(ERGO) – Soddon rag ah oo iskugu jira xoolo-dhaqato ku ceyrtoobay abaaraha iyo ganacsato hore oo dhaqaalo burbur soo wajahay oo ku nool deegaanno hoostaga magaalada Ceelbarde ayaa dakhli fiican ka hela malabka shinida oo ay dhaqaaleystaan.
Maxamuud Cabdi Dhaqane wuxuu ka mid yahay 21 xoolo dhaqato hore ah oo nolol maalmeedkooda ka hela dhaqashada shinnida. Waa mid ka mid ah ragga leh sanduuqyadyada ugu badan ee malabka laga soo saaro, wuxuuna maamulaa sideetan sanduuq.
Labo mar ayuu markii ugu horreysay sanadkan suuqa geystay malabkii ugu badnaa. Arrintan waxaa u fududeeyay markii ay qalabka shinida lagu dhaqdo heleen isaga iyo ragga kale. Maxamuud ayaa sheegay in diyaarinta malabka oo waqti ku qaadato in la kala miiro uu u iibgeeyo suuqyada Muqdisho iyo Beledweyne. Wuxuu ka warramay sida uu suuq ugu helo malabka.
“Shan iyo toban caag, iyo labaatan caag ayay badanaa aniga gacanta ugu horreysa ka dhaxeysaa waa markaan shakhsi ahaan kaaga soo qaadaa, dalabka aad geyneyso ayaan isku mid ahayn, mar baqas ayuu noqonayaa xiliga uu ayada xiligeeda soo go’a waxaa laga yaabaa hay’ado ku xiran malaho inay iyada baqasto, oo beeceeda hoos u dhaco ayaa macquul ah, marna waa yaraanaa oo rabitaanka dadka ayaa dhaqdhaqaaqiisa badnaanaa, halkii caag ayaa waxaa laga yaabaa in nolosha reerkaaga kugu filnaado, intaas markaan aniga kusii jeesto keed awal ii oolay malaheyne.”
Maxamuud oo ah aabbaha qoys ka kooban 18 qof, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in tan iyo 2016 uu shaqadan ku howlanaa markii uu abaar ku waayay 40 neef oo geel ah iyo 75 ari 2013.
Wuxuu tilmaamay in dhaqashada shinida ay u noqotay isha dhaqaale ee keliya ee qoysaskooda ay ku tiirsan yihiin tan iyo markii ceyrtoobeen. Halkii mar ee uu malabku gadmo ayuu ka helaa $500, taas oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada 8 carruur oo u dhigta iskuullo iyo dugsi Qur’aan. Wuxuu noo sharraxay sida uu shaqadan u qabto.
“Horta ceelbaa ugu dhax qodan. Ceelal gacan ku qod ah oo anagu aan gacmaha ku qodonay ayaa ugu dhax qodan, suurar yaryar ayaa loogu dhax sameeyayoo banaankee ka biyo cabtaa. Meelana inaan dhulku u baar baarno oo malaasno ayaa biyo lagu shubaa si aynan iyana wax kusoo gaarin, biyihiina hadii waraabkii laga badiyo waa keendinaa iyaduna wax ugu soo gaarin dhulkana ugu biyo cabto, marka farsamooyinkaa ayaan ku wadnaa. Xiliyada aan dhulka xanjo lahayn oo ay waxay doonato lahayn waxaa beerta dhaxdeeda loo dhigaa oo loogu faraariyaa bur iyo waxbaa loo dhigaa, waxaa jira bilo bilo ubax anaga dhulkeena uu ka dhasho oo ubaxaas ay iyadu wax kasoo saarayso. Xili kasto oo geedka anagu inoogu yaalo, quracaan dhahnaa,bilcil baan dhahnaa, geed boqondhab la dhaho oo isagana ubax leh, geedaha iyaga ahna sadaxda bilood ee jiilaalka waxay dhalaan ubax, xili kasto oo geedkaa uu dhalo ubax iyana way tarmeysaa, malabna way dhaleysaa.”
Maxamuud oo qoyskiisa ay soo degeen deegaanka Qurac-joome oo 90 km u jira degmada Ceelbarde markii baadiyaha gobolka Bakool abaartu ku xoolo tirtay ayaa sheegay in noloshii xoolo dhaqasha ay middan uga fiican tahay. Dhaqadhada shinidana sheegay inuu ilbaxnimo ka helay.
“Farqiga waxa uu ahaa ninka haduu hanti hore ku tiirsanaan jiray, oo meel aan u xoogsanaayo aan laheyn, uu iska fariisanayo oo laga yaabo in cidiisa biil laga sugaayo intuu soobaxa, oo magaalada soo gala oo maqaaxidaan fariiso, darbigaan fariiso oo macno la’aanta ah, oo hadana cidii siday biil uga sugeysay hadana iska galbanaaya oo qoftii uu guriga ugu soo tagay ay isku mid ahaayeen, maantana nin haweystay oo beertiisa xili ku xisaabtamaayo dhax joogo, 60 liter dalaga kasoo saaraa, ama 40 liter uu kasoo saaraa beertii hadii uu dhigtana wax ka uraayo aanan ahayn hadana ay danleey ama ay kasii badan tahay dadkii rabo, cida biilkeedana joogto uu kuu yahay, soo farqi uma dhaxeyn karo noloshaada shalay iyo manta.”
Xoolo-dhaqatada marka laga tago waxaa jira ganacsato iyaguna Ceelbarde ku dhaqata shinida, markii ay siyaabooyin kala duwan ay kaga burbureen ganacsiyadoodii.
Aadan Geedow Maxamed wuxuu ka mid yahay sagaal ganacsato hore oo howshan shinida galay, markii sanadkii 2015 uu ka burburay ganacsi uu ku haystay deegaanka Qurac-joome. Aadan waxa uu Raadiyaha Ergo u sheegay in isbdedalka lacagta shilinka Soomaaliga ku yimid awgeed uu lumiyay lacag $7,000 oo doolar taasi oo uu ku haystay dukaan bagaashka iyo dharka lagu iibin jiray.
“Ganacsigaas waxaan ku jiray ilaa afar sano ayaan si toos uga ganacsanaayay, lacagtii dukaankii oo aan cadeeyay oo badeecadii dharkii bagaashkii, dharkii kulli oo aan dhameeyay oo lacagtii kaashkii ahayd aan ku badalay, oo lacagtii putland laga sameynayay oo cadaado ah iga noqotay, marka lacag putland laga soo sameeyay xitaa ma’ahayne lacag cadaado laga soo sameeyay oo been ah ayay ahayd, sidii uu dhaqaalaha ku burburay, anigoo iska baagamuudo oo waxba isla haynin ayaan barnaamijkaan iska bilowday, markaas iyada ahna aanan wadankaba laga dhaqaneyn, hal sano camal ayaa la igu hayay waad waalatay, oo ninkaan waalan maa laqabto.”
Aadan ayaa sheegay in isla sanadkaas gudihiisa uu bilaabay dhaqashada shinida maaddaama uu shaqadan u arkay mid naadir ku ah deegaanka ayna tahay mid loo baahanyahay in laga faa’ideysto. Afar bilood gudaheed waxaa u suura-gashay hal abuurkiisii isaga oo dadka xoolo-dhaqatada lacago yar yar ka soo siisan jiray shinada ay ku soo wargaliyaan inay ku nooshahay hareerahooda.
Hadda waa milkiilaha 55 sanduuq oo ay ku taranta shinada. Koriimada, xannaanada iyo daaweynta shinida oo uu si maalinle ugu howlanyahay waxa uu sanadkii tiro 4 jeer ka helaa ku dhowaad 150 jirgaan oo 20 litar qaad malab ah. Waxa uu hadda ka haystaa suuq fiican magaalooyinka, Muqdisho, Beled-weyne iyo Boosaaso oo ay ku xiran yihiin ganacsato malabka saafida ka qaadato oo iyaguna si tafaariiq u sii iibsada.
Sanadkii waxaa uga soo xaroota dhaqaalo dhan $2,000. Waxa uu Raadiyo Ergo u sheegay in wax badan ay ka beddeshay noloshiisa tan iyo markii uu dhaawac ganacsi dareemay. Aadan ayaa intaas ku daray in nolosha reerka iyo waxbarasha 4 carruur ah uu ka bixiyo dhaqaalaha ka soo gala dhaqashada shinidan. Wuxuu ka hadlayay xilliyada uu malabka ka helo shinida.
“Xagaaga camal waa labo jeer, qoroxeedka camalna waa labo jeer sanad ahaan waxaa waaye afar jeer camal ayaa la maalaa, hadii wadanku barwaaqo iska yahay oo sanadku fiicnaadana, ilaa sadax jeer iyo sadax jeer sanadkii lix jeer waa la galaa, horta jiilaal hadii la gaaro waa hal irmaan camal, jiilaalkii oo dhan labo caag maraa kasoo maasho, afar caag maraa kasoo maasho, sadax maraa kasoo maasho, dukaan qof uu isticmaalaa waad iska garan kartaa dukaan ayay ii tahay, laakiin maalinta ugu horeyso oo waqtiga dhaqaalka eh, dhaqaalo ahaan isku cel-celin in kastoo waxbadan oo u baahanahay ay jirto oo isku aadaneenoo waliba kharashka iska liitanyahay, adiga $1,000 ayaa halkii lismo kasoo boodeyso.”
Aadan oo ah aabbaha qoys 8 qof ka kooban, waxa uu qabaa in dhaqashada shinida oo bulshadu aysan fahan sii dheer ka haysan ay ka wanaagsan tahay dhaqashada xoolaha, madaama nacfiga xoolaha la dareemo mudo dheer halka shinidana wax ka yar sanad lagu helo wax dheefkeeda.
Xoogsatadan malabka malabmaalka ah, ayaa sheegay in ku sii dadaali doonan inay sii kordhiyaan wax-soo-saarkooda. Horaantii sanadkan 2021 ayay fursad ka heleen hay’adda ACF (Action Against Hunger) taas oo ku wareejisay qalabka shinida sida sanduuqyo shinidu ku dhex noolaato, dharkii ay kaga shaqeyn lahaayeen iyo agabkii malabka lagu soo saaro ee lagu miiro.