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xarun lagu beero noocyada dhirta oo magaalada Jigjiga laga hirgaliyay saddex bil ka hor ayaa fursad shaqo u noqotay 272 qof oo danyar ah, kuwaasi oo isugu jira beeraley iyo xoolo-dhaqato ku ceyrtoobay abaaro.

Xarunta oo ay hirgalisay Dowlad-degaanka Soomaalida ayuu ujeedkeedu yahay inay soo saarto 10 milyan oo dhir ah oo loogu talagalay in lagu baahiyo deegaanka si dib loogu soo celiyo bilicdiisa.

Axmed Cabdi Idiris oo ka mid ah xoolo-dhaqatadii ku ceyrtoobay abaarta ayaa beertan ka shaqeynaya muddo saddex bil ah.

Wuxuu sheegay in ay tahay fursaddii ugu weyneyd ee soo marta muddo sanad iyo bar ah oo uu shaqo-la’aan ku ahaa Jigjiga.

Axmed ayaa yimid magaalada horraantii sanadkii 2020-kii, kaddib markii ay abaar uga la’deen soddon ari ah iyo afar lo ah’ oo uu ku dhaqanayay miyiga gobolka Faafan ee deegaanka Soomaalida.

“Noloshayda wax wayn baa iska badelay, markii hore dee nin duruufeysan oo bilaa camal gidaarrada iska jiifaan ahaa. Iminkana Alxamdulilaah Ilaahay baa mahad leh…Reerkaygii guri cad ayaan u kireeyay kirada waan iska bixiyaa, masaariiftoodiina meel baan saaray,” ayuu yiri Axmed oo shaqadaan ka qaata $80 oo mushaar ah bishii.

Qoyska Axmed oo ka kooban toban qof ayaa dulsaar ku ahaa sanad iyo barkii uu shaqo-la’aanta ahaa walaalkiis oo miyiga ay wada deggenaayeen, kaasoo abaartu ay ka dishay labaatan ka tirsan lixdan neef oo ari ah oo uu dhaqanaayey.

Hase yeeshee, markii uu bil iyo bar ka shaqeynayay xaruntan reerkiisa ayuu jigjiga u soo raray halkaasi oo ay hataan iskula noolyihiin guri kiro ah oo labo qol ka kooban kaasi oo bishii looga qaado $25. Sidoo kale shan carruurtiisa ah ayuu geeyay iskuulka dowladda.

Axmed oo ka howlgala abuurka dhirta iyo waraabinteeda ayaa xusay inuu ku qanacsan yahay shaqada uu qabto, maaddaama ay ka kaafisay shaxaadkii uu ku noolaa intii uu shaqo raadiska ahaa.

Dhammaan shaqaalaha xarunta bacriminta dhirta ayaa shaqada waxaa u tababaray xafiiska ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo ay beertan hoos tagto.

Cali Xasan Bade, oo gurigiisa uu u dhow yahay xaruunta ayaa xoolaha ka wardiyeeya dhirta, wuxuuna bishii mushaar ahaan u qaataa $80, taasoo uu tilmaamay inay kabtay nolosha qoyskiisa oo ka kooban 11 qof.

Cali ayaa 2017-kii ka soo barakacay gobolka Faafan, halkaasi oo uu ku ahaa xoolo-dhaqde-beeraley, kaddib markii colaad u dhexeysay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada looga dhacay beer hal hektar ah iyo afar neef oo lo’ ah.

Wuxuu xusay in markii uu jigjiga yimid uu billaabay shaqo ah isku qasitaanka carrada iyo shamiitada loo adeegsado dhismaha guryaha, taasoo ay la raadiyeen ayna bareen rag ay magaalada isku barteen.

Cali oo qoyskiisu ay degan yihiin aqal cooshad ah oo uu ka dhistay dhul uu siiyay adeerkiis ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markii uu shaqadan helay uu ka maarmay caawinaad uu ka heli jiray adeerradiis oo marka uu waayo shaqada xoogsiga ah ku caawin jiray raashiinka iyo iidaankiisa.

Xafiiska ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee deegaanka Soomaalida ayaa xusay in ujeeddada ugu weyn ee mashruucan ay tahay in looga hortago musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada sida abaaraha, nabaad-guurka carrada iyo roob-yarida.

Maxamed Buulle Samatar oo ah madax kooxeedka horumarinta iyo ilaalinta dhirta dabiiciga ah ee xafiiskaas ayaa sheegay in hadda ay xarunta ku beeran tahay dhir gaareysa shan boqol oo kun. Dhirtaan ayaa lagu baahin doonaa deegaanka Soomaalida marka ay korriimada dhameysato bil kaddib. Maxamed ayaa tilmaamay in wajiga labaad oo isla sanadkan ah ay xarunta soo saari doonto tiro intaas la eg.

Abuurka dhirta iyo nafaqooyinka lagu bacriminayo waxaa xukuumadda deegaanka ku caawiyay guddigga keymaha iyo isbeddelka cimilada ee dowladda Itoobiya. Barnaamijkaan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda Itoobiya ku beereyso shan bilyan oo geedo ah ka hor inta uu sanadkan dhamaan.

Previous Post

Qoysas cusub oo barakac ah oo gaaray Baydhabo

Next Post

Dhallinyaro dhirta dhuxuleyn jirtay oo lagu qanciyay inay ka shaqeynta beeraha u weecdaan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo ay ku adagtahay helitaan shidaal ay ku qotaan beeraha

Dhallinyaro dhirta dhuxuleyn jirtay oo lagu qanciyay inay ka shaqeynta beeraha u weecdaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo