Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gabdhaha adeegtooyinka guryaha ah ee Hargaysa oo wajahaya culaysyo ka dhashay Karoonaha

Radio Ergo by Radio Ergo
August 18, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Shaqo

Gabdho iska diiwaangelinaya xafiis dadka u raadiyo shaqoyinka/Keydka Sawiradda/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) Suleekha Carab Cabdi oo 33 jir ah waxay bishii Juun ka tagtay shaqadeedii mudada dheer ee ahayd adeegto guri, kadib markii qoyskii ay u shaqaynaysay ay iska bixin kari waayeen mushaarka ay qaadato oo ahaa $60 sababtoo ah xaaladda faafidda Karoonaha fayrus, waxay xilligan maalmaha khamiista iyo jimcaha isku daydaa in ay hesho shaqo dhar-dhiqid ah oo ay deriska ka raadsato si ay uga hesho biilka qoyskeeda.

Shaqadeedu waxay ahayd nadiifinta guri weyn oo ay qaban jirtay saacado kooban maalintii, laakiin dadkii ay u shaqaynaysay ayaa awoodi waayay in ay iska bixiyaan lacagta. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay jiraan gabadho badan oo sideeda oo kale shaqo la’aan ah, balse iyaga waxaa u dheeraa culaysyo shaqo iyo mushaar yari dhalatay Karoonaha

“tacadi badan ayay qabaan hablaha guryaha ka shaqeeya. Markaasna dadku qofka u shaqeynaya ma daneeyaan, iguma filna 60-ka dollar oo shoobinkaygaba maaha” ayay tiri

Ururo maxali ah oo ka hawl-gala Hargaysa ayaa dhowaan bilaabay in ay wacyi-gelin ka sameeyaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka adeegtooyinka ah ee guryaha ka shaqeeya, si loo dhimo culaysyo shaqo iyo xad-gudubyo ay ka mid tahay in xuquuqdooda loo diido oo siyaaday intii lagu jiray xaaladda faafidda Karoonaha fayruska, wakhtigaas oo ardaydii iyo dadkii shaqooyinka tegi jirayba ay intooda badani noqdeen kuwo inta badan guryaha jooga.

Helitaan la’aanta mushaarka waxaa hablahan u dheer inuu ka soo daaho oo ay xuquuqdoodii wakhti kale sugaan iyadoo qaarkoodna hoos loo dhigay mushaarkoodii billaha ahaa, maadama dhaqaale xumidu ay saamaysay qoysaskii loo shaqaynayay. Xamda Maxamuud Axmed oo ah adeegto 24 jir ah oo mushaar $60 dollar ah oo ay ka hesho shaqada wuxuun kaga caawida qoyskeeda oo ka kooban 12 ruux ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in iminka ay dhibaato weyn ku qabto shaqo maalmeedka, bilahan dambe ee karoonuhu jiro. Waxay awalba shaqayn jirtay in ka badan 10 saacadood, hadase waxay shaqada guriga ku gaartaa gaartaa ilaa saqda dhexe

“Shaqada markii hore aan qaban jiray waxaa ay ahayd mid xaddidan, balse imika inta badan waa la wada joogaa, waxaa ay noqonaysa qof walba goortu hurdada ka kacayay in aan sugo” ayay tiri

Suleekho Carab Cabdi oo 14 sano oo khibrad ah u leh shaqadan iminkase culayska soo kordhay darteed shaqada adeegista guryaha isaga tagtay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay aragtay gabdho la kulmay tacadiyo galmo shantii bilood ee ugu dambeeyay. Dhibaatada kale ee ay Suleekho ka walaacsan tahay ayaa ah in adeegtooyinka la kulma dhibaatadaas jinsi aysan cidna u sheegin dhibtooda oo ay iska aamusaan.

“Waxaan arkay gabadho lagu dhex kufsaday guryihii ay ka shaqeynayeen, muxuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Wey iska han dhacaysaa oo meelahaasi ayay iska xoog xoogsaneysaa, shaqadiina nolol maalmeedkeeda iyo caqabado dhinaca reerka ah ayaa ku xidhan” ayay tiri.

Gabdhahan adeegtooyinka ah ma helin mushaar kordhin xilligan adag ee shaqooyinka iyo wakhtiga shaqada lagu jiraaba uu ka batay intii hore, arrintaas ayaa kordhisay gabdhaha shaqada isaga tegaya xilligan.

Faa’isa Aw-Cali Yuusuf oo ah gudoomiyaha ururka horumarinta dhalinayada Soomaalilaan ee SOYDA (Somaliland Youth Development Association) oo iyagu ka mid ah ururrada bulsho ee wada dadaalada lagu doonayo in lagu dhawro xuquuqda adeegtooyinka Hargaysa xilligan karoonaha ayaa sheegtay in ay si gaar ah isha ugu hayaan arrintan teer iyo bishii maajo, iyagoo hablaha ka caawiya in ay helaan talooyin sidii ay caqabadaha cusub u wajihi lahaayeen iyo adeegyo sharci oo ay ka mid yihiin in ay ka difaacaan maxkamadaha hortooda.

“ciddii ku tacadida ama ku xadgudubta ama aanu u aragno in aanay hablahaasi siineyn wixii ay xaq u lahaayeen ayaanu inta badan kala shaqaynaa, inta badanna sulux ayaanu ku daynaa in aanu ku dhammeyno balse hadii ay waxba ka qaban weydo dhanka maxkamadaha iyo looyaro aanu u qabano oo hablaha xuquuqdooda u dooda” ayay tiri Faa’isa

Xal u helid la’aanta dhibaatada ay wajahaan gabdhaha adeegtooyinka ahi waxaa qayb ka ah  in marka horeba aysan heshiis shaqo oo qoran la gelin qoysaska ay u shaqaynayaan, sida uu qabo qareen Ibraahim Khadar Siciid oo Hargaysa ka hawl-gala. Wuxuu sheegay in qoysasku ay xiliga shaqaalaynta muhiimada siiyaan oo keliya hadii gabadhu dhib-geysato ciddii ay u raacan lahaayeen oo ah in la helo qof damiin ah.

Previous Post

Mudug: Heshiis Nabadeed ay gaareen beelo mudo dheer colaadi ka dhaxaysey oo dhaqangal noqday

Next Post

Howlaha bani’aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Howlaha bani’aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed

Howlaha bani'aadamnimo ee samefalayaasha Soomaaliyeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo