(ERGO) – Boqol iyo siddeetan qoys oo dalagyadii beerahooda ku waayay fatahaaddii u danbeysay ee uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa tan iyo bartamihii bishii hore ku soo qulqulayay xerada Nagaarwayne oo ku taalla duleedka Baladawayne. Qoysaskan ayaa ka cabanaya xaalad dhinaca nolosha ah oo ku haysata halkaas oo ay filayeen in gargaar bini’aadannimo ka helidoonaan.
Waxaa kamid ah qoyska Faaduma Warsame Rooble oo 10 qof ah. Waxa ay ka soo barakaceen tuulada Miriq oo qiyaastii Baladwayne dhinaca galbeedka kaga beegan 76 km, halkaas oo gaari-dameer carruurta ay kaga soo qaadday. Faadumo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in xaalad cunno la’aan ay la soo daristay markii dalagyadii beerteeda oo ahayd labo hector ay ka qasaareen.
Waxaa ugu daran hoyga qoyska Faadumo oo aqal buush ah oo dhinacyada ka furan carruurteed har iyo hoyaad u ah.
“Carruurta meel ay ii fadhiistaan malahan, aqal xumoo waab-waab ah baan dagannahay maryo iyo waxaan dadka ka soo barinay baco iyo xijaabbo la jeexay wax saas ah baan dhisanay, ma haysanno jiif, darin aan gabar ka soo qaatay baan ilmahaan ku seexsanaa, waxaas uun bilig-bilig leh ee dabeyshu waddo ayaan ku dhex noolnahay ilaaheyna wuu nagu nabad yeelay”.
Saddex bil ka hor ayay beerteeda ku abuuratay dalag iskugu jira qudaarta cagaaran iyo raashinka diirka leh sida digirta, masagada, galayda iyo qaar kale. Waxa ay sheegtay in wabiga oo qararka jabsaday uu biyo badan ku soo rogay beerteeda oo qarashka galay uu ahaa $350.
Waxa ay xustay Faadumo in beeraha deegaanka xili roobaadkasta ay la kulmi jireen dhibaatada fatahaadaha ka soo gaarta, balse tan soo barakicisay 15 bishii Oktoobar ay quus-goysay markii beerrihii isku badaleen goobo biyo fariisad ah.
Saamaynta ka dhalatay fatahaadda ee beeraha saamaysay waxaa ay gaajo u horseedday qoysaskii ku tiirsanaa wax soo saarka beerahooda, dadka ugu badanna waxa ay ka yimaadeen tuulooyinka Gambabey, Quracley iyo Miriq oo magaalada Baladawayne galbeedka kaga beegan.
Maxamed Maxamuud Cali iyo qoyskiisa oo 8 qof ah waxa ay ka soo barakceen Quraclay. Beer saddex hector ah oo uu galiyay bishii August ee sanadkan lacag dhan $530 oo $200 oo kamid ah uu dayntay ayaa ka qasaartay waxaana saamayntii ka dhalatay ay u horseedday barakac.
“Biyihii ugu danbeeyay matoorkii bey ba iga qaadeen oo wabiga ayay ku rideen sidaa darteed waan ka hawa gaabsaday, dadkii aan ugu talo galay beertu marka ay soo go’do lacagtii cagafka in aan siiyo way igu leeyihiin, [oo mar walba] way isoo wacaan”.
Xerada uu ku noolyahay ee Nagaarwayne waxa uu reerka uga dhisay aqal cooshad ka samaysan oo harsi mooye aan roobka ka difaacikarin maaddama aysan haysan bac ama teendho ay korka ka saaraan. Si uu qoyskiisa cunno ugu helo waxaa isaga iyo qaar ka mid ah ciyaalkiisu ay u xoogsi tagaan magaalada, hal doolar uu inta badan soo helo ayuu raashin ugu iibiya qoyska sida uu sheegay.
“Aniga iyo ilmahayga ayaa xaabo soo gurna oo intaan suuqa keensannaan gadannaa. Saddex waqti hal mar baan wax helnaa, wixii baaba’ay noloshii hore waxaan ka arkaynaa silaceeda”.
Cismaan Dhicisoow Dhuubow oo ah guddoomiyaha Baladwayne ayaa sheegay in xerada ay ka jirto ciriiri dhinaca musqulaha iyo hoyga, islamarkaana qoysas badan oo barakac ah ay is dul dageen.
Waxuu tilmaamay in barakacu kordhay intii ay socdeen roobabkii dayrta iyo gu’gii ka horreeyay. taasi oo sii xumaysay xaaladda barakacayaasha oo gargaarka cunno ee ay helaan ay aad u yar yihiin.
Intaa waxa uu ku daray in ay u heleen meel ay dajiyaan qoysaskan oo xiliyada gargaarka bini’aadannimo la bixinayo ay qaybtooda ka helikaraan iyo caagado ay biyaha uga soo dhaansadaan magaalada maaddama ay dagan yihiin meel ka baxsan Baladwayne, balse awood dhaqaale oo ka maamul ahaan dadka ay ku baahi tiraan aysan hayn.
“Dadkan way liitaan hoygooduna aad buu u xunyahay musqulo warkooda iskaba daa, wixii aan gaarsiin karnay horay baan ugaarsiinay waana soo dhawaynay. Waad dareemi kartaa qof ka soo barakacay meeshii uu dagana oo magaalo kale oo uusan ku dhalan yimaado dhibaato badan ayaa ka dhalanaysa”.
Guddoomiyaha Baladwayne waxa uu sheegay in qasaraha sanadihii danbe fatahaadda ka soo gaarayay beeralayda oo qaarkood ka niyad jabiyay tabcasho danbe in ay saamaynteeda ka muuqato Baladwayne oo qudaartii beeraha laga keeni jiray oo si wanayn hoos ugu dhacay.