Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Daadad ka dhashay roobka oo barakac kale geliyay qoysas deggenaa xeryaha xaafadda Siigaale, Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
August 11, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Fatahaad barakicisay boqolaal qoys

Daadad ka dhashay roobka oo barakac kale geliyay qoysas deggenaa xeryaha xaafadda Siigaale, degmada Hodan/Rijaal Cabdi Maxamed/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhowaad saddex boqol oo qoys oo ku noolaa qaar ka tirsan xeryaha barakaca ee xaafadda Siigaale ee degmada Hodan ayay hoy-la’aan la soo deristay kaddib markii ay daadad ka dhashay roobka xagaaga ay galeen guryahooda. Qoysaskaan waxay hadda dulsaar yihiin kuwo kale oo barakac ah. Roobka saameeyey wuxuu ka da’ay caasimadda Muqdisho billowgii bishan Agoosto.

Muumino Maxamed Xasan, oo ah hooyada afar carruur ah oo agoon ah, waxay muddo toddobo sano ah barakac ku aheyd xerada Alle Aamin ee xaafadda Sigaale. Balse tan iyo 5-tii bishaan Agoosto waxay dulsaar ku tahay qoys kale oo barakac ku ah xerada Rajo oo dhul taag ah oo isla xaafaddaas ah ku taalla.

“Bannaankaan ayaan iska fadhinaa maalinkii sidii dad uu baabuur daadiyay, halkaan bannaanka ah ayaan dabka isaga shidannaa. Ilmihii iyo dadkii waa weynaa dhammaan darbiyada ayaa la jiif jiifaa, cid war iska heysa lama arko,” ayay tiri Muumino.

Muumino ayaa nolol-maalmeedka carruurteeda ka maareeyn jirtay lacag ay ka hesho shaqo dhar-dhaqis ah oo ay si maalinle ah u aadi jirtay, balse tan iyo shantii bishaan waxaa waqtigeeda oo dhan qaatay ilaalista carruurteeda oo ay uga cabsi qabto inay aadaan war biyo-degeen ah oo aagga ku taalla.

Qoyska Muumino ayaa hadda ka hela waxa ay cunaan qoyska ay dulsaarka ku yihiin oo ah haweeney iyo saddex carruur ah oo ay dhashay oo deggan hal qol oo jiingad ka sameysan. Habeenkii ayay qolka wada cariirsadaan, maalintiina bannaanka ayay carruurta ku haysataa, cuntadana ugu karisaa.

Muumino waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay daadka ka soo badbaadsatay maacuuntii iyo dharkii carruurteeda oo keliya.

Waxay xustay in dhibaatadaan fatahaadda ay wajahdo mar kasta oo roob uu da’o, islamarkaana labadii sano ee lasoo dhaafay ay si joogto ah u barakacaysay.

Muumino, waxay sanadkii 2015 dagaal dartiis uga soo barakacday degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha xeryaha dadka soo barakacay ee xaafadda Siigaale Maxamed Nuur Axmed ayaa sheegay in mar kasta oo roob xooggan uu ka da’o Muqdisho ay biyaha kasoo qulqula degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Waabari isugu yimaadaan Warta Siigaale, taasi oo sababta fatahaadaha noocaan ah.

Wuxuu tilmaamay in 28 xero oo barakac ah oo ku yaalla xaafadda Siigaale ay dadkii ku noolaa 10 ka tirsan saameeyeen daadadka ka dhashay roobka.

Waxaa uu xusay in fatahaadda ay qaadday ku dhowaad 30 aqal oo cooshado ka sameysnaa.

Maxamed ayaa sheegay in tan iyo intii uu roobku socday uusan wax gargaar ah soo gaarin.

“Shan maalmood oo roobku da’aayay ma jirto cid nasoo kormeertay, wax baco nasoo gaarsiiyay ma jirto. Awal baco ayaan heli jirnay. Hadda cid wax noo keentay ma jirto. Dhibaatada aan qabno ayaa ah wax noo badbaaday aysan jirin, xitaa qalabkii Koroonaha biyaha ayaa qaaday,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Qaar ka tirsan dadka soo barakacay ayaan haysan meel ay dib ugu laabtaan maaddaama aqalladoodii uu daadku qaaday.

Saciido Faarax Mire oo ah hooyada saddex carruur ah oo agoon ah, isla markaana barakac ku ahayd xerada Alle Aamin muddo saddex sano ah waxay ka mid tahay dadka ay aqalladoodii biyuhu qaadeen. Waxaa hadda gabbaad u ah guri horay u burbursanaa oo ay baco ku wareejisatay.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in biyaha roobka ay qaadeen aqalkii ay horay ugu nooleyd oo ka sameysnaa baco iyo cooshado iyo sidoo kale dhamaan wixii agab ahaa ee u yaallay.

Waxay tilmaantay in tan iyo markii ay roobabku billowdeen ay guud ahaan meesha ka baxday kala fogaanshihii iyo nadaafaddii ay ilaalin jireen ee looga hortagayay faafista cudurka Koofid-19.

Dadkii xerada deggenaa badankood waxay hadda isugu yimaadeen hal goob, halkaasi oo ay ku haysato nolol-xumo iyo musqul-la’aan, sida ay sheegtay Saciido.

 

 

 

Previous Post

Qoysas dagaallada qowmiyadaha ugu barakacay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo cunno-yari iyo hoy-la’aan ay haysato

Next Post

Beeraley ay saameysay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo abuur lagu caawiyay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
IDPS become farm laborers

Beeraley ay saameysay fatahaadda Shabeellaha dhexe oo abuur lagu caawiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo