Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa Boosaaso oo wajahaya xaalad dhinaca nolosha ah

Radio Ergo by Radio Ergo
July 6, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay oo ku gubatay suuqa Wajaale

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Muddo ku dhow bil ayaa laga jooga gubashada qaybta bacadlaha suuqa wayn ee Boosaaso, Cismaan Isaaq Mursal oo dhamaan ganacsigiisa ku waayay dabka wuxuu la halgamaya nolol-maalmeedka qoyskiisa oo toban qof ah, Wuxuu ka dariyay in uusan u heli Karin cunno iyo arad-tir kale sida dharka, kirada-guriga iyo qarashka waxbarashadooda, shan iyo tobankii maalin ee u danbeeyay ayuu u helay carruurtiisa $10 oo ay ku caawiyeen dad ehelkiisa ah.

Wuxuu ka mid yahay in ka badan konton qof oo uu saameeyay dab baabi’iyay ganacsiyadooda13-kii bishii Juun ee sanadkan, ishii dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanaa oo meesha ka baxday waxay sababtay in mararka qaar maalintii ay helaan hal waqti waxay cunaan.

Qoyskiisa oo ka hor gubashada ganacsigiisa cimilada kulul uga xagaa baxay Boosaaso waxay ku nool yihiin dagmada Cabadu waaq halkaas oo xaalad adag oo dhinaca nolosha ah ay ku haysto.

“Subax kasta halkaas baa wax loogu dirayay lacagta, habeenkii meeshu gubatay baa u danbeysay wax loo diro sida ay ku nool yihiin warba uma hayo ilaahey baa og, carruurta qaraabo ay agjoogaan maahane wax aan u haynno oo aniga maanta aan isku hallayn karo ilaahey ka sokow lama arko.”

Wuxuu sheegay in uusan meel ku ogayn lacagtii uu ku soo celin lahaa qoyskiisa oo dhan $300 iyo mid uu ku masruufo islamarkaana uu uga bixin lahaa kirada guriga ay hadda ku nool yihiin oo ah $20.

Cismaan oo dabka ku waayay hanti uu ku qiimeeyay $20,000 waxay qoyskiisu maalintii ay biillan jireen $6. Hadda se taasi meesha way ka baxday, wuxuu sheegay in uu noqday dhari labada dhinac ka gubanaya maaddama isagu uusan nolol ku haysan Boosaaso carruurtiisuna cunno xumo ku haysto deegaan kale.

Afar ka tirsan carruurtiisa oo mid ka mid ah uu dhiganayo dugsiga sare ee Shaafici iyo kuwa kale oo ku jira fasallada dhexe iyo hoose ee dugsigaas ayuu waxbarashadooda ku bixinayay $70, wuxuu sheegay in marka dib loo furo iskuullada bisha sagaallaad ee sanadkan aysan u suuro galidoonin sii wadashada waxbarashadooda duruufta dhaqaale ee haysa darteed.

Cismaan oo dagaallo sokeeyo uga soo barakacay Muqdisho 1994-tii wuxuu ka billaabay Boosaaso ka ganacsiga bagaashka oo uu ku wareejin jiray gaari-gacan, Wuxuu sheegay in markii horumar fiican uu ka sameeyay ganacsig uu ka soo wareegay xero barakac oo uu ku jiray.

Kama uusan quusan in uu dib u billaabo ganacsiga waxaa se haatan uu la halgamaya nolosha adag ee dabku baday.

“Qalbiga wax magaarin howshii haddii ay wax gaareen waan iska shaqaysan lahaa haddii ilaahey wax nasiiyo meel uun baan ka billaabaynaa wax garab lagu wareejiyo, gaari-gacan ama ganacsiga dhulka la dhigto.”

Dabka qasaaraha gaarsiiyay ganacstada ayaa baabi’iyay inta badan qaybta bacadlaha ee suuqa Boosaaso, guddiga maamulla suuqa waxay sheegeen in dabku uu ka dhashay qalad ka yimid koronto ku xirnayd mid ka mid ah goobaha ganacsi, taasi oo xili habeen ah dabka dhalisay.

Ku dhawaad boqol ganacsato ah ayaa dhibaatadu gaartay waxaana gaadiidka dab-damisku ay badbaadin u sameeyeen qaar ka tirsan ganacsatada oo qayb ka mid ah hantidooda loo badbaadiyay.

Dadka ku ganacsi beelay dabka waxaa kamid ah Maxamed Cumar Maxamuud oo 35 jir ah, wuxuu dukaan qalabka Electronigga uu ku iibinayay ku lahaa suuqa gubtay, ganacsiga agabkan oo uu billaabay 2012-kii ayaa ka mid noqday kuwa ku basbeelay dabka.

“Aniga ahaan $20 oo faa’iido ah waan ku xisaabtamayay maalintii, laakiin annaga uun baa hadda kaydkii noo haray naftanada ku sii celcelinaa.”

Maxamed oo ay ka qasaartay in kabadan 8,000 oo doller ma lahan xirfad kale oo uu isku dabbaro si uu u caawiyo carruurtiisa.

Guddiga maamulka suuqa wayn ee Boosaaso ayaa ku howlan sidii loo taageeri lahaa dadka ku cayroobay dabka, Ismaaciil Maxamed Yuusuf oo madax u ah guddigan ayaa Radio Ergo u sheegay in ay socoto qaaraan ay iska aruurinaya ganacstada dabku uusan saamayn si ay u gacan siiyaan dhigooda hantidoodii waayay.

“Annagu hadda wax uruurin baan ku jirnaa wali cidna wax maanan gaarsiin laakiin wax ururintii baan wadnaa, dadkii dabku dhibaateeyay way siman yihiin maanta gacan-qabashana way u baahan yihiin.”

 

Previous Post

Xudur: Qaar ka tirsan qoysaska barakacay oo helay musqulo iyo biyo bilaash ah

Next Post

Buulaburde: Qaar ka tirsan beeralayda oo ay saamayn dhaqaale ku yeelatay fatahaadda oo burburisay kannaallada

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Jowhar: Beeralay ku tiirsanayd roobka oo u wareegay waraab

Buulaburde: Qaar ka tirsan beeralayda oo ay saamayn dhaqaale ku yeelatay fatahaadda oo burburisay kannaallada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo