(ERGO) – Kumanaan qoys oo barakacayaal ah oo ku kala nool xeryaha Kabaasa iyo Qansaxleey ee degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay haysato cunto yaraan tan iyo bartamihi sanadki hore.
Cunto yarida ayaa sabab looga dhigay cudurka COVID19-ka oo saamayn ku yeeshay hay’adaihi gargaarka siin jiray dadkan, roobki dayrta oo yaraa iyo kii guga oo soo daahay.
Qoyska Maaday Xuseen iyo Muumino oo oo kooban 7 qof oo ku nool xerada Kabaasa tan iyo 2014, ayaa ka mid ah dadka ay saamaysay arrintan.
Maaday oo ah aabbaha qoyskan ayaa sheegay inta hadda nolashooda ay ku tiirsan tahay taageero ay ka helaan dad ay ehelyihiin oo bishii siiya 25 doollar, oo goysa 15 kg oo bariis, sonkor iyo bur, iyo sadaxle saliid ah.
Maaday oo qoyskiisa 60 doollar oo gargaar ah ka heli jiray hay’adaha samafalaka ayaa sidoo kale ku kabi jiray shaqo fuundinmo ah oo maalinti ay ka soo gali jiray lacag dhan 6 doollar, balse labaadi waa uu waayay sanadki 2020-ki oo cudurka karoonaha uu saamayay.
“Nolol fiican mahaysano, barakac meel ah ayaan iska joognaa rafaad ayaan ayaan qabnaa qof hadda nafiirinayo oo gacanta inoo taagayo ma aragno, mar walbo waxbaa idin soo socda ayaa nala leeyahay waxna ma aragno, shaqo xumana wey iska jirtaa, Karoone wax la dhaho ayaa aduunkii galay,” Ayuu yiri Maaday.
Xaalada qoyska Madeey teer iyo April waxaa ku yimid isbadal xoogan oo dhinaca nolosha ah,waxaana meesha ka baxday wax karsiga marka laga reebo hal waqti, iyadoo markii horaba ay labo mar dabka shidan jireen.
Raadiyaha Ergo ayuu u sheegay in halkaa waqti ay ka helaan dad ay ehel yihiin iyo shaqadiisii dhismaha oo toddobaadkii la helo mar ama lawaayo.
Muumino oo ah xaaska Maaday oo marki hore guri joog ahayd ayaa marki ninkeedu shaqo la’aan noqday lana waayay gargaarki hay’adaha billowday inay maarayso nolasha carruurta, waxayna durba ku biirtay haweenka cowska ka soo gura banaanka magaalada iyo hareeraha webiga, kaasii oo ay u iib gayn jirtay suuqa oo ay ka heli jirtay lacag dhan hal doolar iyo bar maalinti.
Balse roobka guga oo soo daahay iyo gobolka Gedo oo ay ka jirtay abaar ayaa la waayay cawski, halka mulkiilayaasha beeraha oo ah meelaha ay ka heli jireen cowska ay u sheegeen inaysan caws ka guran karin beeraha iyo meelaha u dhow. Taasi ayaa saamayn ku yeelatay guud ahaan qoysaska nolashoodu ku tiirsanayd cowska. Bishi labaad ee sanadkan wixii ka dambeeyay axaalkoodu mahayn mid degan.
“Cowski waan waaynay, beerihii cowska laga guran jirayna wey xiranyihiin dadkii cowska lahaa ayaanba dad u ogalaaneyn, oo abaaro xunbaa socdaan qof kasto neefkiisa ayaa u xiran. Anagu in kastoo aan ka shaqeysanaynay toban riyaal,lacag ayaan ka heli jirnay,” ayay tiri Muumino oo ka welwelsan xaaladda nolaleed ee ay ku jiraan qoyskeeda.
Muumino wali waxay waddaa dedaal ay ku doonayso inay maarayso nolal-maalmeedka qoyska, waxay mar kale billowday shaqo nadaafadeed oo ay ka soo qabato xaafadaha magaalada balse bil kadib, ayaa qoysaska loo shaqeeyo ku wargaliyeen Karoonaha jira awgiis aysan doonayn in howl loo qabto.
“Karoono feyrus ayaa socda toban iyo dhowr bilood ayuu nahayaa, magaaladii laga shaqeysanayay way xirantahay, Dolow Itoobiya ayaan u gudbi jirnay wanaa nagala xiray, qof kasta gurigiisa ayuu ku jiraa, wax shaqo ah malahan dhibaato fara badan ayaa nahayso, gaajo saa’id ayaa noo dheer guryo mahaysano nolol aan haysano maleh,” ayay tiri Muumino.
Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Doolow, Ismaaciil Cabdullaahi Daahir, ayaa sheegay in xaaladda haddii ay sidan sii ahaato ka sii dari doonto, maadaama ay meesha ka baxday guud ahaan wixii ay kala soo bixi jireen nolal-maalmeedka. Wuxuu intaa ku daray inay ka maamul ahaan todobaadkii 30-40 qoys gaarsiiyaan deeq raashin iyo biyo, ay ka soo aruuriyaan ganacsatada magaalada.
“Dadka meesha ku nool way badan yihiin, kulligood wax ma wada siin karno laakiin hadba inta liidata ayaan isku daynaa in aan raashin gaarsiinno iyo biyo. 20-30-40 qoys hadba wixii aan aan awoodno ma jirto tiro noo go’an,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdullaahi Daahir oo ah madaxa arrimaha bulshada ee degmada Doolow.
Faadumo Cusmaan Cali oo haysta 11 carruur ah oo agoon ah, ayaa ka mid ah dadka shaqo la’aanta ku dhacday oo ay la soo gudboonaatay cunti yari. Raadiyaha Ergo ayay u sheegtay in habeenkiii oo kali ay wax karsadaan, halka mararka qaarna ay caawiyaan reeraha dariska ay yihiin.
“Qoys ka kooban 12 qof waaad garan gartaa oo aan lahayn cid u shaqaysa iyo meel looga shaqeeyo intaba, cunto ma jirto haddii halki mar ayaaba qiilqiil ku jirta,” ayay tiri Fuudumo oo la hadashay idaacadda Ergo.
Muddo laga joogo shan bilood waxay wayday shaqadi ay ka soo qaban jirtay xaafadaha magaalada oo ay si maalinlaha ugu soo nadiifin jirtay dharka oo ka heli jirtay lix doollar. Cudurka Karoonaha dartiis ayay ku wayday shaqadeeda kadib marki lagu wargaliyay inay shaqada joojiso Karoonaha awgiis.
“Waxaan ahay xoogsato ah, aroorti ayaan ilamaha u bixi jiray dhardhaqaal iyo wixii kale ee xoogsi ah oo ay suuqa ka soo hesho, wixina waxaa saameeyay oo aad iyo aad inoo saameeyay karoonaha, sidaa darteed aad iyo aad baan u baahannahay hay’adda samafalka waxaan ka codsanaynaa gargaar deg-deg ah,” ayay tiri mar kale Faadumo.
Qoyskan ayaa abaarti 2016, waxaa kaga le’day tiro ah, xilligaas oo ay ku noolaayeen deegaanka Geedwayne ee gobolka Gedo. Taasoo ah sababta ay keentay inay noqdaan barakac.