Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Nin dhallinyaro ah oo iskuulka uga haray si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo ganacsi guuleystay ku leh Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
August 14, 2020
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin dhallinyaro ah oo iskuulka uga haray si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo ganacsi guuleystay ku leh Dhadhaab

Nucmaan oo dhex fadhiya ganacsigiisa/Axmed Cabdullaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nucmaan Jaamac Hiirad oo ah 29 jir ku nool xerada Xagardheer ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab, waa mulkiilaha xarunta Skylink oo lagu iibiyo taleefannada iyo qalabka Electronics-ka.

Ganacsigan oo uu isagu keligiis abuurtay wuxuu u jeedkiisu ahaa in uu maareeyo noloshiisa iyo tan qoyskiisa oo ka kooban todddobo qof kuwaas oo duruufo nololeed ku wajahayay xeryaha Dhadhaab.

Nucmaan ayaa shaqadiisii ugu horreysay ka billaabey isla goobta uu hadda ku leeyahay ganacsiga oo markaas timo-jare ahayd. Haddase wuxuu dhex fadhiyaa goobtan oo ah mid bilicsan oo ku taalla waddada hal-bowlaha ah ee suuqa xerada Xagardheer. Wuxuu sheegay in inkasta oo uu gaaray meel fiican oo isku filaansho nololeed ah hadana uu weli sii wado dedaalkiisa, waxa dhiirigeliyaana ay tahay halganka dheer ee uu soo maray.

“Shalay waxaa ahaa nin timajare ah oo u shaqeeya wax aan nus doollar aan dhamayn, Allaah mahaddii sanado badan kabacdi waxaan ahay nin ganacsade ah, meesha aan ku jiro guriga aniga ayaa iska leh, alaabtan iyo ganacsiga ku jirana anaa iska leh, cid aan u shaqeeyaa ma jirto. Waxaan rejaynayaa inta aan nolsheyda lugo adag ku istaajinayo in aan duruufo walba oo isoo mara aanay u istaagin oo aan u dhutin oo sidii aan uga bixi lahaa aan xisaabta ku darsado.”

Ganacsigan sida adag ku miro dhalay waxaa uu Nucmaan sheegay in uu u hurey waqti badan, uuna ugu dulqaatey caqabado adag oo ay mid yihiin shaqada timaha jaraha oo bulshada dhexdeeda ka ah mid aan la soo dhoweynin.

Labo sano oo uu ahaa timajare kaddib wuxuu noqdey xirfadle faa’iido wadaag la ah qofkii uu shaqaalaha u ahaa, isagoo muddo kadib waxaa uu la wareegay goobtii uu ka howlgelayay uu agabkii yaalay kaga iibsadey lacag dhan $300 oo uu ku biiriyay shaqadiisa.

Hadaba waa sidee faa’iidada bilaha ah ee uu Nucmaan ka sameeyo ganacsigiisa, maxaase iska beddelay dareenkiisa tan iyo markii uu billaabay shaqadiisa ganacsiga ah.

”Tab lacag baad bixinaysaa, lacag baad dulsaareysaa waxaa laga yaabaa in aad bishii hesho saddex boqol, boqol, afar boqol, laakiin farqiga weyn ee u dhexeeyaa waxay tahay bulshadii shalay i yaseysay, yasitaan ma jiro hadda, dadkii baaba ku aaminaya markii ay arkaan adiga oo meeshan fadhiya, Walaahay dee niyadayduna aad bay u deggan tahay hadda cid aan ka cabsanayo malaha, ama sharaf ha ahaato ama dhaqaale ha ahaato.”

Nucmaan oo ahaa agoon uu aabihii geeryoodoodey isaga oo yar, waxaa qoyskoodu uu is buuxda ugu tiirsanaa kaalmada bilaha ah ee hay’addaha samafalku siiyaan qaxootiga. Kaalmadaasi oo marar badan hoos loo dhigey ayaan ku filnayn qoyska xeryaha deggan.

Sannadkii 2013-kii ayuu goostey in uu qeyb ka qaato maareynta nolosha qoyskiisa, isaga markaa ku jiray sanadkiisa 22-aad dhiganayayna fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe. Sida uu sheegay radio Ergo weli maalinta uu qaatey go’aan-kaasi kala go’in xasuustiisa.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaan u kallahey iskuulkii aniga oo aan quraacan, waxaan soo laabtey afar saac, quraac ma taallo ayaa la yiri, waxaan ku noqday iskuulkii lix saac baan kasoo baxay qado ma taallo ayaa la yiri, maxaa ayaa dhahay hooyo sidee ku dhacdey, markaa ayaa hooyo tiri mahayo wax la kariyo aan qado idinka dhigo ee adiga reerka wiil u ah ee in aad wax fahanto ayaa lagaa rabaa, maalintaa ayaa iskuulkii iigu dambeysay in aan dib ugu noqdo suuqa ayaan soo galay, waxaan imaaday shaqo aan aad uga faani jiray oo ah shaqo timajare ah.”

Nucmaan ayaa xusay in shaqadaas uu ku waayay waxbarashiidiisa isaga markaa isu diyaarinayay imtixaanka dugsiga dhexe. Wuxuu tilmaamay in aanu ka qoomameynin go’aankii uu uga tegay waxbarashada ayna waajib ahayd in uu qoyskooda ka gudbiyo duruufihii adkaa ee markaas haystay. Khibradda shaqo ee noloshu bartay ayuu Nucmaan aaminsan yahay in ay waxtar ugu leedahay mustaqlkiisa in badanna ka faa’iideys doono.

Horaantii sanadkii hore 2019-kii ayuu hirgeliyay ganacsigan, waana mid ah ka tilmaaman suuqa goobaha ganacsiga ee da’yarta qaxootiga aha ay ka hirgeliyeen xeryaha Dhadhaab, laakiin sanad kaddib waxaa saameeyay dhaqaale la’aanta ka dhalatey cudurka Koroona oo laga dareemay ganacsiga xeryaha qaxootiga oo dhan.

Sida uu xusay Nucmaan culayskaasi waa mid uusan ku darin qorshiihiisa oo ka beddelay himilooyinkii ganacsi ee sanadka 2020-ka isagoo hoos u dhigey heerkii uu gaarsiiyo xaruntiisa.

“Aad buu culays iigu hayaa, culayska koobaad waxay tahay dad baa igu tiirsanaa oo macalimiin iyo dad baa lacago ii keen keensan jiray oo aan seef gareyn jirey. Macalimiintaa markii lacagtoodu ka go’dana tayda ayaan sii amaahin jiray, si markii ay tooda soo qaataan aan wixii aan qaateen aan uga jaro. Macalimiin dee hadda sanad dhan baa iskuulkii la fasaxay, iyagana wixii lagu lahaa waa la go’day, lacagihii waa lagu leeyahay ilaa iskuulaadkii dib loo furo.”

Dhalinyarada xeryaha qaxootiga oo badankoodu shaqo la’aan ayuu sheegay in ay ugu wacan tahay iyaga intooda badani raadiya shaqooyin lacag badan, aan howl badnayn ama nadiif ah, taasina aysan ahayn mid qof walba uu si sahal ah ku heli karo. Sida keliya ee loo gaari karo himilo fog ayuu ku daray inay tahay samir iyo in dusha loo rito wax walba oo caqabad ku noqon kara in aad hore u socoto.

“Dhalinnyarada Soomaaliyeed waxaa u sheegi lahaa, dalka ha joogaan ama dalkii ha joogan ama qaxootiyada ha joogaan, cid walba oo aad ka dhalatey in aan faan waxba kuu tareynin, lafahaaga iyo danta reerkaaga wixii wax u tari lahaa uun baa kuu dan ah, ama timo-jare ka shaqee, ama maqaaxi ka shaqee, ama musqul qod. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaa jira shaqooyin la liido laakiin lacag laga samayn karo, shaqooyin aad u hooseeya ayaa jira oo aanad sharaf iyo karaamo toona aanaad helayn laakiin lacag aad ka samaynaysid waxaa ka mid ah shaqada timaha jaraha.

Previous Post

Dhegeyso barnaamijka Tacab aan uga hadalnno hormarinta beeraha

Next Post

Mudug: Heshiis Nabadeed ay gaareen beelo mudo dheer colaadi ka dhaxaysey oo dhaqangal noqday

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Dhuusamareeb: Collaad 4 sano jirtay oo heshiis laga gaaray

Mudug: Heshiis Nabadeed ay gaareen beelo mudo dheer colaadi ka dhaxaysey oo dhaqangal noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-24-JAN-2026

IDAACADDA-24-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-24-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo