Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Buulaburde: Qaar ka tirsan beeralayda oo ay saamayn dhaqaale ku yeelatay fatahaadda oo burburisay kannaallada

Radio Ergo by Radio Ergo
July 7, 2021
in Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Beeralay ku tiirsanayd roobka oo u wareegay waraab

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuur Magan Mahdi oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 11 qof ayaa 10-ki bishi June ee sanadkan soo degay xero barakac oo ku taalla degmada Buuleburde ee gobolka Hiiraan.

Qoyskan oo beeralay oo ku noolaa tuulada Maraylay oo 3km u jirta Buuleburde, ayaa sababta ugu wayn ee soo barakicisay ay tahay in kannaalki ay ku waraabsan jireen beerta ay burburisay fatahaadda webiga Shabeelle oo soo noqnotay dhawrki sano ee la soo dhaafay.

Kannaalada waraabiya beeraha oo ka samaysan ciid ayaa fataaddu ka burburisay dhinacyada, kuwaas oo biyaha daadinaya oo keentay in biyuhu beeraha gaari waayaan.

Nuur ayaa sheegay in marki ugu dambaysay ee uu dalag goosto ay ahayd bishi November ee sanadki 2020-ki. Bishi Koobaad ee sanadkan ayuu beeray dalagyo kala duwan sida yaanyada, galleey iyo digir laakiin way qallaleen kadib marki kannaalku biyaha soo gaarsiin waayeen, maadaama beertiisa oo lix hiktar ah ay webiga u jirto 4 kiilo mitir.

“Waxaan ahaa nin danyar ah oo ku tiirsanaa dalagga uga soo go’a beerta.Waxaan lahaa matoor biyaha ka soo saara webiga balse waxaa la tagay fatahaaddi,” ayuu yiri Nuur.

“Kannaanlka waxaa burburiyay fatahaadda, sidaa darteed waxaan go’aansaday in aan joojiyo beerashada, waana ka soo guuray deegaanki,” ayuu yiri mar kale Nuur.

Nolasha qoyskiisa ayuu hadda ku maareeyaa gaari gacan kiro ah oo bishi laga qaado 4 doollar, kaas  oo alaabaha geeya xaafadaha marka ay dadku soo adeegtaan oo maaliti ay ka soo gasho lacagdhan hal doollar.

“Kuma faraxsani shaqadan, dan ayaa igu khasabtay ma hayo wax kale oo aan kubadasho iyo meel aan ka helo dhaqaale, haddii aan helo qof icaawiya waxaan jeclaan lahaa in aan ku noqdo beertaydi,” Ayuu yiri Nuur Magan.

Wuxuu intaa ku daray in kannaalkan ay isticmaalayeen tan iyo xilligi dowladdi dhexe, dhawrki sano ee la soo dhaafay ayuu xusay in ugu yaraan lix jeer ay dayactir ku samayeen laakiin mar walba oo ay fatahaad imaato ay saamayn ku yeelanaysay.

Nuur ayaa sheegay in dhaqaale yarida soo wajahday beeralayda ay sabab u noqotay inay hagaajiyaan kannaallada maadaama ayax iyo fatahaad ay aad u saameeyeen.

Nuur oo marka dalaggu u soo go’o ka heli jiray lacag dhan ku doollar, ayaa hadda sheegay in lagu leeyahay lacag gaaraysa 160 doollar oo uu ku maalgaliyay dallagyadi ugu dambeeyay ee ka qallalay.

Aadan Cabdulle Jimcaale oo ka mid beeralayda ay saamaysay arrintan ayaa sheegay in hadda uu beer la fasho nin ay qaraabo yihiin kadib marki beertiisa oo ku taalla deegaanka Mareeglay oo 7km u jirta magaalada ay biyaha soo gaari waayeen. 

Ninka ay qaraabada yihiin ayuu xusay in uu dayac tir ku samaystay kannaalka beerta u waraabiya, uuna ku caawiyay in qayb ka mid ah uubeerto si uu maareeyo nolasha qoyskiisa.

Nolasha qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan dayn uu u soo qaado ninka ay qaraabada yihiin, Aadan ayaa rajaynaya in uu iska bixiyo lacagtata deynt ah oo gaarsay 950 doollar oo isticmaalay 3 bil ee u dambaysay marka ay u sooo go’aan dalagyada hadda u beeran.

Nuur Maxamed Kuuli oo ah ku xigeenka iskaashatada beeralayda ee degmada Buulaburde ayaa sheegay in 68 kannaal ay burburiyeen fatahaadaha soo noqnoqday. Wuxuu intaa ku daray in lix ka mid ah, ay si iskood ah u hagaajiyeen.

Wuxuu xusay in 700 oo qoys oo beeralay ah ay saamayn ku yeelatay arrintaan kuwaas oo ku khasabaanday inay barakacaan maadaama aysan waxba beeran.

“Roobka wuu yaraa, beeraha la buurayna way yaryihiin marka ma filayno in dalagyo fiican la goosto sanadkan,” ayuu yiri  Nuur.

 

Previous Post

Qoysas ku hanti beelay dab ka kacay suuqa Boosaaso oo wajahaya xaalad dhinaca nolosha ah

Next Post

Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

Galgaduud: Xoolo dhaqato bedelay habkii geela loogu dhaqan jiray miyiga oo sheegay in faa’ido badan ay ka heleen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-JUL-2026

IDAACADDA 08-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo