Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Fatahaaddii ugu dambeysay ee wabiga Shabeelle oo qoysas beeraley ah barakicisay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 2, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Daadad wasaqeeyay ilaha biyaha ee degmada Jarriiban

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol iyo siddeetan qoys oo dalagyadii beerahooda ku waayay fatahaaddii u danbeysay ee uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa tan iyo bartamihii bishii hore ku soo qulqulayay xerada Nagaarwayne oo ku taalla duleedka Baladawayne. Qoysaskan ayaa ka cabanaya xaalad dhinaca nolosha ah oo ku haysata halkaas oo ay filayeen in gargaar bini’aadannimo ka helidoonaan.

Waxaa kamid ah qoyska Faaduma Warsame Rooble oo 10 qof ah. Waxa ay ka soo barakaceen tuulada Miriq oo qiyaastii Baladwayne dhinaca galbeedka kaga beegan 76 km, halkaas oo gaari-dameer carruurta ay kaga soo qaadday. Faadumo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in xaalad cunno la’aan ay la soo daristay markii dalagyadii beerteeda oo ahayd labo hector ay ka qasaareen.

Waxaa ugu daran hoyga qoyska Faadumo oo aqal buush ah oo dhinacyada ka furan carruurteed har iyo hoyaad u ah.

“Carruurta meel ay ii fadhiistaan malahan, aqal xumoo waab-waab ah baan dagannahay maryo iyo waxaan dadka ka soo barinay baco iyo xijaabbo la jeexay wax saas ah baan dhisanay, ma haysanno jiif, darin aan gabar ka soo qaatay baan ilmahaan ku seexsanaa, waxaas uun bilig-bilig leh ee dabeyshu waddo ayaan ku dhex noolnahay ilaaheyna wuu nagu nabad yeelay”.

Saddex bil ka hor ayay beerteeda ku abuuratay dalag iskugu jira qudaarta cagaaran iyo raashinka diirka leh sida digirta, masagada, galayda iyo qaar kale. Waxa ay sheegtay in wabiga oo qararka jabsaday uu biyo badan ku soo rogay beerteeda oo qarashka galay uu ahaa $350.

Waxa ay xustay Faadumo in beeraha deegaanka xili roobaadkasta ay la kulmi jireen dhibaatada fatahaadaha ka soo gaarta, balse tan soo barakicisay 15 bishii Oktoobar ay quus-goysay markii beerrihii isku badaleen goobo biyo fariisad ah.

Saamaynta ka dhalatay fatahaadda ee beeraha saamaysay waxaa ay gaajo u horseedday qoysaskii ku tiirsanaa wax soo saarka beerahooda, dadka ugu badanna waxa ay ka yimaadeen tuulooyinka Gambabey, Quracley iyo Miriq oo magaalada Baladawayne galbeedka kaga beegan.

Maxamed Maxamuud Cali iyo qoyskiisa oo 8 qof ah waxa ay ka soo barakceen Quraclay. Beer saddex hector ah oo uu galiyay bishii August ee sanadkan lacag dhan $530 oo $200 oo kamid ah uu dayntay ayaa ka qasaartay waxaana saamayntii ka dhalatay ay u horseedday barakac.

“Biyihii ugu danbeeyay matoorkii bey ba iga qaadeen oo wabiga ayay ku rideen sidaa darteed waan ka hawa gaabsaday, dadkii aan ugu talo galay beertu marka ay soo go’do lacagtii cagafka in aan siiyo way igu leeyihiin, [oo mar walba] way isoo wacaan”.

Xerada uu ku noolyahay ee Nagaarwayne waxa uu reerka uga dhisay aqal cooshad ka samaysan oo harsi mooye aan roobka ka difaacikarin maaddama aysan haysan bac ama teendho ay korka ka saaraan. Si uu qoyskiisa cunno ugu helo waxaa isaga iyo qaar ka mid ah ciyaalkiisu ay u xoogsi tagaan magaalada, hal doolar uu inta badan soo helo ayuu raashin ugu iibiya qoyska sida uu sheegay.

“Aniga iyo ilmahayga ayaa xaabo soo gurna oo intaan suuqa keensannaan gadannaa. Saddex waqti hal mar baan wax helnaa, wixii baaba’ay noloshii hore waxaan ka arkaynaa silaceeda”.

Cismaan Dhicisoow Dhuubow oo ah guddoomiyaha Baladwayne ayaa sheegay in xerada ay ka jirto ciriiri dhinaca musqulaha iyo hoyga, islamarkaana qoysas badan oo barakac ah ay is dul dageen.

Waxuu tilmaamay in barakacu kordhay intii ay socdeen roobabkii dayrta iyo gu’gii ka horreeyay. taasi oo sii xumaysay xaaladda barakacayaasha oo gargaarka cunno ee ay helaan ay aad u yar yihiin.

Intaa waxa uu ku daray in ay u heleen meel ay dajiyaan qoysaskan oo xiliyada gargaarka bini’aadannimo la bixinayo ay qaybtooda ka helikaraan iyo caagado ay biyaha uga soo dhaansadaan magaalada maaddama ay dagan yihiin meel ka baxsan Baladwayne, balse awood dhaqaale oo ka maamul ahaan dadka ay ku baahi tiraan aysan hayn.

“Dadkan way liitaan hoygooduna aad buu u xunyahay musqulo warkooda iskaba daa, wixii aan gaarsiin karnay horay baan ugaarsiinay waana soo dhawaynay. Waad dareemi kartaa qof ka soo barakacay meeshii uu dagana oo magaalo kale oo uusan ku dhalan yimaado dhibaato badan ayaa ka dhalanaysa”.

Guddoomiyaha Baladwayne waxa uu sheegay in qasaraha sanadihii danbe fatahaadda ka soo gaarayay beeralayda oo qaarkood ka niyad jabiyay tabcasho danbe in ay saamaynteeda ka muuqato Baladwayne oo qudaartii beeraha laga keeni jiray oo si wanayn hoos ugu dhacay.

Previous Post

Duufaanta Gati oo la saadaalinayo inay uga sii dari doonto xaaladda cunto-yari ee Soomaaliya

Next Post

Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo