Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro hal-abuur la yimid markii ay ku shaqo beeleen saameynta cudurka COVID19

Radio Ergo by Radio Ergo
August 3, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
1
COVID-19,

Khaalid Cabdihaybe oo fikradda shaqada keenay oo goobtiisa shaqada fadhiya/Fardowsa Sheikh/Ergo

4
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo dhalinyaro ah oo tan iyo bishii Noofeembar ee sanadkii hore magaalada Hargeysa uga shaqeysta taayarrada gawaarida oo ay ka sameeyaan kuraasta lagu fariisto, weelasha ubax lagu beero iyo beeshinnada dharka la saarto ayaa wax kabadelay nolol maalmeedka qoysaskooda.

Dhalinyaradaan oo shaqadoodii hore uu hakad galiyey saameynta cudurka Koroona ayaa hal abuurkan u noqday mid ay si maalinle ah uga helaan lacag dhan 25 doollar.

Khaalid Cabdihaybe oo fikraddan keenay ayaa sheegay in saddexdii bil ee u dambeysay ay suuq fiican u heleen ganacsigooda cusub. Marka laga tago cunnada reerka ayay markii ugu horreysay u suuragashay inuu waxbarsho geeyo lix ka mid  carruurtiisa oo toban ah.

“Si wanaagsan ayey uga beddashay dee awal waxay ahayd masaarif yaroo meelahaa kasoo sameeyey iminka laakiin raashiinkii baad u dhigeysaa, iskuulladii baa caruurtii wada geeyey, wey ku filantahay,” ayuu yiri Khaalid.

Wuxuu iskuulka carruurta oo ay bishii hore ay billaabeen iyo dugsi Qur’aanka ku bixiyaa halkii canug 13 doollar taas oo wadarta guud ee lacagta kaga baxda waxbarshada caruurta ka dhigeysa 78 doollar sida uu inoo sheegay.

Wuxuu tilmaamay in bishii May ee sanadkii hore ay ka xirantay xarun ay ku alxami jireyn biraha baabuurta iyo albaabada, taas oo maalintii uu ka heli jiray $7. Wuxuu shaqo la’aan ahaa muddo ku dhow toddobo bil, inkastoo uu caawin ka heli jiray aabbihiis oo goomiiste leh.

Khadar Maxamuud oo ah Khaalid saaxiibkiisa oo ayna iskula shaqeeystaan fikradaan ayaa sheegay in ka hor shaqadan uu weyn jiray maalmaha qaar biilka reerka oo toddobo qof ah.

Shaqadan uu hadda hayo oo aan lahayn mushaar go’an oo ku xiran inta shey ee maalintii laga gato ayuu Khadar sheegay inay ku filantahay qoyskiisa oo sida caadiga ah maalintii biisha 50 kun oo shilinka Somaliland ah, una dhiganta lix doollar.

Wuxuu xusay in deyn ay ka qaadan jireen dukaamada dariska la ah xaafadda ay deggan yihiin intii uu shaqo la’aanta ahaa.

“Wixiii Alle meelahaas naga siiyo uun baan ku tiirsaneyn. Odayga banjarka uu haysto oon la yara caawinno oon masaarifka ka qaadanno ayuun bay ahayd. Kolley caqabad waa imaaneysaa oo waxyaabo badan oo hore loo heli jiray ayaan la heleyn. Dukaamada uun baan annagu u yara maslaxeynaa oo ay ka qaadan jireyn waxii  digsiga lagu ridanayey.”

Xannibaadyadii la soo rogay xilligii uu cudurka Koroona soo gaaray dalka ayay sababta ugu weyn ku sheegeen in shaqadoodii istaagto markii dadkii isku imaan lahaa la joojiyay, ayna waayeen cid ay u alxamaan. Suuq yarida ayaa keentay in xaruntii ay ka shaqeyn jireen dhallinyaradan ay is-bixin weyso.

Goobta ay ku sameeyaan wax soo saarkooda iyo agab ay ku billaabaan waxaa ku caawiyey Khaalid aabbihiis Cabdiheybe Ismaaciil oo muddo labaatan sano ah ku shaqeysanayay hagaajinta iyo banjarinta lugaha baabuurta.

Cabdiheybe oo todobaatan sano jir ah wuxuu nolol maalmeedkiisa ka hela goomiistaha oo uu hataan qeyb kamid ah u ogolaaday in uu wiilkiisu ku shaqeysto.

Taayarrada hadda shaqo abuurka u noqday Khaalid iyo saaxiibkiis Khadar ayuu sheegay inuu lacag ku bixin jiray sidii looga fogeyn lahaa, waqtiyada qaarna ay dowladda hoose ee Hargeysa ay ku ganaax jirtay.

Lacagtii ka soo gali jirtay goomiistaha oo maalintii aan ka badneyn laba dollar ayuu sheegay in ka badan tahay tan hadda ay ka helaan sameynta alaabahaan. Dhaqaale ka badan ayuu xusay in dhallinyarada ay soo saari karaan haddii ay qalab helaan, rajadoodana ay wanaagsan tahay.

Agabka ay isticmaalayaan dhalinyaradaan ayaa ah walxaha wax lagu gooyo iyo dubbaha, si ay isugu kawiyaan waxa ay sameenayaan. Muddo labo maalin ayay qaadataa sameynta kursi dhameystiran ama fadhiga ubaxa.

“Mar mar wey dhacdaa anba ay na muddo ama ay na naafeynba gaarto, beri dhoweyd iminka waaba I naafeyn gaadhay aniga toban qodob baa la’i tolay. Bartaa jilibka uu ka laabto seedaha u dhow bey ahayd, seed ayaaba wax gaareen waan soo tolnay lix qodob oo dusha ah iyo lix hoose ayey ahaayeen tobankaas ayaa la tolay,” ayuu yiri Khaalid.

Rajada ay ka qabaan haddii ay maalgalin u helaan hal-abuurkooda ayaa ah mid sareysa, ayna noqon karto mid waxtara qoysaskooda iyo dadkale oo iyaga ka badan.

Previous Post

Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

Next Post

Boosaaso: Dhalinyaro ku shaqo billaabay fikrado ganacsi oo loo maalgaliyay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Ganacsi iyo Tababar

Boosaaso: Dhalinyaro ku shaqo billaabay fikrado ganacsi oo loo maalgaliyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo