Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo

Qoysas dagaallada qowmiyadaha ugu barakacay Dowlad Deegaanka Soomaalida oo cunno-yari iyo hoy-la’aan ay haysato

Radio Ergo by Radio Ergo
August 10, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dad barakac ah

Koox barakac ah oo fayl ugu jira cunto loo qeeybinaayo dadka barakac ah/Sawwirada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix boqol oo qoys oo dabayaaqadii bishii hore deegaanka Garba-ciise ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga soo barakacay dagaallo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa wajahaya cunno-yari iyo hoy-xumo.

Qoysaskan oo hadda ku sugan iskuul hoose-dhexe oo ku yaalla tuulada Ma’ayso ee gobolka Siti waxaa ka mid ah qoyska Ceeleeye Muuse Cige oo ah aabbaha siddeed carruur ah.

Ceeleeye oo wata afar carruurtiisa ah ayaan haysan meel ay ka galaan dhibicda roobka iyo qabowga habeenkii. Iskuulka ay dageen oo ka kooban sagaal qol kama ayaan ku filnayn tirada dadka dagay oo badan awgeed. Aabahaan oo ay qoyskiisa kala irdaysay colaadda ayaa u sharraxay Raadiyow Ergo xaaladda ku haysta Ma’ayso.

“Rag iyo dumar waa la is-dhex-seexdaa waa bannaan roobabkii oo da’aya meel laga galo ma jiraan. Dhooqada la dhex-jiifaa,” ayuu yiri Ceeleeye.

“Carruurtu way iga ooydaa habeen iyo dharaar, saddexda waqti shaxaad baan ku noolahay. Canjeelo yar aan caruurta meel uga soo qaado wali meel aan dhari ugu kariyo iyo meel aan ku hoyanno iyo meel aan isku-aragno ma jiraan baco ayaan wax ugu geeyaa.”

Ka hor barakaca, Ceeleeye wuxuu ahaa dallaal kala wareejiya xoolaha la keenayay sayladda Garba-ciise halkaasi oo uu maalintii ka heli jiray in ka badan $5. Balse hadda wuxuu la halgamayaa ilaalinta qayb ka mid ah carruurtiisa oo uu la soo barakacy.

Afar carruurtiisa ah iyo hooyadood ayaa ku xanniban deegaanka Af-cadde oo u dhaxeeya tuulada Ma’ayso iyo dagmada colaaddu ay ka jirto ee Garba-ciise.

Aabbaha qoyskan ayaa sheegay in markii dagaalka u billowday ay kala lumeen isaga iyo xaaskiisa sidaana ay labo dhinac la kala aadeen carruurta.

“Afartii ugu yar-yarayd bay la caymatay. Dhibaatadii baa nagu dhacday waaba kala xiranay qalaas waddadiiba waa tii la xiray. Sidii aan ku kala xiranay baan ku kala jirnaa, gaarigii ii soo qaadi lahaana isku-meel aan ku baqtinnee waan la’ahay,” ayuu yiri.

Ceeleeye ayaa sheegay in hooyada caruurtiisa oo uu telfoonka kula xariirro ay u sheegtay in ay caawinaad ka heleen qoys Soomaali ah oo ay la dageen kaasi oo ay ka helaan cunno bisil hal ama labo waqti maalintii.

Colaadda ka jirta dagmada Garba-ciise ayaa salka ku haysa muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Dadka la dhibaatoonaya saamaynta dagaalka waxaa ka mid ah Sacaado Barre Rooble iyo qoyskeeda oo 7 qof ah.

Hooyadan oo ka mid ahayd ganacstada Garba-ciise, waxay halkaas ku lahayd dukaan ay ku iibinaysay dharka, raashinka, maacuunta iyo bagaashka.

Ganacsigan oo ay ku qiimaysay lacag dhan $23,000 ayay sheegtay in iyada oo arkaysa dad ka faa’iideystay dagaalka ay boobeen.

Qoyska Sacaado ayaa dhibaato ku qabo ciriiriga ka jira qol ka mid ah iskuulka oo ay la deggan yihiin qoysas kale. Hooyadan ayaa ka cabanaysa nolosha adag ee ku haysta tuulada Ma’ayso.

“Cabsidii iyo xabbadii baan ka soo dheeraaney. Xabbad ma maqlayno oo meel dadkiini iyo dalkeeni ah baan imaannay, laakiin dadku maacuun uu wax ku cuno maleh in shuban ka dillaaco ayaan ka baqayaa oo inta hartay halkaan shuban ugu dhimato,” ayay tiri.

Sacaado ayaa sheegtay in iskuulka ay deggan yihiin ay ku seexdaan halkii qol konton qof.

Qoys ehelkeeda oo deggen deegaanka ay barakaca ku joogto ayaa labo waqti ka caawiya raashin bisil oo ay cunaan. Waxay sheegtay in noloshu ay ku sii adkaanayso malinba tan ka dambeeysa.

Iskuulka ay qoysasku dageen ayaa hadda fasax ku jira, waxaa la filayaa in dib loo furo 15-ka bisha Sebtember.

Wasiir ku-xigeenka ka hortagga khataraha musiibooyin ee Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdifataax Maxamed Cabdi ayaa 5-tii bishaan OAgoosto kormeer ku tagay halka ay dadka barakacay ku sugan yihiin.

Cabdifataax ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan muddada ka dhimman dib u billaabashada waxbarashada sidii loogu heli lahaa qoysaska soo barakacay dhul-cusub si aysan caqabad uga imaan ugu noqon waxbarashada carruurta.

Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in toddobaadkaan uu soo gaari doono gargaarkii u horreeyay oo dhinaca dowladda ka socda, kaas oo iskugu jira raashin, baco iyo dhar adag.

“Dad guryahoodii iyo hantidoodii laga gubay oo dadkoodii la laayay oo xaalad adag ku sugan weeyaan. Annaka waxaa na saaran waajibaad ah in dadkan cuntadooda, caafimaadkooda, biyaha iyo adeegyada aasaasiga ah aan siinno. Wixii intaas ka danbeeyana xal-waara ayaa loo raadin doona,” ayuu yiri Cabdifataax.

Cabdifataax ayaa sidoo kale xusay in uu arkay culays ka jira afar suuli oo iskuulku leeyahay, kuwaas oo dadku saf-dheer ay u galaan.

Maamulka Ma’ayso ayuu sheegay in ay u xilsaareen hirgalinta musqulo kale oo qodiddooda la billaabay billowgii bishan.

 

Previous Post

Boosaaso: Dhalinyaro ku shaqo billaabay fikrado ganacsi oo loo maalgaliyay

Next Post

Daadad ka dhashay roobka oo barakac kale geliyay qoysas deggenaa xeryaha xaafadda Siigaale, Muqdisho

Related Posts

Arday, Somali
Wararkii u Danbeeyay

Kummanaan carruur danyar ah oo markii ugu horreysay helaya waxbarasho bilaash ah

August 18, 2022
Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas beeraley hore ahaa oo guryahooda iyo hantidooda ku waayay qarax ka dhacay Jowhar

August 16, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Conflict
Wararkii u Danbeeyay

Sicir barar saameeyay dadkii ka barakacay colaadda ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Bakool

August 16, 2022
IDP, Drought, Families
Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Dad barakacay oo joogto dib ugu dhisa cooshadahooda oo ay ka dumiso dabeysha xagaaga

August 15, 2022
Muqdisho: Haween barakac ah oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Kumannaan qoys oo abaartu saamaysay oo halis ugu jira macaluul

August 12, 2022
Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda
Wararkii u Danbeeyay

Hal abuur laga hirgeliyay magaalada oo fursad shaqo u abuuray dhallinyaro shaqo la’aan ahaa iyo beeraleyda

August 10, 2022
Next Post
Fatahaad barakicisay boqolaal qoys

Daadad ka dhashay roobka oo barakac kale geliyay qoysas deggenaa xeryaha xaafadda Siigaale, Muqdisho

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo