Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Howlaha bani’aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed

Radio Ergo by Radio Ergo
August 19, 2020
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Howlaha bani’aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sanad walba bisha August 19 keeda waxaa Aduunka laga xusaa maalinta caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha xaaladaha bani’aadamnimo ee ugu daran ay ka jiraan adduunka.

Waxaa jira dad isu xilqaamay howlaha samafalka oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Waxay kaalin muhiim ah ka qaataan badbaadada nolosha dadka danyarta ah iyo kuwa gudaha ku barakacay. Waxaan idinla wadaageysaa sheekada saddex ka tisan dadka iskood isku abaabulay ee howlaha samafalka ah ka wada gudaha.

blankRuqiya Sheekh Cabdullaahi oo 22 sano jir waxay ka mid tahay dadka safka hore uga jira howlaha gargaarka iyo bani’aadamnimada ee ku sugan magaalada Baydhabo. Waxay madax ka tahay urur ay ku mideysan yihiin haweenka oo lagu magacaabo Mishurto Arlaadi, kaas oo ka shaqeeya samafalka. Waxay si shakhsi ah iyo qaab ururba u caawisaa carruurta iyo haweenka dhibaateysan iyo dadka u baahan adeegyada caafimaad. Waxay sidoo kale u gurmataa qoysaska barakacay ee u baahan gargaarka cunto iyo biyo.

Ruqiya waxay howsha bani’aadamnimada iyo u gargaarida dadka caawimaada u baahan billowday iyadoo 15 sano jir ah. Xilligaas oo ay arday ahayd waxay sheegtay in maalin kasta marka ay iskuulka u socoto ay arki jirtay haween dawarsada, carruur dayacan oo waalidkood uusan waxbarashada u awoodin oo xitaa qaarkood xaafaddeeda deggenaa, taas baana ku dhalisay inay billowdo howlaha samafalka.

Waxay ku billowday inay lacag ka soo ururiso ardayda ay wax isla baran jireen, kaddibna ay biyo iyo cunto ugu iibiso dadka danyarta ah iyo kuwa barakaca ah.

Ruqiya iyo kooxdeeda waxay sidoo kale labadii sano ee u dambeysay shaqo-abuur u sameeyeen 20 haween ah oo isugu jira danyar iyo barakac. Haweenkaas oo ay ku jiraan qaar haysta carruur agoon ah, kuwo qaba baahiyaha gaarka ah iyo kuwo keligood carruurta korsada ayay ganacsiyo yaryar ugu maalgeliyeen lacag ay iska ururiyeen.

“Markii hore ee aan billaabeynay howshan, waxay aheyd qofkan wax uu cuno ma heysto siiya, wakhtiga markaas la joogo wax uu tuura, biyo-la’aan ayaa heysa xoogaa keyd biyo ah sii, canug ayaa xanuunsan dhaqaale u aruuriya. Laakiin hadda waxan billowday in qofka laga dhigo qof noloshiisa maareyn kara.”

Ruqiya oo caafimaadka bulshada ka haysata shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda, waxaa howlaha gargaarka u dheer inay qeybta xadgudubyada kala shaqeyso hay’adda DRC. Hase yeeshee waxaa ka go’an inta ay nooshahay in aysan joojin howlaha ay ku kaalmeyneyso dadka gargaarka u baahan.

blankDadka kale ee arrimaha bani’aadamnimada ka shaqeeya ee ku nool Baydhabo waxaa ka mid ah Aadan Cabdiraxmaan oo 55 sano jir ah. Wuxuu hirgeliyay Xarunta Daryeelka Caafimaadka Dhimirka ee bulshada (Community Health Care Center) oo lagu xannaaneeyo dadka qaba cudurada dhimirka oo ah tan keliya ee nooceeda ah ee ka jirta deegaannada Koonfur-galbeed.

Waxaa hadda xarunta ku jirta 128 qof oo toddobo ay haween yihiin. Wuxuu ka caawiyaa dhinacyada daryeelka caafimaad, cuntada, hoyga iyo biyaha. Wuxuu howsha samafalka ah la kaashadaa dad u badan ganacsato oo ku sugan Baydhabo, kuwaas oo dhaqaale ay iska soo ururiyaan ugu tabarruca xarunta.

Waxaa xarunta kala shaqeeya 32 qof. Howshan oo uu wado muddo sagaal sano ah ayuu nooga warramaaya waxa ku dhaliyay u bareeristeeda.

“Dad badan oo waxaan arkay ehel iyo qaraabo aan laheyn oo aan daryeel heysan oo rag iyo dumar leh iyo haweenka [dhimirka ka xanuunsan] ee waddooyinka ku dhalaya oo cid ka dhashay aan la ogeyn, kuwa miyiga ka yimid ee darbiyada jiifa oo dhimirka looga jiro. Waan fakaray waxaan is dhahay ka warran dadkan waddooyinka ku dayacan haddii aad xannaaneyso adigoo bani’aadamnimada fiirinaya?”

Aadan wuxuu sanadkii 2019 kulliyadda caafimaadka dhimirka (Psychology) uga baxay jaamacadda Islaamiga ah ee Caalamiga ah (International Islamic University) ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistan, taas oo uu haddana ka diyaarinayo shahaadada heerka labaad.

Wuxuu intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009-kii ahaa agaasimaha guud ee isbitaalka gobolka Bay ee magaalada Baydhabo. Markii uu shaqada isbitaalka ka tagay ayuu magaalada Hargeysa muddo lix bilood ah ku soo qaatay tababar ku saabsan caafimaadka dhimirka (Mental Health Integration).

Tan iyo 2010-kii oo Aadan uu soo billaabay xannaaneynta dadka dhimirka ka xanuunsan qaba wuxuu caawiyay 13,350 qof oo u badan qaar caafimaaday. Wuxuu aaminsan yahay in qof kasta oo bani’aadam ah uu xaq u leeyahay inuu helo caawimaadda uu u baahan yahay.

Xarunta oo dhulka ay ku taallo uu siiyay maamulka Koonfur-galbeed waxaa lagu dhisay mashruuc ay bulshadu hogaamineysay oo lagu magacaabi jiray Danwadaag. Waxay ka kooban tahay qeyb jiif ah, bukaan-socod-eegto, barxado lagu madadaaliyo bukaannada iyo qeybo xafiisyo ah.

Ma jirto hay’ad gacanta ku heysa xarunta marka laga reebo taageero ay mararka qaar hay’aduhu siiyaan, laakin waxa dhabta ah ee nolosha dadkaas meeshaas lagu xannaaneeyo ay ku tiirsan tahay ayaa ah qaaraan uu dhaqtarku ka soo ururiyo bulshada oo cunto, biyo iyo daaweyn loogu sameeyo.

Cabdifataax Sheekh Xasan oo 37 sano jir ah waa samafale iyo imaam masjid oo caan ka ah magaalada Baydhabo. Inta uusan u soo jeesan arrimahan bani’aadamnimada waxaa uu ahaa macallin dugsi quraan.

Cabdifatax wuxuu aasaasay labo xarumood oo midna lagu xannaaneeyo agoomaha, mid wiilasha u gaar ah iyo mid kale oo gabdhaha lagu xanaaneeyo, halkaas oo ay ka helaan waxbarasho bilaash ah, jiif, caafimaad iyo cunto.

blankWaxaa intaas u dheer oo uu caawiyaa qoysaska soo barakacay iyo danyarta, kuwaas oo uu siiyo raashin, biyo iyo dadka qaar ee gurmadka caafimaad u baahan oo uu ku taageero inuu isbitaallada Baydhabo iyo kuwo Muqdisho geeyo. Cabdifataax wuxuu aad uga dhex muuqdaa baraha bulshada, iyadoo markii ay dadku arkeen howsha bani’aadamnimada uu u hayo bulshada ay ku soo xirmeen boqollaal dad ah oo jooga gudaha dalka iyo dibadda oo kala qeyb qaata caawinta bulshada. Waxaa uu ka sheekeynayaa nooca dadka uu caawiyo iyo waxa uu u qabto.

“Dad badan oo carruur leh, haween leh, waayeello ay ku jiraan ayaan laga war heyn xaalkooda, qof xanuunsan, qof gaajeysan. Waxaan u taaganahay inaan caawiyo, dhaqaale ayaan u aruuriyaa qof kasta oo ay dadku arki waayaan kamana daalayo howshan.”

Previous Post

Gabdhaha adeegtooyinka guryaha ah ee Hargaysa oo wajahaya culaysyo ka dhashay Karoonaha

Next Post

Mudug: Biyo-yaraan ka jirta Bacaadweyne iyo qiimaha lagu heli karo oo kor u kacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qoysas ka faa’iideysanaya biyo-gelin laga sameeyey Burtinle

Mudug: Biyo-yaraan ka jirta Bacaadweyne iyo qiimaha lagu heli karo oo kor u kacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo