(ERGO) – Xoolo-dhaqatada deggen miyiga tuulooyinka Mirjiiclay, Towfiiq iyo Xaarre oo qiyaastii 25 km dhinaca koonfur-bari ka xiga Gaalkacyo ayaa ka walaacsan saamaynta xoolahooda uu ku yeeshay xaaluf lagu hayo dhirta deegaannadooda, kooxo abaabullan oo la sheegay in ay dhul-doon yihiin islamar kaana adeegsanaya cagaf-cagafyo ayaa jaraya dhirta. Iyagoo xirmaysanaya dhulka xooluhu ay daaqaan si ay u noqdaan boosas ay leeyihiin.
Caydiid Abshir Cilmi oo xoolo-dhaqde ah. Wuxuu ka mid yahay odayaasha tuulada Xaarre, wuxuu xusay in baabi’intan cusub ee lagu hayo daaqa iyo xirmaysiga dhulka oo soo taagnayd muddo ka badan bil ay keentay in xoolihiisa uu u waayo meel uu u daaq-geeyo.
“Meesha aan anigu deegaanka u degganahay ee Xaarre xooluhu marka ay marayaan way cararayaan in muddo ah markay cararaan oo meel dhir leh galaan bay xasilayaan hadana dabeylo iyo dhibaataa ka kacday oo xoolihii iyo dadkii waxyeellaynaya.”
Wuxuu sheegay in xooluhu ay daaq fiican u soo heli jireen ka hor inta aan xirmaysiga iyo jaridda lagu billaabin dhirta, xirmaysiga ayuu xusay in uu ka jiro dhul uu ku qiyaasay 20 km oo dhinacyada ka xiga barrinka uu deggen yahay, taasi oo keentay in daaqu ka dheeraado xoolaha uu dhaqdo oo ah boqol ari ah iyo siddeed geel ah.
Caydiid oo lixdan jir ah waa abbaha qoys toban qof ah. Wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay miyiga tuulada Xaarre. Deegaankan ayaa hodan ku ah geedka quraca oo nacfi iyo har ba u leh dadka iyo xoolaha. Wuxuu ka mid yahay kuwa ugu badan ee goyntu ku socoto, ninkan oo walwalsan xaalufka nuucaan ah ayaa sheegay in wax soo saarkii xoolihiisa gaar ahaan caanaha oo ay iibsan jireen uu hoos u dhacay maaddama cunno ku filan aysan helin. Intaas wuxuu ku daray in xaaladda xoolo-dhaqatadu ay ka sii dari karto haddii xaalufka uu sii socdo.
Wuxuu ka warramaya xirmaysiga deegaanka ka jira heerka uu gaarsiisan yahay.
“Ilaa toban km baa u yar oo isku wareeg ah oo isku xiran bay xaraynayaan into kale bay misana xaraynayaan, dhirtii, cawskii, nagarkii, geedkii la harsan lahaa iyo geedkii la daaqi lahaa intaas oo cagafku marayo waa laga dhameeyay, annagu reer miyi haddaan nahay waxaan ku kor baqtinnaa meeshii hantidayadu taallo hadde xooluhu dhir bay ku noolaayeen dhibaatadaas baana ku dhacday.”
Dadka dhirta jaraya ee xirmaysanaya dhulka ayuu sheegay in ay ka imaanayaan Gaalkacyo iyagoo filya in dhulka ay cabbirteen ay iibsadaan ama ay deegaamaystaan mustaqbalka. Intaas wuxuu ku daray in dhowr jeer ay kala hadlayn xubno ka tirsan sidii ay u joojin lahaayeen dhibaatada ay ku hayaan deegaanka balse aysan dhag-jalaq-u-siin.
Tuulada Mirjiiclay ayaa ka mid ah meelaha dhir-goyntu ay ka socoto. Xoolo-dhaqatada deggen ayaa ka cabanaya arrintan oo xataa saamaysay isku socodka reer miyiga, markii dhulka qaar ee siligga lagu wareejiyay uu xiray marinnadii reer miyugu ku safrayeen marka xoolaha iyo dhaanka ba ay u aroorrinayaan baraagaha iyo ceelasha.
Cabdi Cali Faarax oo 200 oo ari iyo 50 geel ah ku dhaqanaya miyiga Mirjiilay ayaa Radio Ergo u sheegay in dhulka la cabbirtay gaarhaan kuwa siligga lagu wareejiyay in uu caqabad ku noqday nolosha qoyskiisa iyo xoolihiisa oo waqti ka badan intii hore ay ku qaaadato gaaritaanka meelaha biyaha laga helo.
“Xoolaha meeshii ay u soofi jireen oo naqa ay ka soo cuni jireen geed la soo qaado malahan waxaa lagu diiray cagafta marka bahalkii ayaxa ahaa waxba ugama duwana way ba ka sii liitaan, meel laga soo galo deegaanka maleh tusaale meeshii barkaddu ku taallay markaad damacdid in aad xoolaha keento oo aad ka waraabiso meel laga soo wareego malahan meeshii oo dhan marka silig ay ku xirantay dhibaato badan baa ka jirtay.”
Cabdi oo ah aabbaha qoys 11 qof ka kooban wuxuu qorshaynayaa in ka hayaamo deegaankiisa haddii xaalufka sababay daaq la’aantu uu sii socdo, waxaa se uu tilmaamay in ay ka warsugi doonaan jawaabta cabasho ay u gudbiyeen 18 bishan maamulka dagmada Gaalkacyo xoolo-dhaqato uu ka mid yahay.
“Cid allaale iyo ciddii awoodda oo wax ka qaban karta cabashadeenna waan gaarsiinaynaa cod dheerna waan ugu sheegaynaa in ay naga soo gaaraan oo dadkaas faraha ba’an nagu haya ay wax nagala qabtaan.”
Maamulka dagmada Gaalkacyo dhinaca Galmudug iyo taliska boolis oo ka jawaabayay cabashada xoolo-dhaqatada ayaa kormeer ku tagay deegaannadaas 24 bishan, Muxyadiin Yuusuf Samatar madaxa arrimaha bulshada dowladda hoose ayaa Radio Ergo u sheegay in ay soo arkeen dhibaato loo gaystay in ka badan 40 km uu dhul-daaqimeen ah.
Wuxuu sheegay in boolisku ay ku raad-joogaan dadkii masuulka ahaa dhibaatada deegeegaanka iyo dhirta lagu sameeyay, dadka ku lugta leh falkaas ee ciidmadu ay soo qabtaan ayuu tilmaamay in ciqaabtooda maxkamadda gobolka ay go’aan ka gaaridoonto maamulkiisana ay ku dadaali doonaan xakamaynta xaalufka deegaannadaas.
“Ma dhicidoonto in qof shaqsi ah ama shaqsiyaad sidii burcad birigii u shaqaynaya in ay xaraystaan dhul-daaqsimeedkii, dhulkan maaha dhul magaalo waa dhul miyi ah dhul la aqbalikaro in cagaf lamariyo oo la gatana maaha.”
Muxyadiin ayaa sheegay in deegaannada ugu daran ee dhibaatada lagu hayo dhirtiisa ay gayn doonaan ciidamo ilaaliya inta aysan dhammaan bishan Juun sidoo kalana ay meesha ka saareen dhulka lagu sameeyay xirmooyinka si ay u noqdaan boosas shaqsiyaad leeyihiin.