Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Radio Ergo by Radio Ergo
December 2, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Barakac kale – Duufaanta Gati oo saameysay barakacayaasha Puntland

Kaydka Sawwirada /Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Shiikh Beddel, 50 jir, iyo qoyskeedu oo ka kooban shan carruur ah iyo seygeeda oo aragga naafo ka ah ma awoodin in ay xerada bannaankeed tagaan si ay ugu biiraan dadkii la daad guraynayey.

“Dhibaato weyn ayaan ku suganahay xaalkaayaga, rashin nooma dhaqna, dhar nooma dhaqna, wax noo dhaqan maleh,” ayey tiri Xaliimo oo la hadashay idaacadda Ergo xilli ay ku sugneyd xerada barakacayaasha ee ku taala duleedka magaalada Boosaaso, Puntland.

“Meel dab lagu shido maleh, wixii sahay noo yiiley joodhaayadii daadkay raaceen, meel roob ku da’ay dad daal qaatay waad garan, meel aan hadda ku jirno maleh buushkii waa dumay, bahalkii oo dhinac dhinac u jiifa ayaan ku jirnaa, wana guuri kari waayey odayga ayaan marin waayey biyaha biyo tan leh ayey ahaayeen wax ii mariyana waa waayey”.

Qoyska Xaliimo waxay toban sanno ka hor abaaro uga soo barakeceen degaanka Soomalida Itoobiya, markaas oo ay ka dhammaadeen xoolohoodii, haatanna waxay ka mid tahay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay duufaanta Gati ee gobolka Bari ku dhufatay.

Qoysaska xero Tawakal laga daad gureeyey waxay dowladda hoose dejisay laba goobood oo kamid ah guryihii dowladdii hore ee loo yaqaanno Xero Inji, Inkastoo ay cunto iyo hoy roobka ka celiya oo teendhooyin ah heleen, weli gurmad rasmi ah looma fidin, waxaana ay ku jiraan dhibaato aan dhaamin daadkii ay ka carareen, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegey Guddoomiyaha Xero Tawakal Rinji Cumar Cilmi.

“Waa dad barakacayaal ahaa oo sii barakacay,” sidaa ayuu Cumar dhibanayaasha ku sifeeyay. “Gurmad ilaa hadda gaadhay ma jiro, dowladdii iyo dadkiina waan sugaynaa kolley haddana gacanta ayaa lagu hayaa, wixii wax qabad ahna umadda Soomaaliyeed ayaan ka sugaynaa.”

Ayaan Maxamed Yuusuf oo haysata saddex carruur ah ayaa kamid ah dadka ku sugan xero Inji Boosaaso, waxa ay Raadiyaha Ergo u sheegtay in ay jeclaan lahayn in buushkeedii ka burburay dib loogu dhiso laguna celiyo, si ay ugu laabato nolosheedii hore.

“Noloshaydii shalay aan haystay in lay soo celiyo baan codsnayaa oo hoygaygii burburay dib laygu dhiso oo dib lay celiyo. Halkaas waan shaqo tegi jiray odaygana waa shaqo tegi jiray, hadda ma shaqo tegi kartid, reero badan ayaa meel laysugu keneey oo xanuuno ayaan xataa ka baqaynaa oo carruurta ayaa isku neefsanaysa”

Dhankaas iyo degmada Iskushuban, oo ah halka ay 22kii November duufaantu ka saf bilowday, Maryan Caafi Xuseen oo deggen magaalada Hurdiya oo baddu ku soo caariday waxa ay Raadiyaha Ergo u sheegtay in gurigeeda oo afar qol ahaa, saddex kamid ah ay dumeen, iyadoo ka cabsi qabta in midka ay hadda iyada iyo lixdeeda caruur ku jiraan uu soo dumo.

“Markii hore roob biyo ah ayaa na bilaabay, sidii biyuhu noo wadaan ayaa dabayl kudaysa nagu timi, dabayshaas ayaa dadka saamaysay, guryahana dumisay, xoolahana baabi’isay” ayey tidhi Maryan. Badanaa dadkii deganaa degaanka Hurdiya wey ka qaxeen.

Dabaysha ayaa sidoo kale saamaysay miyiga, iyada oo xoolaha oo goor galab ah mayracanaya ay laysay,  aqalladiinii qoysaskana waa dumisay sida uu Raadiyaha Ergo u sheegey Cabdullaahi Cali Axmed oo adhigiisa oo 70 neef ahaa ay u baxsadeen  25 neef oo keliya.

Cabdullaahi wuxuu sheegey in qoysas badan oo deegaankiisa ah ay dhibka la qabaan. Dabaysha oo saacado badan haysay deegaanka xataa waxa ay madhisay dhirtii oo ay jajabisay.

 

Previous Post

Fatahaaddii ugu dambeysay ee wabiga Shabeelle oo qoysas beeraley ah barakicisay

Next Post

Dadka qaba cudurka HIV/AIDSka oo ka cabanaya nolosha sebenka Koronaha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

Dadka qaba cudurka HIV/AIDSka oo ka cabanaya nolosha sebenka Koronaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo