Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Colaad saamaysay qoys xoolo dhaqato ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 28, 2021
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan laba kun oo qoys ayaa toddobaadkan dib ugu laabtay deegaanka Baxdo-gaabo iyo deegaannada u dhowdhow, kuwaas oo billowgi bishan ka barakacay dagaal ka dhacay halkaas oo ka billoway muran dhuleed.

Sababta ay u soo noqdeen ayaa ah in ciidamo ka socda dowladda federaalka ah  iyo maamulka Galmudug la geeyay goobta uu dagaalku dhacay, kuwaas sameeyay xabad joojin, kuna baaqay in dadki barakacay ay ku soo laabtaan deegaanka.

Layla Cali Xasan oo qoyskeedu ka kooban sagaal qof ayaa ka mid dadka ku soo laabtay guryahooda kadib 16 maalmood oo ay barakac ku joogtay deegaanka Abeesaale oo 25 kiilo mitir u jira Baxdo-gaabo. Layla iyo qoyskeeda oo ahaa xoolo-dhaqato ayaa hadda billaabay noloshoodii caadiga ahayd.

“Markii la yiri xabad joojin baa dhacday dadkii walaalaha ahaa oo dirirayna waa la heshiisiinayaa oo gacmahaa la isku saarayaa farxad ayaan dareemay sidaas ayaan ku soo laabtay hadda waxaan sugaynaa nabaddii,” ayay tiri Layla.

Dagaalka ayaa waxaa sababay in baraago laga qoday goob horay loogu asteeyay in aan la deegaamayn oo la isku raacay kaliya in xoolaha labada qabiil ee deegaanka wada daaqaan sanadii 2015, xilligaas odayaasha dhaqanka ay isku afgarteen kadib dagaallo ka dhacay isla goobtaas.

“Dhibaataan ayaan dareenay oo barakac ah, waa garan kartaa dhibka aad kala kulmaysid, hooya ahaan waxaan dareemaayay in aysan fiicnayn dhibaatada iyo xabadda iyo rafaadka, markaas awrkeenaan raranay xoolaheenaan wadanay mudaan soconay dadbadan baan ahayn barakac iyo kala lun ayaan la kulannay,” ayay tiri Layla.

Cubtan Axmed Afrax iyo carruurteeda ayaa hadda si caadi u billaabay nolal-maalmooda kadib 18 beri oo ay barakac ku joogeen deegaanka Dudume-cadde 18 killo mitir dhanka bari kaga xiga Baxdo-gaabo, oo ay gaareen maalnti koobaad ee dagaalku dhacay oo ahayd 3 bishan Juun. Cubtan oo hadda maamulanaysa gurigeed ayaa sheegtay in 100 neef oo ari oo ay leeahayd 50 ka mid ah ayay kaga lumeen colaadda oo wali ay baadi goobayso.

“Waxaan niyaystay in ilaahay dadkii caawiyay nololaan dareemay xabaddii mar hadday joogsatay awalba annagu xabaddaas ayaan ka baqaynay waan iska soo laabanay cidaheenii ayaan ku soo laabanay nabadaan qalbiga gashanay ilaahay ayaana ka dhawraynaa in ay noo siyaado, biyaha meel iga durugsan ayaan ka sooqaataa arigaan shubtaa,” ayay tiri Cubtan oo aad ugu faraxsan inay ka soo kabato barakaca.

Waxay sheegtay in kontonka neef ee ay hadda haysato ay qaarba meel ka keentay kadib marki ay ku kala carareen rasaasti. Maalinti dagaalka ayay xustay inay ka gaariway in ariga ay ka xaysto oo kaliya la qaxday carruurta iyo nafteeda.

“Marki xabaddu bilaabatay goor duhurka agtiisa oo labada dhicnaba rasaas ka dhacaday arigi waa kala diday anaguna intaan ilmahii gacanta ku dhagnay oo meel duud ah isku aadinay ayaan halkaas u cararnay.”

Intii ay barakaca ku maqnaayeen ayay degenayaan meel geed hoostiis ah balse marki ay maqashay in la kala qaaday maleeshiyaadki dagaallamayay ayay go’aasatay inay ku soo noqoto hoyigeeda.

Godoomiyayaasha deegaannada Docolay iyo Baxdo-gabo oo kaashanaya ciidamada Booliska ee dawladda fadaraalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa burburiyay afar baraagood iyo afar bacood oo dagaalku ka dhashay si loo soo afjaro colaadda.

Gudoomiyaha Docolay Cilmi Axmed Aadan oo la hadlay Radio Ergo ayaa sheegay inay wadaan dedaallada lagu xallinayo colaaddan iyo dadku ku wada noolaadaan si nabdoon iyagoo u sameeyay nadaam ay ku wada daaqi karaan deegaanka.

“Waxaan u samaynay nadaam ah meel yar oo daliigtin ah ayaan u samaynay oo waxaan niri meeshaas xooluhu ay daaqaan wax baraag ah iyo wax dhisma ah lagama samayn karo, waxaan wacnay ciidamada amaanka waxaan niri dacwaa ayaa ka’imaanaysa labada dhinac si loo kala dhexgalo dad iyo ciidamo haloo soo diro markaas waxaa nasoo gaaray ciidanki, waxaan ku guulaysanay in labadii maleeshiyaad aan kala qaadno,” ayuu yiri gudoomiyaha Docolley.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Muqdisho: Boqollaal qoys oo barakaca ah oo la siiyay dhul ay shan sano ku noolaadaan

Next Post

Ka ganacsiga malabka shinnida oo nolol u abuuray dadka Ceelbarde

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Shabeelaha dhexe: Sunta beeraha lagu buufiyo oo yaraysay malabka shinida laga soo saaro

Ka ganacsiga malabka shinnida oo nolol u abuuray dadka Ceelbarde

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo