(ERGO) – Maayo fishing waa ganacsi ay isla leeyihiin toddobo dhalinyaro ah oo jaamacado ka soo qalin jabiyay, kuna nool magaalada Boosaaso oo ka shaqeeya iibinta kalluunka. Waa fikrad ay ku midoobeen dhalinyaradan oo is doortay, taasoo ay u maal galisay hay’adda UNFPA oo dhaqaale ka heleysa midowga yurub.
Bahjo Maxamuud Ibaarhim oo Maayo fishing u qaabilsan qancinta macmiilka (Costomer care) ayaa sheegtay in si maalinle ah ay kalluun gaaraya 50 illaa 70 ay uga soo iibsadaan kalluumeysato ku gada xeebta Boosaaso, ayna dib u sii iibiyaan iyagoo ku wareejinaya suuqyada iyo xaafadaha magaalada.
Bahjo oo sanadkii 2019 ka qalin jabisay jaamacadda bariga afrika ee magaalada Boosaaso, kulliyadda maamulka guud ayaa sharaxeysa sida shaqada ay u wadaagaan koox ahaan.
“Qorshayaal ayaa jira qof kasta shaqo ayuu hayaa.Mid kalluunka duba, mid kalluunka iib geeya, mid macmiilka soo xareeya.Waxaanu leenahay guddoomiye, suuq geeya, qasnaji iyo qof daba gala waxyaabihii dhacay.”
Waxey xustay in dadka qaar ay la yabaan marka ay kalluunka wareejinayaan oo ay ku dhahaan idinkoo aqoon yahano ah maxaad shaqadan u qabaneysaan, balse taas ayey xustay iney tahay fikrad qaldan.
Bahjo ayaa sheegtay in kooxdoodu ay ku heshiiyeen in labada bil ee ugu horeysa aysan mushaar ka qaadan ganacsiga ay bilaabeen, si ay u yareeyaan qarashka inta ay billowga yihiin.
Kooxdooda ayey sheegtay iney ku ballameen in aysan ka fakarin raadinta shaqo kale, balse ay u dhabar adeegaan ganacsigan oo ay xustay in markii hore ay ceeb la aheyd in iyagoo jaamacad ka soo qalin jabiyay ay qabtaan shaqo hoose oo tan oo kale ah, balse ay go’aan sadeen iney badalaan fikradda ah in qof ama xafiis loo shaqeeyo, kadib markii ay ku adkaatay iney shaqo helaan markii ay soo dhameeyeen heerka koowaad ee jaamacadda.
Bahjo iyo kooxdeeda wali ma kireysan goob saldhig u ah ganacsigooda, mana isticmaalaan qaboojiyaal ay kalluunka ku keydsadaan, taasoo ku qasbeysa iney xadidaan kalluunka ay soo iibsadaan. Kooxdaan dhalinyarada ah ayaa ku shaqeeya guryahooda oo ay ku soo diyaariyaan kalluunka oo iskugu jira mid ay kariyaan oo biseylka ay ku iibiyaan iyo mid ceyriin.
Bahjo ayaase sheegtay in si kumeel gaar ah ay ugu sii shaqeynayaan qaabkan illaa horraanta bisha September, sababta ayey ku sheegtay in dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada uu hadda yar yahay, kuleyl soo bilowday bartamihii bishii May awgiis kaasoo sababa in dhaqdhaqaaqa ganacsigu uu yaraado ayna ka guuraan qoysaska qaar, waana marxalad sanadkasta afar bilood ay wajahdo magaalada Boosaaso.
“Waxyaabihii caqabadda nagu ahaa waxaa kamid ahaa, maalintii koowaad ee aan kalluunka iibinaynay waxaanu ka baqeynay in kalluunku iibsami waayo. Sidaas darteed waddada ayaan la istaagnay oo gaariga intaan istaajino ayaan ku dhaheynay naga gado kalluunka.”
Fikradan ganacsi ee hadda ay ku shaqeystaan ayey sheegtay iney ka soo xusheen labaatan aragti oo kooxdoodu ay ku soo bandhigeen tababar ay Boosaaso ugu qabatay bishii March ee sanadkan hay’adda qaramadamidoobey ee maalgalinta dadweynaha ee UNFPA. Hay’adda ayaa maal gelisay sideed hal abuur kuwaasi oo dhammaan hadda ah kuwo shaqeeya islamarkaana uu kala duwan yahay nidaamka ay u shaqeeyaan iyo waxa ay iibiyaan.
One tela oo ah ganacsi ay ku midoobeen siddeed dhalinyaro oo iskugu jira arday jaamacado ka soo baxay iyo kuwo wali dhigta ayaa sidoo kale kamid ahaa fikradihii la maalgeliyey.
Ganacsigaan ayaa ah mid ka shaqeeya tolidda dharka iyo naqshadeynta noocyada dharka ragga iyo dumarka kuwaasi oo ay dhalinyaradaan ku sameyaan farshaxan u gaar ah iyagoo adeegsanaya labo harqaan iyo labo mashiin oo ay ku soo iibsadeen $1,500.
Cabdi raafac Bootaan Axmed oo ah maamulaha ganacsigan ayaa sheegay in tolidda dharka iyo midabeynta ay ku shaqeeyaan saddex dhalinyaro ah oo horey u soo bartay farsamada gacanta, kuwaasoo dhinaca kale tababar u wada intooda kale si ay xirfadda ugu wada shaqeeyaan.
Cabdi raafac ayaa xusay in $1,500 oo ka hartay lacagta lagu maalgaliyay oo aheyd $3,000 ay qorsheynayaan in bisha sagaalaad ay ku soo iibsadaan mishiino kale.
Cabdi Raafac oo ku jira sanadkii saddexaad ee jaamacadda badda cas, bartana cilmiga dhaqaalaha, ayaa isaga iyo dhalinyarada kale ee ganacsigu uu ka dhaxeeyo waxa ay ku heshiiyeen in labada sano ee ugu horeysa aysan wax mushaar ah ku shaqeyn oo faa’idada ka soo baxda ay ku sii ballaariyaan ganacsigooda, taasoo uu tilmaamay iney tahay istaraatiijad ay qaateen si ay u yareeyaan qarashaadka baxaya inta uu xoogeysanayo ganacsigoodu.
“Wax yaalaha badanaa ganacsigu horey ula kici waayo waxaa kamid ah in markiiba faa’ido laga raadiyo, Laakiin anagu aragtidaa waan ka duwanahay; inaan lacag shirkadda galino mooyee waxba ka qaadan meyno marka hore.”
Dhalinyaradan ayaa ka siman in dhammaan ay ku tiirsan yihiin qoysaskooda oo magaalada deggan, maadaama aysan dhaqaale ku filan ka helin ganacsiyadooda.
Hay’adda UNFPA oo fulineysa mashruucan ayaa sheegtay in hadafka laga leeyahay uu yahay in lagu yareeyo shaqo la’aanta ay la kulmaan ardayda jaamacadaha ka soo baxa.Waxa ay sheegtay in lacagta lagu maalgaliyay aysan aheyn deyn looga fadhiyo iney gudaan.