(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo dagaallo qabiil tan iyo billowgii sanadkan uga soo barakacayay gobollka Shabeellaha hoose ayaa la siiyay dhul bannaan oo ay guryo ka dhistaan.
Qoysaskan oo dulsaar ku ahaa qoysas kale oo barakac ah oo deggan xerada Qulqul ee degmada Dayniile ayaa dhulkan oo lix boos ah ganacsato ugu kireeyeen inay ku noolaadaan muddo shan sano ah si ay u helaan meel ay ku hoydaan.
Xaawo Nuur Maxamed oo ah hooyada siddeed carruur oo aabbahood dhintay, wuxuu qoyskeedu ka mid yahay 240 qoys oo dhulka soo dagayay labo toddobaad ee u dambeeyay.
Haweenaydan oo bishii labaad ee sanadkan ka soo barakacday deegaanka Balladul-Amiin, waxay sheegtay in qoryaha iyo bacaha ay ku dhisatay booska la siiyay ka caawiyay dad barkac ah oo deggan xerada ay horay ugu noolaayeen.
“Marki rafaadkeena dadki aan kuuso dul-dagnay ay arkeen ayeey no gurmadeen Gudoomiyahaa nooso tuugay saas ayaa loo dhahay Dhulkan, anagga waan idiin dajin karna lakiin ma idiin dhisi karno alxamdulilaah meesha naan maanta guri aan leenahay furan kartido xiran kartiid dagtid iyo inaad guri weyn oo qaado weyn joogto hadi wax kaso gaari karana kaso garan hadi kale na ka soo gaarin oo aad maamulan karin rubuc bariis ah haddaad karsato bar cuni karin barna dhigan karin isku mid ma aha.”
Waxay Xaawo sheegtay in weli ay jiraan culaysyo ka haysta dhanka cunnada, biyaha, musqulaha iyo maacuunta wax lagu karsado. Qoyskeedu wuxuu xaaladdan barkaca ka hor ahaa beeralay ku tiirsan dalagyada u soo baxa oo ay ku jireen galley, masaggo iyo sisin.
Xaawo ayaa tilmaamtay in caqabad kasta oo ka haysata dhanka nolosha ay iyada iyo carruurteeda uga mihiimsan tahay in meel ammaan ay deggan yihiin oo wax cabsi colaad ah aysan qabin.
“Hadda farxad na waan dareemayaa. Culeys-na waan dareemayaa. Culeeyska aan dareeemayaa waa dahnahayga ima dhamays tirna farxadna waan dareemaya oo weraar colaadeed ma jiro waa amaan umada islaamka ah waxay qabaan baan la qaba waanku niyad samahay hadda waan ku qanacsanahay meel dhib ah qof kaso baxay wuu ku qancaa halkan.”
Xaawo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in hadda ay qabato shaqooyinka dhar-dhaqidda iyo nadaafadda oo aan joogto ahayn taas oo dhaqaalaha ka soo gala oo dhan labo ilaa saddex ay iyadda iyo qoyskeedu hal waqti dabka ku shitaan.
Sidoo kale Cabdiyo Xuseen Cali iyo qoyskeeda oo ka kooban afar qof ay ka mid yihiin dadka dhulkan la dajiyay, waxay sheegtay in ay ka soo barakacday colaadaha qabiillada u dhaxeeya ee Gobollka Shabeelaha hoose muddo saddex bill aga joogo.
Cabdiyo oo ahayd xoolo-dhaqato-beeraley waxay sheegtay in colaadaha deegaankeeda ay ku waysay xoolo, beer iyo gaari ay lahaayeen, taas oo ku qasabtay in nolol ay magaalada Muqdisho ka soo raadsadaan.
Waxay xustay in dulsaar muddo dheer ah iyo xaalado adag oo ay so mareen iyada iyo qoysaska kale ay ugu dambeyn dhulkan heleen.
“Dhuulkaan wan ku qanacsan nahay in naloo dhisay oo an iska dagno Gurigeena anku qadno aanku quudno haddi Raas naloo yeelay waanku qanacsanahay balse bila Adan ma dhamaystirna wax walba waan ubaahanahay Dhar baan ubahaanahay, Gogol baan ubaahanay, biyaan u baahan nahay, badar baan ubaahanahay, musqul baan ubaahanahay, waxaan walbaan u baahanahay.”
Qoyskan ayaa hal Waqti hela cunno karsan oo ay ka caawiyaan maamulka xerada. Cabdiyo waxay sheegtay in uu ku tiirsanaa qoyskeedu dalagyada ka soo baxa beertooda iyo Xoolaha ay dhaqan jireen ayna ahaayeen qoys Hodan ah isla markaana hadda joogitaanka magaalada ay ku tahay xaalad adag oo u baahan waqti iyo la qabsasho.
“Dhaqaalaheena badarka aan beerano iyo xoolaheena ayuu ahaa oo wax kale ma ahayn Magaalada la sheegayo Dhagta leen ka maqlayney waligeen Dhayaha ma saarin Dad Xoolihiisa iska dhaqda ayaan ahayn iskala guuraya baadiyaha iskala adaya Gaarigiisa iska raranaaya oo duurka iska degaya shan cawo ku bari ka guur meel kale iska deg dad Baadiye ku dhaqmaya ayan ahayn marka ay Jilaal noqoto ayan Beeraha iyo Guriga soo dagaynay marka ay Roob tahay na baadiyaha ayaan iskaga guuraynay alxamdulilaah.”
Maxamed Siidoow Ibraahim horjoogaha kaamka Qulqul oo ah wakiilka ay ganacsatadda dhulkan bixiyeey u wakiisheen dib u dajinta qoysaskan ayaa sheegay in dadka la dajiyeey dhulkan ay yihiin kuwii ugu nuglaa qoysaska soo barakacay.
Wuxuu xusay in dadkan ganacsatadu ay ka taageereen dhulkan oo kali ah balse qoysaskii horay u degganaa xerada oo 500 oo qoys ah laga soo uruuriyey agabka ay dadkan cooshadaha ku dhisteen.
“Dadkan soo Barakacay siddii qeyba mar u imanaysay ayeey halkan soo gareen markaa aas-aaska dhulkan ilaahay baanoo keenay ganacsato dhukan noo kireeyay kheyr allah ha siiye dhulkan balan ayeey nooga qaadeen in ay noo deyn donaan inta dhibkan lagga baxaayo wax kale oo aan ka caawin karno ma jirto meesha musquulaha ma haystaan wax aan uga yeelno na ma jirto dadkan dhib ayaa iska haysta.”
Wuxuu sheegay in wali ay jiraan baahiyo dhanka deegaanka ka haysta qoysaskan oo weli qeyb ka mid ah ay dulsaar ku yihiin qoysas kale maaddaama dhamaantood aysan haysan ay agab ay hoy ku dhistaan.
Waxaa ka mid ah qoyska Faadumo Aadan Cali oo ka mid ah kuwii u dambeeyay ee kaso barakaca Gobollka Shabeelaha hoose. Waxa ay soo gaartay kamkan Afarti bisha Shanaad ee sanadkan. Waxa ay sheegtay in iyada iyo qoyskeeda oo ka kooban Tobban iyo Labba qof ay ku nool yihiin wixii ay kuso helaan tuugsi madama anay Aqoon iyo Xirfad ulahayn Magaalada ay kaga shaqaysato.
Waxa ay sheegtay in ay heshay dhul iyo aggabyo aan badnayn oo ka kooban hal Bac, iyo Afar qori, kuwaas oo aan usurta galinayn in ay ka dhigtaan hooy, ay dagaan oo ku filan dhamaan qooyskeedu sidaas darteed ay wali ku yihiin dulsaar qooysaaski cusba ee dhulkan dagay oo ay sheegtay in ay yihiin Dariskeeda iyo Qarabadeeda.
“Wax aanku dhisano ma haysano Kun Shilin ma haysano dhibkaasa na haysta waan iska joogna wax Gacan noogu jira malaha dhibatada noogu weyn ee na haysta waa wax aan wax ku dhisano Bac ma haysano Geedaha meeshan beec waye Tobban Geedood oo dhir ah hal dollar bala bixiya meel aan udoonanayno Geed ma laha ma haysano Masaar ma wadano Bangad ma haysano meel anka raadsano waxba ma naqaan.”
Faadumo waxa ay sheegtay in ay sugayso Kaalmo uu u balan qaaday in loo raadin doono Maamulka kaamka oo sheegay in qooysaaska anay ku filnayn aggabyada lo qaybiyeey loo raadin doono baco iyo qoryo kale oo dhaqaalaha ku baxaya ay iska kaashan donaan qoaysaaski hore udagana kuwaas oo qoys walba ay bixin donaan lacag dhan Labbatan iyo Shan kun oo Shiling Soomaali ah taas oo udhiganta hal dollar.
Faadumo rajo wanagsan ayeey ka qabta in qoyskeeda qayb ka mid ah oo wali dulsaar ku ah qooysas kale ay heli donaan aggabyo ay ku tagtan Cooshad ay ka galaan Robabka iyo Qoraxda balse wali wax jawaab ah kama helin Maamulka kaamka ka iyo gudiyadda qoysaaskan lacagta kasoo uruurin laha.
Maamulaha ayaa sheegay in ay jiran balanqaadyo ay ka heleen hay,ado ganacsato culimo iyo uruuro bulsho oo ku adan sidi qoysaskani uheli lahayen aggabyo dhamaystiran oo ay ku dhistaan, dhulkan, biyo, iyo rashiin ku filan, rajo wanaaagsan na ay ka qaban in loo ga so jawabi doono cabashadooda.
Dhulkan hadda loo kireeyay ayaa ka kooban sagaal boos oo Lix ka mid ah ay ka bixiyeen lacag 3 kun oo dollar ganacsatadan oo aan muddo shan sano ah laga barakicin Karin dadkaasi saddexda kalena dadkii lahaa ay ku sadaqeysteen shantaasi sano.