Waddada Xiriirisa degmada Galdogob iyo deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa dib loo furay oo ay dadku isaga gudbaan, kadib markii laba bilood kahor xal kamadanbays ah laga gaarey colaad soonoq-noqon jirtey muddo 40 sano ah. Reer Guuraaga laba deegaan waxay bilaabeen inay baadida xoolaha kala soocdaan, wada daaqsadaan, halka qaraabada labada dhinac kala jooga oo aan is booqan jirin ay hadda si nabadgelyo ah isugu socdaalaan.
Suldaan Cabdikariin Suldaan Maxamed Maxamuud oo kamid ahaa dadkii ka soo shaqeeyay heshiisiinta beelaha dirirsanaa kana mid ahaa saxiixayaasha heshiiska nabadeed ee labada dhinac, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in heshiiska labada beelood oo lagu gaarey laba shir oo bilihii June iyo July ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob uu si toos ah u dhaqangalay. Wuxuu sheegay in la sameeyey ciidamo isku-dhafan oo labada dhinac ah Islamarkaana hub-kadhigis lagu sameeyey Xoolo-Raacatada labada dhinac.
“ Dadkii way isdhex-lugaynayaan Waddadaas labada deegaan u dhaxaysanaa Lamaraa, dadkuna waxaay ku taamayaan in wadadaas la hagaajiyo oo la dhiso oo waddo wayn oo laami ah laga dhigo, aad iyo aad bey dadku iskugu hamuun qabaan kalsooni qurux badan ayaa ka dhaxaysa waana ka shaqaynay ilaahey baana mahaddaas Iskaleh oo noo-suurto galiyay dadkiina way ka faa’iideysteen, miyi iyo magaalana waa la hadal hayaa, kii danbi galaana si wada jir ah baa lagu heshiiyay in loo soo qabto.” Ayuu Yiri Suldaan Cabdikariin.
Heshiiskan hadda la gaarey ayaa Suldaan Cabdikariin sheegay inuu ka duwan yahay heshiisyo hore loo gelijirey balse si degdeg ah ku fashilmi jirey, wuxuu sheegay in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada labada dhinac ay wada hadleen iyadoo aan cidi u dhexayn.wuxuu intaa ku daray in Maxkamad Islaami ah oo ciqaabi doonta dadka dhibka ka geysta deegaanadaasi la dhisay,
“Waxaa kaleetoo bilowday dadkii in ay baqaan oo bahashu in ay dab tahay arkaan waayo waxaa weeye qofkii qof dila in la dilayo, haddii qofkii qof cafiyo xataa magta inaan lala bixinayn, wax dhibbadan oo aysan ka bixi karin ayaa loo sheegay wixiina in ay dab yihiin way yaqiinsadeen dadku waa indho ukas, sharci dadkoo dhan u fiican baa la samaystay oo aqoonyahan waxgarad culimo iyo dhalinyaradu ay giddigood ku midaysan yihiin baa la samayay iyo guddiyaal aqoon leh iyo xittaa maxkamad,”
Iyadoo la fulinayo Qodobada lagu heshiiyey bishii June waxaa 2-dii bishii July shirkii gunaanadka nabada oo ka dhacay Galdogob lagu kala bixiyey lacag loo bixiyey Agoon-koris iyo ilintir oo qofkiiba laga bixiyey $10 Kun oo dollar taasoo qaatee dadkii eheladooda ku waayey colaadaha intay socdeen waxaana shirka Galdogob lagu bixiyey lacag dhan $260 kun oo dollar oo ay qaateen qoysaska ay ka dhinteen dadka colaada laga heshiiyey ay galaafteen.
Ololaha Nabadda waxaa qayb ka ah dad ehelkoodu ku dhinteen colaadda. waxaa kamid Cabdirakiriin Daahir Maxamed 16 jir ah, Cabdikariin ayaa colaadani agoon ka dhigtay isagoo da’diisa tahay laba sano jir ayuu Aabihiis colaada kuwaayey,
”Colaad wayna soo martay waxay tahayna waan Aragnay, Xanuun, Uurkutaallo iyo Dhibaatooyinkay leedahayna waa waxaan si wacan u garanayno, hadda annaga waxaa nagu waajib ah sidii hore ee aan uga soo shalaynay in shalayto kale oo hor leh aynaan gelin, Aabbahay wuu ku dhintay, qaar adeeradey ah wayku dhinteen, Ehelka kale iyo Qaraabada qaar baa ku dhintay Intaasna waxaan ku ilaawaya allah Subxaanu Watacaala waxa uu leeyahay dadka ha iscafiyaan oo miyaydaad jeclayn alle in uu idiin danbi dhaafo} marka in aan u hurno annaga dhanbey qasab nagu ahayd”
Cabdikariin waa Hal-buure Suugaaneed waxaana tixaha iyo gabayada uu sameeyo dhawaanahan uu ku cabirayay dhanka nabadda iyo muhiimaddeeda, waxaana bulshada uu uga wacyigalinayay dhibaatada ay abuurto Qabyaaladda.
Dhalinyarada labada dhinac waxay si wada jir ah u aaseen qoriga AK47 oo ay ku tilmaameen abuuraha colaaada iyagoo dhirta nabada si wada jir ah ugu beerayy Galdogob, iyo Bandiiradley waxaana ergooyinkii heshiiska keenay ay socod ku mareen dhamaan deegaanadii lagu diriray oo fariinta nabada la gaarsiiyey.
Isdhex-galkan waxaa si wayn uga faa’iideystay bulshada labada dhinac oo colaadda qabiil ay kala fogaysay, Cabdiqafaar Maxamuud Yuusuf oo ah 28 jir ku nool dagmada Galdogob ayaa kamid ah dadkaas. Socdaalka Nabadda ayaa u fududeeyay in uu booqdo ehelkiisa gaarhaan reer abtigiis oo badankood uusan arki waligiis sida uu sheegay.
“Aad bey annaga noo taabanaysay oo saamayn la dareemi karo bey anaga nagu lahayd in qaraabadayo oo nool oo adduunka joogta oo hadana meel fog jirin oo gobolka mudug nala joogta aad bey dhib noogu ahayd oo waxaan dareemaynay in aan ciriiri ku jirno oo labadaan dad oo la kala xiray oo qalbiga isbaarada laga dhigay famil ahaan ay dhib gaara nagu tahay oo markasta aan aabbe ka codsan jirnay sidee macquul ku tahay inaan mar uun tagnikarno Bandiiradlay mar uun tagikarno Bitaalle, arrinta ugu wayn oo noo diidaysay isku socodka waxuu ahaa qofka amnigiisa iyo naftiisa in uu la baqayo oo inta yarta ah ee ku dhashay uusan ka bixikarin, haddase siddeed saac oo habeenimo ama sagaal saac oo habeennimo waxaa noo fudud in aan aadi karno meeshaan rabno oo Mudug ah”, ayuu yirin
Waxa uu aad ugu faraxsan yahay inuu bartay oo xiliga uu rabo booqan karo qayb kamid ah Ehelkiisa oo tan iyo yaraantiisii uusan la kulmin, xoolo-dhaqatada daggan dhul-daaqsimeed ballaaran oo u dhaxeeya Galdogob iyo Bandiiradley oo markii hore Colaaddoodu joogtada ahayd ayaa heshiiska kadib muujiyay isku kalsoonaan iyo isdhex-gal bulsho oo aan horay u jirin.
Cabdidaahir Maxamed Cali, waa reer guuraa xoolo-dhaqato ah oo degan baadiyaha tuulada Dalsan oo 42 KMG dhanka Koonfur ka xigta degmada Galdogob wuxuu noo sheegay in todobaakii hore geel dhankooda ka lumay laga soo celiyey deegaanka kale oo beesha kale oo hadda ay heshiiyeen.
“Baadidana way kala ceshanayaan wixii dhib ah oo jira way is waydiinayaan daaqqa way ka wada hadlayaan maalinba maalinta ka danbeysa dadku nabaddii iyo wanaaggii way soo fahmayaan, dadka boqoliiba siddeedtan kuma qanacsana in qoryo ay ku rarnaadan, magaalooyin qofkii qori wata waxaaba la leeyahay war colaadii dhamaataye maxaa qoriga kugu raray,” ayuu Cabdidaahir Maxamed Cali.
Dhaca Geella ayaa u badnaa waxyaabaha la isku dilo ee colaadahaas sababa, haddase taasi ay meesha kabaxday, xoolo-dhaqatada iyo waxgaradkuna waxay ku hawlan yihiin wxii sidii Nabadani u noqon lahayd mid waarta.










