(ERGO) – Muddo 15-sano oo uu ku howlanaa dhir-jaridda kaddib, Cabdi Axmed Colaad oo afartan jir ah wuxuu
labo bil ka hor go’aansaday in uu joojiyo xaalufinta dhirta. Cabdi oo ka mid ah 200 oo qof oo ka ganacsan jirtay jaridda dhirta dhuxusha loo baddelo, kuwaasi oo lagu qanciyay inay joojiyaan xaalufka dhirta ayaa haatan ka shaqeysta beeraha deegaanka Xeero-dhagaxley ee gobolka Mudug.
Wuxuu si maalinle ah u qabtaa shaqada waraabinta, falidda iyo guridda miraha dalagga beeraha. Dhaqaalaha uu ka helo shaqadiisa cusub oo ilaa $6 ah maalintii ayuu ku dabbaraa nolosha qoyskiisa oo sagaal qof ah.
Cabdi ayaa sheegay in iskaashatada Muruq-maal oo ay beeralaydu ku midaysan yihiin oo lahaa fekerka uu ku joojiyay dhir-jarista ay gacan ka siiso fursadaha shaqo ee sida joogta ah uu u heli karo.
“Si toos ah ayay kuugu sheegayaan oo waxay ku leeyihiin maanta anigaa kuu haya shaqo. Beertaas baad ka shaqaynaysaa, xagga ayaad shaqo kale ka soo qabanaysaa. Ururka (iskaashatada) baa kula shaqaynaya oo mar kasta kula taagan,” ayuu yiri.
“Beeruhu aad bay u faro badan yihiin midba waa si’, mid baa layn fudud ku soo qaadanaysaa, [oo
aad] miraha ka soo guraysaa ee ka baxay oo wixii dhamaa isku lix saac ah,” ayuu sii raaciyay.
Cabdi oo ahaa horjoogaha koox toban qof ka kooban intii uu ku jiray jaridda dhirta ayaa xusay in ugu yaraan maalintii ay jari jireen shan iyo toban geed oo nooca waawayn ah sida quraca, qansaxa iyo maraaga.
Labadii bilba mar ayay Gaalkacyo gayn jireen 200 oo kiish oo dhuxul ah, waxaana Cabdi uu qayb ahaan u heli jiray $400 halkii mar.
Lacagtaas wuxuu ku bixin jiray raashinka ay dayntaan qoyskiisa inta ay socoto jaridda iyo gubidda geedaha ay dhaqaalaha ka heli jireen.
Wuxuu noo sharraxay isbaddelka uu ku dareemayo in uu u weecdo falidda beeraha.
“Tanaa fudud, laakiin, taas baa lacag badnayd waayo wax ku gula xisaabtamaya ma jirin. Waa wax aad adigu intaad rabtid ka samaysan kartid. Laakiin canaabteedu aad bay u badnayd macnaha dhibaato badan baa laga marayay,” ayuu yiri.
“Geedka marka aad jarto horay dhuxul kama noqonayo wuxuu rabaa in aad meel iskugu keentid in aad dab ku riddid in aad bislaysid in aad qaboojiso, in aad gaari u keentid.”
Ninkan ayaa tilmaamay in xubno ka tirsan iskaashatada Muruq-maal ay ugu tageen halka dhirta lagu gubo isaga iyo kooxdii la shaqaynaysay, halkaasi oo ay uga gadeen fekerka ah in ay siin doonaan shaqo badbaado u ah iyaga iyo deegaanka uu xaalufku ku socdo. Baddelidda fekerkiisii hore ayuu xusay in uu ka helay nolol nasiino iyo hammi leh.
Cabdi wuxuu qoyskiisa soo dajiyay duleedka deegaanka Xeero-dhagaxley isagoo ka soo raray miyi 20
km u jira. Wuxuu qorshaysanayaa in saddex ka tirsan carruurtiisa uu geeyo iskuulka horraanta bisha
soo socota ee Sebteembar.
Dhallinyarada kale ee ka faa’iideysanaya fursadaha shaqo ee ay ka heleen beeraha deegaanka Xeero-dhagaxley waxaa ka mid ah Siciid Xirsi Sahal oo isagoo 18 jir ah ku biiray kooxaha dhirta jara toban sano ka hor.
Galinka hore ee maalintii wuxuu ka shaqeeya beer uu ka helo bishii lacag dhan $90, galinka dambena wuxuu qabtaa shaqooyinka dhismaha guryaha. Shaqadan oo maalin dhaaf ah ayuu halkii mar wuxuu ka hela $3.
Dhaqaalaha ka soo gala shaqooyinkan wuxuu ku caawiyaa nolol-maalmeedka qoyskiisa oo 5 qof ah.
Siciid ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in jaridda dhirta ay u gaysay shaqo la’aan, isla markaana, horay
uusan u lahayn il-dhaqaale iyo xirfad toona.
“Xilligaan dalag in aan beerto oo dhulka aan wax ka soo saarto ayaan ku jiraa laakiin markii hore nabaad-guur baan ku jiray. In aan dalka burburinayaan ku jiray, haddeertaanna waxaan jeclahay kuwii dhirta ila jari jiray in aan ka waaniyo. Anigu sidaan ku jiri jiray si ka fiican baan ku jiraa,” ayuu yiri Siciid.
Wuxuu qorshaynayaa in uu beer samaysto marka uu fahmo habka beerashada dalagga. Arrintan waxaa ka caawinaya iskaashatada Muruq-maal oo u ballan-qaaday siinta dhul uu wax ku beerto marka uu diyaar noqdo sida uu sheegay.
Dadaallada lagu ilaalinayo dhirta deegaanka Xeero-dhagaxley ayay qayb ka tahay beddelidda fekerka dadka ku howlan dhir-jaridda.
Guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Muuruq-maal, Cabdiwali Cali Xaashi ayaa noo sheegay in bacaad badan oo ka dhashay xaalufka uu halis wayn ku yahay beero falashada, taasi oo lagama maarmaan ka dhigtay in ay fursado shaqo oo cusub iyo wacyigalin u sameeyaan kooxaha dhirta jara.
Guddoomiye Cabdi ayaa sheegay in 48 ka tirsan 200 oo ay qof ku qanciyeen joojinta xaalufka ay shaqo xoogsi ah uga haleen 190 beer oo ku yaalla deegaanka, kuwaasi oo intooda badan lagu waraabiyo ceel-gacmeedyo xilliyada aysan roobabku da’ayn.