(ERGO) – Maxamuud Shuuriye Xareed oo ah 23 jir ka soo laabtay Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya ayaa hal-abuur ganacsi oo online ah oo uu ka sameeyo magaalada Kismaayo wuxuu ku beddelay noloshiisa, waxaana fursado shaqo ka helay shan iyo toban dhallinyaro ah oo kale.
Baraha bulshada ee internetka ayuu Maxamuud ku soo bandhigaa guryaha u bannaan kirada, alaabaha guryaha la dhigto ee celiska ah iyo gawaarida dib la isaga iibinayo. wuxuu meesha ka saaray waqti badan oo dadka doonaya guryaha kirada ah ay ku bixin jireen raadinta hoy ku habboon.
Maxamuud iyo dhalinyarada la shaqeysa waxay sawirada guryaha kirada ah, alaabta fadhiga iyo gawaarida iibka ah ay si maalinle ah ugu soo bandhigaan bog ay ku leeyihiin Facebook, iyagoo raaciya qoraal kooban oo sharraxaya xaafadda uu ku yaallo, inta qol ee uu ka kooban yahay iyo lacagta lagu kiraynayo.
Maxamuud oo sanadkii hore ka qalinjebiyay kulliyadda maamulka iyo dhaqaalaha jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in fursaddaan uu ku ogaaday cilmi-baaris ay jaamacaddu u dirtay inay ka sameeyaan fursadaha ganacsi ee ka jira magaalada.
“Markii ugu horraysay fikradaan kaligay ayey igu soo dhacday, ka dib ayaan damcay inaan koox ahaan ku bilowno, balse markii aan u soo bandhigay hal qof oo isoo raaca waanwaayey, waxey igu dheheen waa howl adag ee ma qaban karno.”
Maxamuud ayaa sheegay in qofka guri kireysanaya ay ka qaataan khidmad u dhiganta boqolkiiba labaatan oo ah lacagta guriga lagu kireeyo, halka baabuurta celiska ah ay ka qaadaan khidmad dhan $100, alaabaha celiska ahna $15.
Ganacsigaan ayaa wax ka beddelay nolosha qoyska Maxamuud oo ka kooban labo qof, wuxuuna dhaqaalaha ka soo gala ku taageeraa qoyska aabihiis oo uu u diro bishii $150 oo biil ah. Sidoo kale ayeeyadiis oo ku nool magalada Kismaayo ayuu ka taageeraa biilka iyo kirada guriga. Shan carruur ah oo uu aabihiisa dhalay ayuu sidoo kale ka bixiyaa lacagta waxbarashada oo bishii ah $50.
“Bilihii hadda ayay wax ugu badnaayeen, waayo magaalada dad badan ayaa imaanayay. bishaan guryo badan ayaan kiraynay oo waawayn oo lacagtooda u dhaxeeysay saddex boqol illaa iyo shan boqol oo doolar. Aniga ahaan bishii waxaan ku xisaabtamaa $700 ilaa $800.”
Maxamuud Shuuriye ayaa sheegay in uu ganacsigaan ku billaabay lacag $300 ah oo eeddadiis oo joogta Mareykanka ay u soo dirtay. Lacagtaas wuxuu ku iibsaday Computerka gacanta (Laptop), wuxuuna sidoo kale ku sameystay astaanta shirkaddiisa kireynta guryaha iyo dib u iibinta alaabaha (Kismayo Rental and Selling Company).
Shaqada oo dalabkeeda batay ayaa ku kaliftay Maxamuud inuu shirkadda ballaariyo bishii February ee sanadkaan.
Maxamuud Shuuriye ayaa xeryaha Qaxootiga Dhadhaab tagay sanadkii 2006, xilligaas oo Kismaayo looga kaxeeyay colaadihii dalka ka jiray. Awowgiis hooyo dhalay oo gacanta ku hayay ayuu kula noolaa xerada Ifo halkaas oo uu uga baxay dugsiga sare ka hor inta uusan dib ugu soo laaban dalka sanadkii 2018-kii.
Axmed Buulle Cismaan oo sidoo kale ka soo noqday xerada Xagardheer sanadkii 2016-kii, wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ka faa’ideysatay fursaddan shaqo. Wuxuu markii hore ahaa nin aan shaqeyn oo la nool qoys ay qaraabo yihiin, balse hadda wuxuu bishii qaataa mushaar dhan $120.
Hase yeeshee shaqadan oo toddobaadkii uu qabto shan maalin waxay u suurtagelisay inuu noloshiisa maareeyo, uuna iskaga bixiyo jaamacad uu hadda dhigto.
“Maaddaama aan awal hore shaqo-la’aan ahaa way i dhiirigalinaysaa, wayna i farxad galinaysaa, maaddaama aan nolol-maalmeedkayga ku dabaraayo,kuna bixinaayo jaamacadda. Waxaan kaloo isaga bixiyaa kirada, korontada, biyaha iyo waxyaalaha kale oo noloshayda ah.”
Bile Axmed Aways oo ka mid aha dhallinyarada ka shaqaysa ganacsigaan ayaa Raadiyow Ergo u sheeegay inay u tahay il-dhaqaale oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban saddex carruur ah iyo hooyadood.
Wuxuu bil kasta mushaar ahaan u qaaataa $200, isagoo waxbarasho geeyay labo carruurtiisa ah oo markii uu shaqadan helay uu iskuul geeyay.
Bile ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in hal-abuurka ganacsi ee uu la yimid Maxamuud uu dhallinyarada kale faa’iido u yeeshay, uuna ku dayasho mudan yahay.
“Qofka marka uu dhallinyaro yahay oo uu soo maro xeryaha qaxootiga waa qof waayo arag ah oo ay soo mareen duruufo badan iyo waxyaabo badan. Qaab walba oo noloshiisa uu ku horumarin karo ayuu ku fikiraa.”
Shirkadaan oo howshan waday tan iyo bishii June ee sanadkii 2019 waxay ku guuleeysatay inay kireyso illaa 200 oo guri, sidoo kale waxa ay iibisay 50 gaari oo nooca yaryar ah.










