Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Haween fursad shaqo ka helay warshad dhagaxa burburisa oo ku filnaaday maaraynta nolosha qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
June 22, 2021
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Jigjiga: Haween fursad shaqo ka helay warshad dhagaxa burburisa oo ku filnaaday maaraynta nolosha qoysaskooda

Aamina Axmed Cali oo gureeyso dhagaxyo si ay u geeyso warshadda ay ka shaqayso/Cabdiraxmaan Buux/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haween danyar ah oo ku nool magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Faafan ayaa lacag ay ka helaan warshad dhagaxa burburisa oo ay ka shaqeeyaan ku dabbara nolosha qoysaskooda oo qaarkood ay kala soo barakaceen colaad iyo ayax saameeyay beerahoodii. Haweenkan oo tiradoodu ay gaarayso 40 qof ayaa warshadda u qaabilsan xulista iyo guridda dhagaxda jaayga loo baddelo.

Aaamina Axmed Cali oo 50 jir ah ayaa ka mid ah haweenkaas, waxay maalintii joornaati ahaan u shaqaysataa $4 iyo labo waqti oo raashin bisil ay ku hesho warshadda ay ka shaqayso. Haweenaydaan oo ah hooyada 7 carruur ah, waxay howshan oo raggu ay caanka ku yihiin ay qabataa sagaal saac oo xiriir ah maalintii.

Shaqadan oo ay billowday saddex bil ka hor ayay ka fursan waysay markii ay waysay mid kale oo u dhaanta si ay u maarayso nolosha qoyskeeda.

“Shaqada dharaarta jimcada uun bey jaanis leedahay lixdaas dharaarood ee kale waan iska shaqaysannaa. Dhib haddii ay tahay dee nin dhagax guraya dhib iyo halaag ba wuu hayaa, dhibkaas dhagaxa igu raray ee yoomkii kasta aan sidaas ugu taagnahay dee nafaqo ha iga soo gasho awgeed weeye. Meel dhaanta oo aan ku baddelan karo haddii aynnu helayno dhagax iyo culays ma aanan qaadneen.”

Lacagta ay ka hesho Aamina shaqadeeda ayay labo u qaybisaa, waxay toddobaad walba in ka badan $10 oo ay uruuriso u dirtaa lix ka tirsan carruurteeda iyo aabbahood oo qaba xanuunka macaanka islamar kaana deggen dagmada Tuli-guuleed ee gobolka Jarar oo Jigjiga u jira 33 km. Qoys ehelkooda ah ayaa inta badan cunnada ka caawiya.

Aamina toddobo bil ka hor ayay timid Jigjiga iyada iyo qayb ka mid ah caruurteeda, qorshaheedu wuxuu ahaa in ay hesho shaqo ay qabato si ay il-dhaqaale ugu noqoto, waxay dagmada Tuli-guuleed ku lahayd beer labo hiktar ah. Waxaa saameyay dabaqaaqadii sanadkii hore ayax ku habsaday oo baabi’iyay dalagg ku dhawaa goosasho, hooyadan ayaa sheegtay in qarashkii ay galiyeen beerta oo ahaa $600 uu ka qasaaray.

Caqabadaha ay kala kulanto dhagaxa ay ka shaqayso ayay ku sheegtay lafo-xanuun joogto ah xiliga habeenkii ah iyadoo tabar-yari dareenta mararka qaar, qorshaheeda kama saarin in ay dib mar kale u falato beerteeda, waxay rajaynaysa in ay hesho qarash iyo xili ku habboon.

“Markii hore waxaan ahayn dad la dan oo beertooda tabcan jiray Sidaas bay ahayd dhaqankeennii hore iminkana haddii ilaahey deeq nasiiyo aan qodanno uun baan is-leenahay waxaan ku qodanno iyo waxaan shinsanno haddii alle nasiiyo in aan qodanno baan diyaar u nahay.”

Waxay ku nooshay qol jiingad ka samaysan oo ay ka dhistay dhul uu leeyahay qof ka mid ah ehelkeeda oo si ku meelgaar ah ay ku deggen tahay. Haweenka ay qaybta ka tahay Aamina oo shan ka tirsan ay Itoobiyaan yihiin ayaa iskugu jiray kuwa dhawaan ku biiray iyo qaar sanado badan ka shaqaynayay.

Siyaado Axmed Yuusuf oo ka howl-galaysa warashadda Jayga soo saarta muddo saddex sano ah waxay Jigjiga ka samaysatay nolol cusub, colaad ku dhex martay kooxo hubaysan oo soomaali iyo Oromo ah sohdinta ay wadaagaan labada qoomiyadood ayay ka soo barakacday. Waxay Radio Ergo u sheegtay in qoyskeeda laga dhacay sanadkii 2017-kii oo colaaddu si xooggan ay uga jirtay xadka 30 ari ah, 10 lo’ah iyo beer hal hiktar.

Waxay ka warramaysaa sida ay ku heshay shaqadan.

“Jigjiga waxaan ku imid markii baabi’ii aan faraha la galnay adduunkiina nalaga dhacay magaalooyinka gala ayaan is-niri, kadib ilaahey baaba noo furoo markaan halkii ka soo baxnay dad sokeeye ah baa na gacan-qabtay. Kadib waa la igu daray sidii baan shaqada ku helay wax shuruud ah oo laygu xiray ma jirin, 150 bir ayaa cadceeddaas soo baxaysa oo dhacaysa ku shaqaynaa.”

Dhaqaalaha ay ka hesho shaqadeeda ayay biil uga dhigta carruurteeda oo 8 qof ah islamar kaana iyadu ay korsato, Waxay ku hoyadaan guri cooshad ka samaysan oo dhulka uu ku yaallo ay siiyeen qoys ehelkeeda ah, fasalka lixaad ee iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Jigjiga waxaa si bilaasha u dhigta wiil 19-jir oo curad u ah qoyskeeda.

Hooyadan iyo qoyskeeda kuma fekerayaan in ay dib ugu noqdaan nolosheedii miyiga maaddama xoolo ay dhaqdaan iyo hanti midna aysan haysan.

Warshadda haweenku ka shaqeeyaan ayaa jayga ay soo saarto waxaa iibsada dadka magaalada Jigjiga ka hirgalinaya dhismooyinka sida u dheellada, haweenka kaliya kama shaqeeyaan warshadda waxaa jira rag qayb ka ah, kuwaas oo maamulku sheegay in ay qaabilsan yihiin dhagaxda laga soo jabiyo buuraha.

Ismaaciil Maxamuud Aar oo ah milkiilaha shirkadda ayaa sheegay in haweenka shaqo-doonka ah ay u yimaadaan balse iyagu aysan dalban. Wuxuu sheegay in ay mushaharka kala mid yihiin ragga iyagoo ka shaqo fudud, taas oo ay u sameeyeen duruufta haysa haweenka darteed.

“Inamo ka shaqeeya oo iyaga la mid ah ayaa jira, ragga qayb bay kaga jiraan dumarkiina way ku jiraan, dhagaxan ay ku shaqaynayaan laftigooda ayay raggu buurta ka soo guraan oo culayska ugu badan waa xagga buurta. Xaggaas baan u rarnay raggii dumarkiina xaggan baan ku daynay waa hooyooyin biyahooda iyo raashinkoodana annagaa siinna, xaggan hadda ay ka shaqeeyaan 40ka qof rag haddii uu ahaan lahaayeen 10 ama 12 qof ayaa ka shaqayn lahayd.”

Previous Post

Maintaining COVID19 preventive measures during independence festivals

Next Post

Doolow: Dhaqaale yarida ka dhalatay COVID19-ka oo saamaysay nolasha qoysaska barakaca ah

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qoysas soo barakacay oo ku tiirsan eheladooda oo ku nool Gaalkacyo

Doolow: Dhaqaale yarida ka dhalatay COVID19-ka oo saamaysay nolasha qoysaska barakaca ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo