Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

Radio Ergo by Radio Ergo
July 8, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

Mid kamid ah shaqaalaha geella oo xerada ku waraabinaya/Cusmaan Madaale/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Aadan Xuubay waa geel dhaqato markii hore miyigi guuri jiray, balse wixii ka dambeeyay 2018-kii wuxuu geella u dhaqdaa nidaam ah in xero lagu xannaaneeyo oo isagoo aan foofin lagu quudinayo raashin kala ah galay, misir, qamadi, iyo boorash. Waa nidaam ay Soomaalidu u taqaan (barqamaal).

Cabdi wuxuu ka mid yahay dadkii ugu horeeyay ee habkan cusub ee loo dhaqdo geella ka bilaabay magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud oo maanta ay ku yaalaan illaa 15 xero oo geela lagu xannaaneeyo.

Cabdi wuxuu hadda dhaqdaa shanboqol oo geel ah, balse wuxuu sheegay in qaabkan cusub uu markii hore ku billaabayay saddex kamid ah 150 geel ah oo miyiga uu ku dhaqanayay, balse asbuucyo kadib ayuu dhammaan xoolihiisa ka soo wareejiyay miyiga markii uu arkay in habkaan uu waxtar leeyahay.

“Sadex neef ayaan ku baroobeeyay, balse markii hore waxaan is lahaa haddii geelu la qabsan waayo ka daa, balse shaqadii waan ku guulaysanay.”

Waxuu sheegay in fikradan inuu tijaabiyo ay ku dhalatay si abaarta uu uga gaashaanto sanadkii 2017-kii, markaas oo afartan neef oo geel ah ay uga dhinteen abaar sanadkaas taagneyd. Habkan barqa maalka ah ayuu xusay inuusan wax fikir ah ka haysan, balse uu maqlay in magaalooyinka qaar uu ka jiro.

Tallaabadii ugu horeysay ee uu qaado ayaana aheyd inuu iibiyo saddex awr oo geeliisa kamid ah si raashiin iyo biyo uu ugu iibiyo geela kale.

Cabdi iyo xoola dhaqatada la midka ah ayaa ah kuwa ugu badan ee caanaha u iib geeya Baxdo iyo tuulooyinka hoostaga, taasoo raqiis ka dhigtay caanaha geella oo wixii ka horeeyay 2018-kii koombadii lagu iibsan jiray $2, halka hadda ay joogaan $1.

Cabdi Aadan ayaa tilmaamay in 50 neef oo geeeliisa uga irmaan laga liso maalinkii labada galin saddex boqol oo koombo oo marka la iibiyo uu ka helo maalinkiiba dhaqaale gaaraya $300, halka bihsii uu sheegay inuu ka helo marka qarashaadka uu ka jaro kun illaa $1,200.

“Geela miyigu wax nacfiyaba malahayn. geela maanta wax kasta waad ku heli kartaa haddaad suuqa gaysato lacaguu leeyahay hadaad caanihiisa gaysato lacaguu leeyahay.”

Cabdi oo geella ay kala shaqeeyaan 5 ruux oo kale ayaa sheegay in faa’idada uu ku qabo geella aysan aheyn caanaha oo kaliya, balse uu dib iskaga iibiyo geel uu markii hore miyiga uga soo iibsaday qiimo jaban, kaasoo marka sanad ama bilooyin uu nafaqeysto uu dib ugu iibsado qiime ka badan ugu yaraan boqolkiiba toban lacagtii uu horey ugu soo iibsaday, waxaana inta badan ka iibsada ganacsatada geella qala ee magaalooyinka waa weyn ee Galgaduud. Wuxuuna muddada uu howshan ku jiro uu soo iibsaday geel gaaraya 180.

Nolosha qoyskiisa oo ka kooban 7 qof ayuu sheegay iney is badashay oo hadda ay carruurtu wax uga bartaan magaalada, qoyskiisuna uu u deggan yahay Baxdo islamarkaana uu leeyahay keyd dhaqaale, nolosha hadda uu ku jiro ayuu sheegay in markii uu miyiga daganaa aysan aheyn mid uusan hiigsan kareyn sida uu xusay.

”Wax wanaagsan oo xalaal ah oo ilaahay iskugu keen aadiyay ayaan haystaa, ilaahay ayaan mahad uga haynaa.”

Sidoo kale waxaa shaqa abuur ka helay caanaha geella barqa maalka ah dumar ku iibiya waddooyinka Baxdo.

Barni Cali Cabdi ayaa haweenkaas ka mid ah, waxeyna qoyskeedu ay abaartii sanadkii 2017-kii ku waayeen 290 nef oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga Baxdo. Iyadoo shaqa la’aan ah, magaaladuna ay ku cusubtahay ayey sheegtay iney bilowday shaqadan gadista caanaha geelle ah.

Waxey noo sheegtay in muddo sanad ah oo ay iibineyso caanaha ay dhaqaalaha ka soo gala ka maareyso nolosha qoyskeeda oo ka kooban toddobo qof. Deyn gaareysa $800 oo ay sheegtay in lagu lahaa inta aysan shaqadan bilaabin ayey xustay iney iska guday, hadana ay habeen kasta meel dhigato ugu yaraan $4.

“Boqol koonbo waa gadaa maalinkii, koonbo caana ah oo aan ka cabona waan ka helaa. faa’iidaan ku qabaa, waxna waan ka dhigtaa.”

Maxamed Aadan waa ganasade maal gashaday illaa 1,000 neef oo geel ah sanadkii 2019kii. Wuxuu sheegay inuu ku dhiiraday markii uu arkay sida ay uga macaashayaan dadkii uga horeeyay.

Maxamed ayaa sheegay in geella hadda u irmaan uu yahay 200 oo neef ayna iibka caanaha iyo geelaba uu bishii ka helo $3000 marka laga reebo muhaarka shaqaale gaaraya afar nin iyo qarashka ku baxa raashiinka iyo biyaha uu cabo geelu.

“Habkan waa dhaqasho wanaagsan, aniga waxaa iiga shaqeeya shaqaale aan lacag siiyo oo ii xanaaneeya.”

Dhanka kale waxaa jira reer miyi wali geela ku dhaqda miyiga oo aan aaminsaneyn in la dhaqan karo geel aan duurka u foofeyn oo xero lagu quudiyo.

Duraan Cabdi shire oo hadda 80 geel ah ku dhaqda miyiga deegaanka Gidhays ee gobolka Galgaduud oo aaminsaneyn fikradaas ayaa xusay in waligiis uu miyigi ku dhaqan doono geella isagoo raacaya nidaamka soo jireenka ah ee dhaqashada geela,kaasoo ah in hadba loo daaq geeyo halkii naq leh.

Iima qorsheysna in aan magaalo ku dhaqdo geel, dhirtaan ilaahay unbaa deeqi karta oo aan ku dhaqanayaa.”

Dadka geela ku dhaqda nidaamkan cusub ayaa sheegay in neef kasta la siiyo 24-kii saacba labo koombo oo raashin aan bisleyn ah iyo kiilo boorash ah. waana raashiin ay jumlo ku soo iibsadaan, sidoo kale biyaha ayaa ah kuwo lacag ah oo booyado loogu dhaamiyo.

Previous Post

Buulaburde: Qaar ka tirsan beeralayda oo ay saamayn dhaqaale ku yeelatay fatahaadda oo burburisay kannaallada

Next Post

Dhallinyaro hal-abuur la yimid markii ay ku shaqo beeleen saameynta cudurka COVID19

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
COVID-19,

Dhallinyaro hal-abuur la yimid markii ay ku shaqo beeleen saameynta cudurka COVID19

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo