(ERGO) – Qaar ka tirsan dadka barakacay ee ku nool magaalada Xudur, ayaa helay musqulo iyo biyo bilaasha ah sanado kadib. Qoysaskan ayaa ka soo barakacay deegaanno kala duwan kadib marki ay saameeyeen abaaraha iyo roob yarida.
Wasaaradda macdanta iyo khayraadka biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in 450 musqulood ay ka hirgalisay 10 xero barakac oo ay ku nool yihiin 5,729 qof.
Wasaaradda oo taageero dhaqaale ka helaysa hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa sidoo kale dayactir ku samaysay ceelal ay biyo ka helaan qoysaskan barakacay, kuwaas oo loo sameeyay goobo ay biyo ka dhaansadaan.
Musqulahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay helaan dadkan.
Cabdullaahi Nuur Maxamed oo wasaaradda u qaabilsan gobolka Bakool, ayaa sheegay in sababta ay tallaabadan u qaadeen ay ahayd in laga hortago in cudurro ka dillaacaan xeryaha barakacayaasha.
“Marki hore wwaxaan qiimayn ku sammaynnay xaaladda qoysaska barakacay, waxaan ogaannay in baahida ugu wayn ay tahay inay helaan musqulo iyo biyo, waana sababta aan u hirgalinay musqulaha iyo biyaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.
Xasan Maxamed Keer oo qoyskiisu ka kooban yahay sideed qof oo laba sano ku nool xerada Garaswayne ee magaalada Xudur, ayaa sheegay in marki hore uu aad uga welweli jiray in xaaskiisa iyo carruurta ay bannaanka u aadaan musqulo. Wuxuu sidoo kale xusay in biyaha ay u doonan jireen meel hal saac u jirta oo ay haweenku dhabarka ku soo aroori jireen.
“Ugu yaraan hadda musqulo ayaan haysannaa iyo biyo bilaash ah oo xerada dhexdeeda noogu yaalla, inkastoo musqulaha ay yaryihiin balse sidi hore waan ka fiicannahay,” ayuu yiri Xasan oo ay ka muuqtay in uu ku faraxsan yahay in uu helo biyo iyo musqul.
Nolasha qoyska Xasan waxay ku tiirsanayd dalagyo uga soo go’i jiray beer uu kulaa deegaanki uu ka soo barakacay kadib marki roob yarida oo ay ka dhalatay biyo la’aan ay beerti bixi wayday.
In kastoo qoysaskan ay heleen biyo iyo msqulo bilaash ah, haddana ma haystaan cunto iyo shaqooyin ay kala soo baxaan nolal maalmeedka. Qoyska Xasan ayaa hadda ku tiirsan lacag yar oo ay u soo diraan dad ay qaraabo yihiin.
“Waxaan karsanaa wixii aan ka helno dadka na caawiya, ma jirto raashin toos ah oo aan helno, maalmaha qaar waan iska seexaannaa annaga oo baahan,” ayuu yiri Xasan.
Haweenka iyo carruurta oo ahaa dadka sida aadka ah ugu baahnaa inay helaan musqulo iyo biyo, ayaa sheegay in tani tahay fursad wanaagsan marka loo eego xaalki hore ee ay ku jireen.
Edebo Xasan Maalin oo ah, haweenay qoyskeedu yahay barakac ku nool Xudur ayaa sheegtay in marka ay u baahato musqul ay u yeeran jirtay haweenka kale ee la degan xerada si ay u weheshato, maadaama ay ka cabsi qabtay in dhibaato soo gaarto. Waxay sidoo kale aad ugu faraxsan tahay in biyo bilaash ah ay hesho maadaama marki hore biyo ii boo ay meel fog ka soo dhaamin jirtay.
“Waxaan nahay haween wax kasta ayaa nagu dhici kara marka aan musqulaha u aadno meel fog, musqul la’aanta waxay ahayd dhibaato na haystay marka aad ayaan u faraxsannahay in xerada dhexdeeda aan musqul ku helno,” ayay tiri Edebo.
“Waxay nagu qaadan jirtay hal saac in aan helno biyo laakiin hadda waa diyaar oo kama welwelo, alle ayaa mahad iska leh haddii aan xerada kuhaysanno,” ayay tiri mar kale Edebo.
Qiimaha raashinka ee magaalada Xudur ayaa qaali ah in muddo ahba, kadib marki magaalada ay go’doomiyeen Al-shabaab, taasoo oo keentay in qoysas badan ay ka soo barakacaan tuulooyinka iyo miyiga, soona galaan magaalada si ay nolal u helaan.
Wasaaradda macdanta iyo khayraadka biyaha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in shaqadeedu tahay biyaha balse dhanka raashinka iyo adeegyada kale ay qaabilsan yihiin wasaarado kale.









